Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maanso agabla
Maanso agabla

Maansadan waxaan curiyey xiliyadii dagaalkii sokeeye ee siyaasiyiintu isku hayeen shacbiguna  u bixiyeen dagaalkii munaafaqada  kaasoo aanay jorin wax ay bulshadaasi isku hayeen oon ka ahayn wixii ay nimankaasi aaminsanaayeen,aakhirkiisiina waxay cadeeyeen in dagaalkaasi mashruuc ahaa,weliba si jeesjees ah ayay bbc da uga sheeheen taasi oo ah hadimooyinkii laga galay umaddan muslimka ah,ee wax loola hadhay aanay jirin ee waqeed hadimooyinku dul hadhsanayeen taasoo aan odhan karo inaan umadan ilaa lixdankii aanay dowladnimadu waxaan murugo ahayn aanay u tarain ee ay ahaayeen agabla' waa halka aan magacan gabayga ka soo qaatay waana kan ee akhris wanaagsan

  1. Asaagay inta noolee
  2. Aduun waynaha joogtiyo
  3. Aynigayba dhamaan
  4. Ee aqoonta haleelay
  5. Aflaxee mastarayda
  6. Ee afkaarta hagaajiyo
  7. Aynigayba dhamaan
  8. Hadii aan yara eego
  9. Gumaysigii ingiriis iyo
  10. Il ma saarin talyaani
  11. Nooci uu u ekaa
  12. Abrisyadii ka danbeeyee
  13. Ayaamahaa talinaayey
  14. Se ilaa orgobkii
  15. Afwaynee dhalay eeshan
  16. Intii aan ka arkay
  17. Ayax buu igu ahaa
  18. Eelna wuu igu reebay
  19. Dhibuun baan arkayoo
  20. Urugaa igu dhaansan
  21. Uur xumaan tebayaa
  22. Cadhaa taala agtayda
  23. Iin kalaa igu huursan
  24. Aqoon baanan lahayn
  25. Cimi baa iga owdan
  26. Oon la ii anbaqaadin
  27. Kacaan baa i asqeeyey
  28. Afkaarti maarkiyo liilan
  29. Ma dhaqaatin aduun
  30. Intifaacda naftayda
  31. Shaqo aan ku adeegto
  32. Kolaan ayro mar foofsho
  33. Ardaa aan u fadhiisto
  34. Hidiyo waa asalkiiye
  35. Umadaydu lahayde
  36. Yaanan awr iyo qaalin
  37. Kolay joogto abeer
  38. Iska daa hal irmaane
  39. Aanan ood ka rogayn
  40. Tacabkayga aduuna
  41. Kuna eertay cabdow
  42. Wax kastoo abidkay
  43. Ay ayaanta qaloocani
  44. Aafo ay igu soorto
  45. Waxa taa aminteeda
  46. Eebe kuu geliyaa
  47. Xili aad anficiisa
  48. Istareex ku ahaato
  49. Keli iintani maaha
  50. Aniguun i astaysee
  51. Asagay ila mid weeye
  52. Waxseen eersanayaa
  53. Ishtiraakiyadii
  54. Lay aluubay fankeediyo
  55. Tii inkaar qabihii
  56. Inay eeshan abuurtay
  57. Waase layga horeeyey
  58. Anigaana ablayda
  59. Ubucdaydiyo jiidhka
  60. Adhaxdayda ku gooyoo
  61. Ajaloo noloshayda
  62. Aan dhanow ogolaan
  63. Anaa aafo dan mooday
  64. Anigaa agab laanta
  65. Anfac iigu jiraa
  66. Dhib anow andacooday
  67. Ogoloo jecel maanta
  68. Anigaa orgobkii
  69. Shalay awday xaqayga
  70. Maanta aaminyoo
  71. Af hayeen ka dhigtay
  72. Intaan keenay alhuumo
  73. Dib anaa u ilmeeyey
  74. Aheey way iyo ciil
  75. Amakaag iyo qiiro
  76. Umadayda ninbaa
  77. Inta uu edegeeyey
  78. Ururow kala ooday
  79. Aheey way iyo way
  80. Iyo way iyo ciil
  81. Iyo uur xumidayda
  82. Hadii aanay badhkay
  83. Cadowgay u adeegin
  84. Layga iibsan gumaysi
  85. Afrikaana ah madow
  86. Axad aanu i dhaafsan
  87. In ayaamo wax goysa
  88. Ilamaa lixdankii
  89. Oho layma dhaheene
  90. Yaa idhaa naftan eerso
  91. Hanyaraa se iblaysku
  92. Ma ooshii shalaytaa
  93. Maanta loo oslayaa
  94. Waxse aan abidkayba
  95. Aar biixow is lahaa
  96. Maalintay udubkiisiyo
  97. Afaafkiisa jaraane
  98. Dadku qaato ablayda
  99. Uumiyuu hinqadaane
  100. Afka laysaga gooyo
  101. La aafeeyo rajiimka
  102. Dharaartaasba adoonsi
  103. Aamin baad ka ahaanoo
  104. Xoriyad baad arkaysaane
  105. Mustafow mala eeday
  106. Istiqlaalki dhawaaye
  107. Estu ay horkacaysay
  108. Ayaahaan tirsanaynay
  109. Aftidii bulshadeena
  110. Uurkutaaliyo ciiliyo
  111. Aafo maynagu reebtay
  112. Cawilow abti heedhe
  113. Ma waxaan arkayaa
  114. Ehel aan ehel dhowrsan
  115. Baroor aan ilmo dayniyo
  116. Indho oohun casaada
  117. Gaban aabihi waayiyo
  118. Inan seegtay gayaan iyo
  119. Hooyo uun asay qaada
  120. Aroortii kasta dhiilo
  121. Iyo geeri aloosan
  122. Ubad aan wax ogaynoo
  123. Aabahood la shidhaysto
  124. Agoontaa dhibka haystana
  125. Farxaanow la ilaawo
  126. Ruuxna aan dib u eegin
  127. Ma waxaan arkayaa
  128. Umad meel ku aroorta
  129. Udub aan kala maarmin
  130. Oo ardaa qudhi deeqoo
  131. Isu haysata eebo
  132. Af gamuur iyo leeb
  133. Garmaqaatiyo aalad
  134. Abees uu isugu dhiibay
  135. Asaan iin kala hayn
  136. Ma waxaan arkayaa
  137. Ujeedaa maqlayaa
  138. Erayadii qaldanaa
  139. Erayadii ina biixe
  140. Anaa oogay dagaalka
  141. Ma waxaan arkayaa
  142. Ugubeey ugubeey
  143. Iblays kaaga awoodle
  144. Aayahaad tashanaysay
  145. Oo adoon is ogayn
  146. Kaaga oofsaday tiisa
  147. Ma waxaan arkayaa
  148. Ninku joojay awoore
  149. Kiyoon waayin ugbaad
  150. Kuu yagleelay abaar
  151. Ood ayaan daridaada
  152. Weliba leeday ugaas
  153. Arimaanse cadaan
  154. Oo laguu dabayaa
  155. Irkig baa leh cajiib
  156. Amakaag iyo yaab
  157. Waxse aan la asqoobay
  158. Halkay eega salaadu
  159. Aanay nooga xidhmayn
  160. Se ayaan daraneey
  161. Waxa eeshan dhexdeena
  162. Arxan goyskiyo ciilka
  163. Isnacaybka abuuray
  164. Suuga ooda ka qaaday
  165. Ku asqeeyey baroonka
  166. Maato aan u adkaysan
  167. Aan ka eegin dhashiike
  168. Kaan awooda lahayn
  169. Ku itaalsaday jiib
  170. Astaan bay u ahayd
  171. Iblays uu horkacaayee
  172. Intii aynab la waayey
  173. Geesi iilka la jiifshay
  174. Ajal aan waxba gaysan
  175. Maanta aakhiro joogta
  176. Iswaydiini dhib maahee
  177. Aano yaa u ahaanoo
  178. Denbiga aakhiro yeelan
  179. Ma waxaan arkayaa
  180. Rag ujeedo qarsoon
  181. Agablow tirsanaayoo
  182. Toodii ay u ahaatay
  183. Aamintoo agab beesho
  184. Munaafaq ay anfac mooday
  185. Hadday eeday siyaasi
  186. Ruug cadaa idilkii
  187. Eeganey anfariir iyo
  188. Amakaagba ka qaaday
  189. Kay bidaysay aqoonta
  190. Iyadii laftigeeduu
  191. Isu taagay jidgooyo
  192. Aadanow bil xaqiiqo
  193. Hormoodkaan islahaa
  194. Umadan how halgamaan
  195. Awaarahaa dadkan yaala
  196. Ururshaan ha dhisaan
  197. Anbaqaadkan heshiiska
  198. Walaalaysay afkaartu
  199. Marna joogta adeenti
  200. Isagu uu kala geeyee
  201. Aniga laygu asqeeyo
  202. Amuurtaa gundhigeeda
  203. Halka ay ku aroorto
  204. Dhab anoo u arkaaya
  205. Yaanan eegan karayn
  206. Araah uu nin dantiisa
  207. Si aan looga af waajin
  208. Islahaa kaga oofso
  209. Anaa diiday midhkaa
  210. Se hadaan ninba eega
  211. Ka ardaaga la jooga
  212. Indho buuxin karayn
  213. Asaan lays ogolayn
  214. Ugub may noqoteene
  215. Maxaa loo arki waayey
  216. Shalay goobti afwayne
  217. Marki aaga dagaalka
  218. Arbow loogu badheedhay
  219. Ehel baa la ahaa
  220. Agabtaa ka dhaxaysay
  221. Talo meelku aroortiyo
  222. Amarkoo laga qaatiyo
  223. Ururkaa mid ahaa
  224. Umadaana sinayde
  225. Hadaan lays ogolayn
  226. Maxaa taaba awaariyo
  227. Ayda loo dhigi waayee
  228. Udbaheeda u giijay
  229. Iyadoo isku duuban
  230. Umadii cadibnayd
  231. Ee daroor ku asqowdee
  232. Dulcad aafadu gaysay
  233. Markii eebe u hiishay
  234. Hantiyeen arladooda
  235. Miyaa la giijay albaabka
  236. Haday taydu idlaato
  237. Waxaan iilka dhexdiisa
  238. Uga oogsanayaa
  239. In banaanbax aloosan
  240. Agabloo u midaysan
  241. Ay baabuurta afdhuubkiyo
  242. Anti eeri garaafku
  243. Oogadiisa ku joogto
  244. Dharaaro ay ololsheen
  245. Iska alamaaniyo
  246. Dhame aakiyo tuur
  247. Afdabayl iyo rayfal
  248. Iyo aarmi agaale
  249. Askari jooga dagaal iyo
  250. Bilays loo amray mooyee
  251. Axad kaloo is cafuufoo
  252. Iska qaata dirays
  253. Ruux ilsaara la waayey
  254. Ayaantii berberaadna
  255. Shaahid baan u ahaa
  256. Hubka gooya arwaaxda
  257. Oo badwayntu asqaysay
  258. Idilkeedba hargaysa
  259. Awdal boon iyo saylac
  260. Burcadan aad arkaysaan
  261. Ilamaa iyo sooloo
  262. Abni  loo wada joogo
  263. Irbad baase itaalka
  264. Aadanow hadba aarad
  265. Wixii hawl la unkaayo
  266. Loogu gooyey awaare
  267. Tiiyoon loo arxamayn
  268. Balse wayga odhaah iyo
  269. Su'aalaygu adkaadee
  270. Inkaartaa abyideeda
  271. Ma baneeyey islaamku
  272. Nebigeen ma adeecay
  273. In adoonba kashiisiyo
  274. Sida ay la ahaato
  275. Intuu doonaba yeelo
  276. Waar miyaan alle joogin
  277. Jirin Eebaha wayni
  278. Nin kastoo is amiirsha
  279. Ku itaashada maato
  280. Miyaan iilka danbayn
  281. Imtixaan hadhsanayn
  282. Lays abaal marin doonin
  283. Waxse aayada caawa
  284. Ku iftiinsan quraanka
  285. Nin ku eertay qabiilo
  286. Inaanay aayo tarayn
  287. Abaar kaa dugsiyeyn
  288. Waxsuu kuu anbaqaaday
  289. La jaanqaadka iblays
  290. Amuurtaa awalkeediyo
  291. Astaantaa nabadeed iyo
  292. Ufadaa kalgacayl
  293. Xoriyadaa ibta keentay
  294. Eebahay ku hagoogtay
  295. Waxa dhaafshay iliisha
  296. Mid waqii ajalaayey
  297. Oon u diirnax lahayn
  298. Ka colaadiyey uurka
  299. Abris uun ka ba'aayey
  300. Ogow aan rabin guulba
  301. Aayaheedna jeclayn
  302. Orgob uun qoqobaaya
  303. Afmiishaar cunayoo
  304. Inkaari ay hadhisoo
  305. Ay aqoontii lumisoo
  306. Xamar eeganayoo
  307. Midnimadii ku awdalan
  308. Aheey eelku waa kaa;;;;;;;;;;;;;;;;

                                                                                   wa bilaahi tawfiiq
                                                                abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase

· Posted by abdi on June 11 2015 1602 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired