Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Aqoontu Waa Iftiinka Nolosha.
Aqoontu Waa Iftiinka Nolosha.

Aqoonyahan (CAALIM) waa ALLAH (swt), Aqoon iyo Garashoo dhammina RABBI bay u sugnaatay. Aqoontu waa iftiinka nolosha. Aqoontu waxay bishaa Karaamada iyo Sharafta qofka, waxayna kordhisaa Hodantinnimada Qaabka noloshiisa/nolosheeda. Ujeedada ugu dambeysa ee barashada aqoonta (maadiga ah) laga leeyhay waa kobcinta iyo kor u qaadista garaadka, aragtida, dabciga, qaabka fikirka iyo qaab nololeedka qofka bartay aqoonta. Aqoontu waxay qofka bartay siisaa qalab iyo xirfad uu ku adeegto, bulshadana ugu adeego. Aqoontu waxay qofka ka bed-baadisaa in aanu noqon habrade iyo hunguri-raac lagu adeegto oo uu hunguri ama han aad u hooseeyaa wado. Aqoontu waxay qofka ka sabato bixisaa in fikirkiisa, maankiisa iyo maskaxdiisuba ay cid kale u rahmanaadaan oo sidii aaladaha oo kale kolba meeshii la rabo loogu jeheeyo. Aqoontu waxay kordhisaa isku-kalsoonida iyo dhex-dhexaadnimada qofka. Aqoontu waxay qofka ka gudbisaa(tallaabisaa) xayn-daabka iyo xuduudaha qoys, qabiil, tuulo, degmo, gobol, qaran iyo kuwa qaaradeedba. Qofka bartay aqoontu waa kii kala saara Saxa iyo Qaladka, ka garaaba wixii xaqa ah, xiskiisu diido xumaanta, la dagaallama xaqdarrada iyo dulmiga, ka xishooda wixii magaciisa iyo ka bulshadiisaba dheg xumo u soo jiidi kara. Aqoon-yahanku waa kii ah xog-maal xaqiiqada u dhaw, doodihiisana ay ka muuqdaan xushmad iyo qadarin uu u hayo ciddii ay hadba dood-wadaag leeyihiin, isla markaana leh hal-adaygnimo iyo dhiirranaan uu fikirkiisa ku meel marsan karo. Qofka bartay aqoontu waa kii ka xorooba u nuglaanshaha caadifadda qabiilka iyo u habrashada qofkii isaga/iyada ka hayn iyo hantiba roon.
Magaca iyo milgaha aqooneed bulshadaa qofka u aqoonsata oo ku maamuusta, qofkuna si kasta oo uu isu haysto, siday bulshadiisu u haysato ama u taqaanno ayaa ka asal ah. Beryahan dambe waxaad dareemaysaa in Bulshadeenna uu ku soo batay dhaqan aynaan hore u lahaan jirin. Waxaad arkaysaa qof isu-magacaabaya ‘Aqoonyahan Hebel-hebel”. Sidaan aaminsanahay, CAQLIGA ayaa ka soo horreeyey CILMIGA iyo aqoonta aadamuhu barto. Haddaba, qof walba inta uu garaadkiisa ama caqliga uu RABBI(swt) u dhaliyey le’egyahay ayuunbuu aqoontana ka baran karaa. Qofkii maan-gaabnimo u dhashay, mar haddii aanu kala saarayn sax iyo qalad, gar iyo gardarro, xumo iyo samaan, wax badan ku soo kordhin mayso aqoonta uu sannadaha badan ku mashquulsanaa, waxaba dhici karta inay aqoontu uga darto oo inta uu is-mahadiyo ay jar ka tuurto. 
Aqoontu waa bed-weyn aan la  dhammayn karin. Waa ma dhacdo inuu qof bini-aadmi ahi uu yidhaahdo waxaan ahay aqoon-yahan. Aqoon-yahan (CAALIM) waa ALLAH (swt), Aqoon iyo Garashoo dhammina RABBI bay u sugnaatay. Qofka wuu baran karaa noocyo kala duwan oo aqooneed. Balse qofka adeegsanaya ereyga “aqoon-yahan” waxaa ila quman inuu hoosta-ka-xarriiqo nooca aqooneed ee uu bartay, oo tusaale ahaan la yidhaahdo “hebel ama heblaayo” oo aqoon-yahan-ku ah ama bartay (baratay) aqoonta: Caafimaadka, Beeraha, Dhaqaalaha, Dhismaha Guryaha ama Jidadka, iwm.
Abwaan Yuusuf Cusmaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir) oo ka mid ah abwaanada waaweyn ee u dhashay Jam.Somaliland, mar uu ka hadlayey muhimadda ay leedahay iswaafajinta aqoonta maadiga ah ee la barto iyo dhaqanka, diinta iyo qaab-nololeedka bulshada waxa uu maansadiisii Badhax-Tira ku yidhi sidan:
“Intan Buugga lagu qoray, Ama bilo laguu dhigay,Ha ka dhigan Bardaankii (miisaankii) Buuxinaayey garashada,Billadaha digriiga ah iyo PHD-da beryo laysku hawliyo,Inkastaan Hanadow bogaadshoo barbarkooda taagnahay, Misna waxa bedbaadiyo barta aynu jecelnahay lagu beegsan karayaa,Bulshadaad ka dhalatiyo Baradaad ku ababtiyo,Markaad baabka Diintiyo Dhaqankaaga baratee,Bilicdii Afkaagiyo Burjigaaga garataa,Barashada Aqoontiyo Baxsanaanta Qalinkuna, Bursashada (eryasho) Asaagaa, Biid kaaga talisaa.”
Marka aynu si dhab ah u milicsano dadka aqoonta bartay heerka ama kaalinta ay kaga jiraan guud ahaanba Nolosha iyo Horumarka Bulshada Jam. Somaliland , waxaad dareemaysaa inay jiraan horumar iyo waxtar dhinacyo badan leh oo ay ku tallaabsadeen, balse waxa muuqata in aqoontii maadiga ahayd ee ay barteen dadka nasiibka u helay inay bartaan noocyada kala duwan ee aqoontu ayna weli si fiican ula fal-galin ama ula jaanqaadin qaab nololeedka bulshadeenna. Aqoontu waxay u baahantahay in la dabbaqaad, adeegsi iyo isu-gudbin. Aqoontu waxay u baahantahay in lagu saleeyo dhaqanka iyo qaab-nololeedka bulshada iyo weliba hannaanka caqiidada Islaamka ee suubban. Qofka aqoonta bartay si ay aqoontiisu dhaxal-gal u noqoto, waxaa looga baahan yahay inuu garaadkiisa, garashadiisa iyo aqoontiisaba mideeyo. 
Haddaba, waxaa lagama maar-maan ah in qofka aqoonta bartay uu fahmo wadiiqooyinka iyo wadiiqooyinka loo maro bulshada uu ka soo jeedo, isaga oo aqoontiisa Maadiga ah ku salaynaya Dhaqanka, Diinta iyo Qaab Nololeedka Bulshadiisa. Sidaas oo keliya ayey qofka aqoonta bartay iyo bulshadiisu isku fahmi karaan oo isula jaan qaadi karaan oo la hiigsan karaa horumarka bulshadeenu u baahantahay, markaasaa dabadeedna bedbaadiyo barta aynu jecelnahay lagu beegsan karayaa.
RABBI SIDII ROON HA INA GARANSIIYO,
Wa BILLAAHI Tawfiiq,
Jam. Somaliland Ha Noolaato,


|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr| |Birmingham, UK|A

 

· Posted by abdi on August 07 2014 1589 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>