Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » gabaygii xaaluf w/c maxamed yaasiin maxamed ilkacase.
gabaygii xaaluf w/c maxamed yaasiin maxamed ilkacase.

had iyo jeeraale dadku markay wada galaan arimo ganacse waxaa khasab ah in ay is qabsadaan marka mudo dabadeed ay wax ka si noqdaan(khasaaraan) taasoo colaad iyo garnaqsi u soo siyaadisa arimahaasna waxaa sabab u ah wax kala qorasho la'aanta,taa mid la mida xasan waxaanu soo wada marnay wada shaqayn adag balse ku soo afbeeshay khasaare aan waxba noo kala hadhin oo aanu badheedh uga wada soconay laakiin nasiib daro uu aniga igu soo koobay balse igu gar waayey markaasaan gabaygan aan curiyey waana kan

  1.  xaraf gabay xujiyo maanso dheer xulasho suugaan ah
  2. La xiiseeyo hawraar xurmo leh heelo xarakaysan
  3. Tu xariira duluc loo xubiyo oo cuf iyo xoog leh
  4. Waxaan gabay xirfadihiis aqiin amase xeerkiisa 
  5. Sooyaalba waataanana xigan gu' iyo xaabxaabe
  6. Sidii xeego waataan ridada xawli gaabsadaye
  7. Caawaanse sida xiinfiniin soo xawilayaaye
  8. Xubin dhaha murtida tii leh waa lagu xurmeeyaaye
  9. marka ay xaraar noqoto ee xaajo murugowdo
  10. Xalinteeda adigaan calow kuu xog badiyaaye
  11. Xayskiyo dharaartaad ogayd aynu xulufownay
  12. Dharaartii xadhkahan laysku xidhay unuga loo xaadhay
  13. Xanuun baa ku reebee kalkaan dhiganay xaydaanka
  14. Xubin baad ahayd daahirow xero dhigeedii
  15. Se anoon xayirin maalintay dani u xoog sheegtay
  16. Ee uu xidhnaa jaanta adag saanti reer xodayo
  17. Xaragada ninkaan buudhka baray baalashkiyo xeerka
  18. Ninkii aan karbaashkii xumaa galab ka soo xooray
  19. Shaadh xariira koodh iyo surwaal qaab xidiyo muuqle
  20. Iyo tayga dheer kaan u xidhay korodhsay xeeshii
  21. Dhaartuu xilaha maaganaa kaan u huray xooga 
  22. U xanbaarshay maalkaan lahaa dadabgalkii xaali
  23. Xabaal muudihiisoo ka tegay oo laga xawaareeyey
  24. Arooskiisa kaan xawawarsheen ila xidhkow daahay
  25. Een xagasha naaftadi xariir ugu xanbaaraayey
  26. Xag loo dayaba kii aan lahaa yaan xubnuhu liicin
  27. Maantaa xiskiisiyo qalbigu xaaluf joogsadaye
  28. Inaanse doqon xin iyo xaasidnimo xaashe laga waayin
  29. Oonay kii xanaanshaba malgiga xiira la haleelin
  30. Aasaanay xeer ninimo kuu galayn waa tu xaadirahe
  31. Balse xaajo yaabliyo garbuu dhalay xuskaygiiye
  32. cishaduu xaraabuhu ka dhacay xaafadiyo reerka
  33. xinjirtuna waraabeeye tiil gubad xariiroo dhan
  34. ee sulubku uu xiimayee xoruntu qiiqaysay
  35. Ee uu ximruhu saydhmayee laysu wada xiiray
  36. Qaylada xaduurkii markii nalagu soo xeebtay
  37. Xaalaadku suu yahay markii xogi nasoo gaadhay
  38. Inagoon is xaman sowti aan xiiqsanayn wadarta
  39. Een weliba xamaalkana ahayn rarayey xoolaha 
  40. sow inagiin xayow muu goblamin mana xiniin beelin
  41. Xasanow lahayn waxa u kacay kuman ah xeerbeegti
  42. Xanshashaqase sowtaan lahayn kii xistiya maanta
  43. Xagee buu ku cuni maalkanuu dib u xasaynaayo
  44. Xariifyahow hadii aadan bixin cidise kaa xoogin
  45. Ood ahayd mushtari xoolo loo raba xisaabtiisa
  46. Inta aad xornimo iibsataad xoogsi tegi layde
  47. Se markii xiligu uus bedelay ee wakhtigu xaytay
  48. Bii aar aarna ay xidhantayee ooda lagu xayday
  49. Ee ay noqotay xaaraama cune xaalufkiyo juuca
  50. Ee uu xasaagii ku dhibay amase xayraanku
  51. Ay arini xumaataan anigu xoolo kaa bixiyey..........................................

                                                                                           wa bilaahi towfiiq

                                                                                 maxamed yaasiin maxamed ilkacase

 

· Posted by ifraax on June 15 2015 1142 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>