Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Gabaygii qabanqaabo
Gabaygii qabanqaabo

qaban qaabo waa gabay jacayla in kastuu leeyahay taariikh iyo dhacdo gaara oo cid gooniya ku astaysan oo uu ku arooro, hadana bulsho kasta qaangaadhkeeda waa waajib inay guur u meeraan ,intase guur u meerkaa lagu jiro waa in uu balamaystaa ama tusmaystaa meesha uu markaa bustaha dhegan doono, sahankaas ayaa nololkasta muhiim ku ah waana ta qofka u samaysa abateedka guurka aan qasabka lahayn gabaygaasina waa kan ee akhri wanaagsan.


  1. Qaafleeyda gabay waayadaa waanigaan qorine
  2. Ma qormaynin maansooyinkaan qaybta u lahaaye
  3. Waataan qasnadaheedi xidhay een qafilay doode
  4. Maantuuse qawl ii bixiyo gabay qabkiisiiye
  5. Aan qormeeyo caawaba abwaan qoofalaa hela e
  6. Nin waliba halkuu qayr biduu qaradtilmaamaaye
  7. Qastigiisu meeshuu daniyo ama quluubtiisu
  8. Ee uu qabkii taabicuu qiimageliyaaye
  9. Aniguna qushuuc iyo kalgacalqaalinimo dhaafsan
  10. Bartii aan u qaadaan cabdow kaa qancinayaaye
  11. Qorshe guur hadaad goosatood libin u qoortaagto
  12. Oo aad qormee reer tidhaa waad u qalantaaye
  13. Aadse sahan u qabanqaabo tegin ood u qalab qaadan
  14. Ood qofuun ku boodaa dhibiyo qaran jab weeyaane
  15. Qoomamada hadhow baad faraha dacal qaniintaaye
  16. Qunyar baa la tidhi ruux socdaa qooni kala dheere
  17. Inta aadan qalab bohol ku odhan sahan u qayd qaado
  18. Aniguna dhigii qays beryaan qoorta soo maraye
  19. Qaabadii cilmaan taaganahay tuu ka qaayibaye
  20. Qadanbaa hiyigu doonayaa una qushuucaaye
  21. Tu kaloon qadariyiyo midaan qun ugu sheekeeyo
  22. Oo iba qancinaysaan ku hadhin qoodha dumareede
  23. Sadex qayd hablaha soo xidhee qurux la laafyooda
  24. Iyo kuwa dirays qaaliyiyo qaata yurubaanka
  25. Ee kubabka soo qaawiyiyo qoobka lugahooda
  26. Uma aan qushuucine talaan qaatay waa hore e
  27. Qumaneba kitaabbowgu jira qoorta keligiiye
  28.  Qofse meeluun tebayaa ka madow qurux la dheehdaaye
  29. Iyadaa qalbigu taabacuu qiratay laabtiiye
  30. Waxaan sahan qormeeyaba ku helay qaalidaan rabaye
  31. Waa qoodh ilaah geesinimo siiyey qadaroowe
  32. Raga qaar ma siisteen hadaan lay qulquladayne
  33. Qaadirow anoon guul ku hanan oon la calaf qaadin
  34. Oo aanad iigi qiimo gelin qoorta hay jarine
  35. Qormo nabada guul nooga yeel qaadir baad tahye



                                                            allaa mahadleh
                                       maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                  mymnaleye@hotmail.com

 

· Posted by ifraax on July 12 2015 1263 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>