Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Cabdiraxmaan "Cirro" waa Halyey Qaran iyo Hogaamiye Qaali ah.
Cabdiraxmaan "Cirro" waa Halyey Qaran iyo Hogaamiye Qaali ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” waa halyey Qaran iyo Hogaamiye Qaali ah oo Ilaahay hibo u siiyey Dabeecad-wanaag iyo Astaamaha loo nisbeeyo ama lagu garto Hogaamiyayaasha Quman ama Waaweyn ”Good/Great Leaders”ee Ummaddahooda u horseeda Horumar iyo Barwaaqo.
Hadaba Su’aasha meesha iman karta ama la isweydiin karo ayaa waxay tahay: Waa kuwee Dabeecadaha, Astaamaha iyo arrimaha kale ee lagu garto hogaamiyaha wanaagsan?.
Jawaabta su’aashaas muhiimka ah waxa ay noqonaysaa: Halbeegga Caalamku isku raacsan yahay ee lagu cabiro ama qiimeeyo Hogaamiyenimada wanaagsan laguna aqoonsado hogaamiyayaasha waaweyn waa: Tilmaamayaasha Shakhsi ee aan ku soo bandhigay shaxanka hoose “Table No. 1”, Waaya Aragnimada Hogaamiyaha iyo Aqoontiisa.(Waxbarsho toos ah iyo Tababaro Xirfadeedba).
Haddii aynu intaa ka baxno una soo noqono caddaynta ujeedadada emailkan ama qoraalkan waxaynu arkaynaa haddii aynu si deggan ugu fiirsanno ama daraasad kooban ku samayno innaga oo adeegsanayna Halbeegga aan kor ku xusay si aynu ugu qiyaasno ama ugu qiimayno heerka ama tayada hogaamiyenimada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxaana aynu si fudud u helaynaa Natiijo cad oo inoo xaqiijinaysa in Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” yahay Hogaamiye weyn oo ka mid noqon kara kuwa caanka ah ee Qaaradda Afrika ka soo baxa.
Bal u aad ugu Fiirso “Table” kan oo Caddaynaya Natiijada Qiimaynta qaybta hore ee Halbeegga.

Astaamaha Hogaamiyayaasha Weyn & in ay Cabdiraxman “Cirro” ka Muuqdaan
Sn
Astaamaha, Sifooyinka ama Tilmaamaha laga doonayo
Ma leeyahay
1
Honest, Integrity, Commitment, Creativity, Confidence
Haa √
2
Delegation, Communication, Intuition, flexibility, Participative
Haa √
3
Team work e.g encouraging collaboration and team unity 
Haa √
4
Visionary , striving for excellence, inspirational, charismatic 
Haa √
5
Humane Oriented e.g., compassionate, generous & sympathetic. 
Haa √

Haddii aynu ka gudubno Halbeegga hogaamiyayaasha qaybta koowaad oo ah Astaamaha shakhsiga ah ama Tilmaamayaasha “Table” ka sare ku muujisan una gudbno qiimaynta ku saabsan Waaya Aragnimada iyo Aqoonta waxaan muran ku jirin in Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” leeyahay Aqoon iyo Waayo Aragnimo Nus Qarni ka badan oo aad u balaadhan kuna saabsan hogaaminta suubban iyo maaraynta hawlaha Bulshada iyo Mushkiladaha la xidhiidha .
Haddii aynu dib u eegno ama u dhabo galno dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey waxaynu si sahlan u ogaan karaynaa in Mudane Cabdiraxmaan leeyahay Aragti fog helayna Waaya Aragnimo muhiim ah, Guulona ka gaadhay hawlgal kasta oo uu ku dhaqaaqay ama sameeyey isla markaana ku kasbanayey taageerada shacbiga Somaliland. Haddii aan in yar ka tilmaamo Mudane Cabdiraxmaan waa Hogaamiye Waaya Arag ama Rug caddaa ku aha arrimaha Dimoqraadiyadda JSL iyo Nidaamka Axsaabta Badan waxaanu guulo is daba jog ah u soo hooyey Shakhsiyan, Xisbigiisii hore ee UCID iyo Xisbiga Waddani ee uu hadda Guddoomiyaha ka yahayba iyo dadka ama Bulshada tartankasta oo lala galo Isaga dooranayey.
Wuxuu ka soo bilaabay Xildhibaan iyo Xisbiga UCID waxaana ku Xigay Gudoomiye iyo Xisbiga Waddani. Waxaa u dhaxeeyey Guulo iyo Waayo Aragnimo xiisa badan oo uu ka helay walina u socota oo ku saabsan Golaha Wakiilada JSL.. Mudane Cabdiraxmaan wuxuu ku guulaysatay Guddoomiyanimada Golaha Wakiiladda JSL September 2005. Dadku aad uguma fiirsadaan ee hogaaminta Golaha Wakiiladda JSL oo la aaminsan yahay inay tahay hawsha ugu adag JSL taas oo uu si hal abuurnimo ah Gudoomiye Cabdiraxmaan u hogaamiyo maadaama oo Goluhu ka kooban yahay saddex Xisbi Qoran had iyo jeerna Xukuumadduhu fara galin toos ah iyo mid dadbanba ku hayeen. Guddoomiyuhu wuxuu ku guulaystay isaga oo aan haysan Awood dhaqaale in uu Xildhibaanada Awoodda Xukuumaddu ka dambayso ee tirade ugu bandanna ku leh Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada kaleba had iyo jeer raali ka noqdaan kuna taageeraan Hogaaminta Mudane Cabdiramaan.
Hogaaminta Mudane Cabdiraxmaan “Cirro” ee Golaha Wakiilada waxay suuro galisay in Xeerar iyo Shuruuc Muhiim ah loo dejiyo Qaranka.
Haddii si kale loo dhigo markaad daristo Hogaaminta Mudane Cabdiraxmaan ee u saabsan habka iyo Hanaanka uu u Maamulayey muddo 10 sanno ku dhowna hogaanka ugu hayey iyo sida uu isugu hayo Golaha Wakiilada ee ka kooban Axsaab kala duwan iyo waliba Xubnahaas oo leh Dano shakhsiyeed ama Beelo kala duwan waxaan shaki ku jirin in aan laga helayn hogaamiyayaasha Somaliland ama xitaa Somalida kaleba Hogaamiye u dhigmi kara Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”
Mudane Cabdiraxmaan wuxuu Guulo isdaba Joog ah iyo taageero balaadhan oo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshashada JSL hore uga soo hooyey ilaa hadda ku timaadda Hogaamintiisa Xisbiga Wadani . Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Waa Hogaamiye dantiisa iyo Tu kaleba ka hormariya danta Qaranka JSL taas oo ah Astaan lagu yaqaanno Gudoomiyayaasha Waawayn ee Caalamka soo maray.
Waxaan ku soo gebebaynayaa Qoraalkan Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL waa Hogaamiye Saaxiibo Caalamiya kasbaday waana hogaamiye Gudaha JSL iyo Qurbahaba laga jecel yahay lana saadaalinayo inuu si weyn ugu guulaysan doono Doorashada Madaxtooyada JSL ee Sannadka 2015.(Haddii Ilaahay Idmo).

Axmed Naasir Xirsi
Bristol, UK

· Posted by abdi on May 07 2014 1372 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>