Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » ICTIRAAF Raadinta Qeybtii 3
ICTIRAAF Raadinta Qeybtii 3

ICTIRAAF – Raadinta Wax aan la Garaneyn - Qeybtii 3



Marka aan Wax Hagaa Jirin, Siyaasi Kastaa Sidii ay uula eekeyd ayuu u
Fasirtey Siyaasadda



Shirkii Burco lagu Qabtey 1991 ee lagu go’aamiyey in Soomaaliland ay
la soo noqotey madax banaanideeda, waxa lagu doortey dawlad uu madax
ka ahaa Abdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” (AHUN). Dawladdaa waxa la siiyey
laba waajib oo kala ahaa in muddo 2 sanadood gudahood ah ay ku qabato
doorashooyin xor ah iyo iney 2 sanadood gudahood ku keento ictiraaf.
Labadaa waajib ee la siiyey dawladaasi wax tafaasiil ah lagama bixin,
lamana sameyn qorshe cado o muujinaya sidii labadaa arin lagu gaadhi
lahaa. Duruufuhuba kumey simin oo waxa ay aheyd wakhti dalkuba
marxalad adag marayey oo dawladda jirtey aaney heysan dhaqaale iyo
wixii kale ee u sahli lahaa iney labadaa waajib ka soo baxdo. Taasi
waxa ay keentey in qof walbaa ictiraafka u sharaxdo sidii ay isaga la
aheyd maadama aanu jirin qeexid cad yo waajib la sameystey oo sheegaya
halka laga raadinayo taasina waxa ay keentey in siyaasi kastaa sida ay
isaga la tahay uun u safirto oo uu ku dhaqmo.



Bilowgii 1991 ayaa waxa muqdisho yimi wafdi uu hoggaaminayo Cisman
Jaamac Cali (Cisman Kaluun) oo ay ka mid ahaayeen Xusen Cali Xirsi.
Cismaan markaa waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee SNM isla markaana
ahaa siyaasi miisaan cuclus oo ka soo jeeda Somaliland oo sheegey in
wafdigiisa uu soo direy madaxweunuhu. Wafdigii Cisman waxa ay la
kulmeen dad aad u tiro badano o iskugu soo baxey xarunta xisbiga
Hantiwadaagga ee magaalada burco oo markaa ay ku sugnaayeen baabuur
aad u tiro badano o raran oo ah dadkii reer Soomaaliland ee Muqdisho
ku noolaa oo u soo ambabaxaya woqooyi. Cismaan oo dadkaa khudbad u
jeediyey ayaa u sheegey in umadda Soomaalidu aaney kala guurin dalkuna
aanu kala go’ayn, sidaa darteedna baaburta rarka laga dhigo.



Badhtamihii 1991 waxa magaalada Muqdisho yimi wafdi ballaadhan oo uu
hogaaminayey Salebaan Mohamoud Aden (Saleban Nuur) oo markaa wasiir ka
ahaa Somaliland. Wafdiga waxa ka mid ahaa Abdirahman Aw Cali oo wasiir
ahaa, Ismaaciil Buubaa, Aden Cabdi iyo rag kale. Wafdiga oo si heer
sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho ayaa kulamo la yeeshey madaxdii
USC gaar ahaan General Ceydiid. Saleebaan waxa uu si cad u qeexay
saxaafaddana u sheegay in labada umadood ee Somaliland iyo Somalia ay
yihiin walaalo oo loo bahaanyahay in la iskaashado balse arrinta gooni
isu taaga Somaliland aan laga wada hadli Karin lagana gorgortami
Karin. Saleebaan iyo wafdigiisu waxa ay markaa ku soo degeen Hotel
Guled oo ku yaalla Muqdisho waxaana soo siyaaran jirey dad badan oo
ehel, tol iyo siyaasiyiinba leh. Habeen habeenada ka mida ayaa niman
odayaal ihi booqasho ugu tegeen wafdiga waxa aaney la casheeyeen
wasiiro ka mida ahaa wasiiradii uugu cuslaa ee wafdiga la socdey.
Odayaashii markii ay ka soo noqdeen cashadii ayaan waxa ay ka warameen
in qaar ka mid wasiiradii ay la casheeyeen ay ku yidhaahdeen waar
dadkan guryahoodii xamar ku yaalley xaraashaya la taliya oo waxa ad
tidhaahdaan guryihiina ha iska iibinina meeshan waa la wada hadlayaa
waana la isku soo noqonayaa.



Isla sanadkaa waxa wafdi kexeystey wasiirkii arimaha dibedda ee
xiligaa, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar oo socdaal ku soo
marey wadamo Yurub iyo mareykan iyo Kanada ah. Wafdia oo aad loogu soo
dhaweeyey qurbaha ayaa jaaliyadihii ay booqdeen uuga xog waramey
xaaladdu dalku ku jirey iyo sida loogu baahanyahay in qurba joogu ka
qeyb qaato dib u dhiska dalka, taasi oo aheyd hadal aad dadku u
jecleysteen. Balse, waftigu muu wadan wax qorshe ah oo dawladahaa ay
booqanayaan kaga dhaadhicinayaan qadiyadda Soomaaliland, maney wadan
siyaasad cad oo ku waajahan ictiraaf oo aan aheyn anagu koonfur waanu
ka go’ney, waxaanan nahay dawlad madax banana. Markii uu ku soo
laabtey Hargeisa ayaa isaga oo ka soo degey garooonka diyaaradaha
Hargeisa ay warbaahintii xiligaa jirtey weydiisey Sheekh Yuusf (AHUN),
ictiraafkii ma sidaa? Wuxu uugu jawabey, anigu ictiraaf ma wado balse
magicii Soomaaliland waxa an soo geliyey coombuyuutaradii dunida.
Dadkan ictiraafka isweydiinaya mid ma sheegayo waxan la isweydiinayaa
waxa uu yahay.

Badhtimihii sagaashanaadkii ayaa wasiirka ka socda Sooomaaliland yimi
magaalada London. Waxa uu u socdey dano shakhsi iyo dabcan kulano uu
la yeeshey jaaliyaddii reer Soomaaliland ee London degeneyd. Isku
maalmo ayaan wasiirka ka soo wada anba baxney London oo an Hargeisa
wada nimid. Waxa an war heley wasiir oo ka hadlaya inu safarkiisiisu
ahaa sidii wadankan ictiraaf loogu raadin lahaa. Waa dhab oo kulanadii
uu la yeeshey jaaliyadda London joogtey niyad dhis iyo dhiirigelin
ayay u aheyd. Balse wax ictiraaf ku saabsan kamoo hawl gelin.

Sidoo kale, dhamaadkii sagaashamaadkii ayaa anoo Hargeisa ka tegey oo
fasax ku jooga London ayaan la kulmey Mujaahid Omar Dixood oo dalkii
ka soo laabtey Hargeisa. Wuxu sitaa warqad uu yidhi waxa ii soo qorey
madaxweynaha waxaana la ii soo magacaabey inaan wakiil ka ahey
raadinta ictiraafka. Waxan ku idhi halkeed ictiraafka ka raadineysaa,
meeshu yaalo miyaad ogtahay, mise madaxweynuhu ma kuu soo sheegey.
Hadal wanaagsan ayuu iigu jawaabey oo ah inu isku taxalujin doono
sidii uu qadiyadda Soomaaliland uuga dhaadhicin lahaa madaxda iyo
dadka kale ee dalka ingiriiska degen. Waan aqaaney oo Omar Dixood oo
nin mitid ah oo halganku dalka lagu xoreeyey iyo kii dib loogu
dhisayeyba ka soo qaatey qeyb libaax. Balse ka soo direy ee yidhi
ictiraafka raadi iyo isagu toona mey sheegin waxa la raadinayaa waxa
auu yahay iyo halka laga raadinayo

1991 iyo wixii ka danbeeyey waxa wadanka iman jirey wafdiyo is daba
joog ah oo u badan qaar jimciyadda quruumaha ka dhexeysa ka socda oo
xog raadis ah, qaar samo fal ah iyo qaar shaqaale gargaaar ahba. Sahqo
badan wadanka kamey socon oo wafdiga yimaadaba waxa toos loo geyn
jirey madaxtooyada oo ay la kulmi jireen madaxweynaha iyo wasiiro.
Waxa kale oo ay la kulmi jireen odayaal guurtida ah oo kala hadli
jirey arimo badan oo uu ka mid yahay ictiraafku.

Mar kasta oo uu wafti yimaado waxa madaxtooyada horteeda isasoo tumi
jirey dadweyne caruur iyo dumar u badan oo ay horkacayaan dhalinyaro
an ka sii xusuusto Cali Qoryooley oo caleemo lulaya oo leh “No
Muqdisho” iyo waa in lana ictiraafaa. Waftiyadaa intooda badani
siyaasadba uuma socdaan ee waa dad ka shaqeeya samafal oo
darajadooduba sidaa uuma sareyso. Balse dhinaca Soomaaliland xaalku
wuxu ahaa cidii timaadaba waa in ictiraaf la weydiiyo.

Siyaasiga Soomaaliland u dhashey hal shey ayuu xariif ku ahaa
weligiiba maantana ku yahay oo ad moodaa in buug looga wada naqiley.
Indhaha dadka ayuu sidaa u eegaa, hadalkoodana uu dhageystaa. Halkaa
uu arko in dadku eegayo ee uu dadku niyadda ku hayo ayuunbuu isna
farta uugu fiiqa. Kamaba qasna oo iskuma dhibayo inu la yimaaddo
barnaamij aqoon iyo odoros mustaqbal ku dhisan. 1991 iyo maanta oo
laga joogo 23 sanadood, dadweynuhu siyaasiga ictiraaf ayay
weydiinayaan iyaga oo aan si fiican u garaneyn waxan ay weydiinayaa.
Siyaasiga isag oo aan meel ku ogeyn ayuu odhanayaa haddii an isku
duubnaano oo an midnimo muujino, khasab ictiraafku isaga oo socda ayuu
albaabka inooga soo galay.





Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

· Posted by ifraax on July 02 2014 1490 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>