Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maansadii HEEMAAL
Maansadii HEEMAAL
maansadan heemaal mwaa maanso xaqiiqiyan ka waramaysa xornimadii somaliland oo dadka necebi ay u yaqaaniin xornimadii gobolada waqooyi xaqiraad darteed ayaanay u karin maga dhabta ah ee ay kula soo midowday waxa kale oo ay ka hadlaysaa wixii ay dhashay gobonimadaa iyo midowgeediiba waana tan ee akhris wanaagsan waxaanay soo baxday 18.11.1990
  1. Maansada hankeedii
  2. Xarfihiyo hingaadii
  3. Anoo dhigay habkeedii
  4. Anigoo ka haayiray
  5. Indhawaydna aan hurin
  6. Habdhaca iyo luuqdii
  7. Maaansadaan holobin jiray
  8. Kula baxay horyaalnimo
  9. Huri jiray markay tahay
  10. Anoon haybin waayadan
  11. Hareer maray fankeedii
  12. Goobahaan ka heli jiray
  13. Hor allee anoon dayin
  14. Anigoon ku howshoon
  15. Hoorimaadka sida mayay
  16. Iyo heego curatoo
  17. Hibitiqa dhigeedii
  18. Anoon hoorin waayadan
  19. U hiinraagin sidii aar
  20. Hareer maray aftahanimo
  21. Markii ay hungeeyeen
  22. Halgaab uu shirkii yimi
  23. Heelada la wada galay
  24. Hal abuurka maansada
  25. Ninwaliba hankii yidhi
  26. Boodhaaqu soo hiray
  27. Ayaan heedhe cumarow
  28. Hakiyoon ka gaabsaday
  29. Maantana hankeedii
  30. Af hingaada badiyaa
  31. Hedoo sababta mooyee
  32. Hadal kama bakhaylee
  33. Aan holiyo murtida eray
  34. Hinjiyoo u dhaadhaco
  35. Aan habeeyo geeraar
  36. Ha iyo woowga aan simo
  37. Hasheenii xidaysnayd
  38. Heemaal la odhan jiray
  39. Maandeeqdaan haraadkiyo
  40. Haaneedku gaagixin
  41. Hadhuub laga malegi jiray
  42. Ee haanta loo culay
  43. Loo hogeeyey gorofyada
  44. Hashii ay gulaankiyo
  45. Kediga iyo hiishiyo
  46. Haqab li'i baldhoolaha
  47. Geesiyo u hagar baxay
  48. Ka hamuun tireenee
  49. Hadba meesha cosobka ah
  50. Hadhiciyo tigaada leh
  51. Ku hagaajinaayeen
  52. Dhebiyeey hasheenii
  53. Markuu heeray cadawgeen
  54. Ee heshiiska loo galay
  55. Gaalkii hagoognaa
  56. Dhacau uu la haayiray
  57. Ay haybinteedii
  58. Geesiyaal u hoydeen
  59. Darteed hubuq yidhaahdeen
  60. Hashay soo dhacsheeneen
  61. Hareeraha ka raacnee
  62. Harqadaha qurxoon iyo
  63. Hoobaanta laamaha
  64. Aan u haadinaynee
  65. U hilownay faraxee
  66. Hogoshii na haysiyo
  67. Habiskiyo daroortii
  68. Hugayaga ka dhaadhacay
  69. Aanaan ka hoyanee
  70. Ku hiyaayiroonee
  71. Aan aamiinta haynee
  72. Hiiliyow badbaadee
  73. Aan hanano sharafoo
  74. Caalamkaa horuu maray
  75. Qaran daba hadaafiyo
  76. Aanu hiigsad noqonee
  77. Hashii aan lahaynee
  78. Naqa loo hilaadshee
  79. Darka aan u haynee
  80. Ka horjoognay bohoshiyo
  81. Hataq jebisa dhuuxiyo
  82. Agaraadam halisee
  83. Gaadhka aan ka haynaa
  84. Horor iyo waraabiyo
  85. Gidi habar dugaagii
  86. Hadh cad ay malgeenoo
  87. Intay hooto geliyeen
  88. Haniyaha ku gooyeen
  89. Raqdii looma kala hadhin
  90. Waxse dagay haleelada
  91. Shalay kii hayaanshee
  92. Hogaankeedi qaatee
  93. Foofshay saaka hiirtii
  94. Hubsiimana kumuu darin
  95. In fudaydka heemaal
  96. Uu hadiyadow dhigay
  97. Ay xigi hawaarina
  98. Se raqdii habeenkaa
  99. Habaarqabe dhurwaayoo
  100. Hor allee gabanayaa
  101. Markuu waayay hugun iyo
  102. Hiinraag kolay tahay
  103. ku hubsaday inuu aar
  104. Habeenkaa ka maqan yahay
  105. Ayuu haw ku soo yidhi
  106. Inta uuy ishunbulayuu
  107. Haybad aanu geyin iyo
  108. Uu giir holadayuu
  109. Hadba dhinac talaabada
  110. Uu hareer u qaaduu
  111. Aarka hootadiisiyo
  112. Kursigii ku hubuq yidhi
  113. Halcabaara tiiyoon
  114. Dhana laysu hadal celin
  115. Ayuu yidhi habaarqabe
  116. Gidi habar dugaagow
  117. Raqdan waynu haynaa
  118. Inqilaab haboon iyo
  119. Hawlbaanu fulinoo
  120. Gudi saraa habaysoo
  121. Anigow hormuudee
  122. Hoos iyo kor ii daya
  123. Haybadayda joogiyo
  124. Awoodayda halacsada
  125. Macid iga hanwaynoo
  126. I humaajinaysoo
  127. Ila mida horyaalnimo
  128. Ila siman hormuudnimo
  129. Ila heera bare nimo
  130. Loo huro aftahanimo
  131. Ila dhiga hogaankana
  132. Hal adayga ilamida
  133. Amaantayda helikara
  134. Oo iga horayn kara
  135. Hirdin iigu babac dhiga
  136. Oo ay hooyo dihatoo
  137. Ma ila haybadaa jira?
  138. Hanjabaadna ugu daray
  139. Ninka hawsha diidee
  140. Kacaankays hortaagee
  141. Xukunkayga hiifana
  142. Sharci uu ku hoogiyo
  143. Hedgooyaan u jarayaa
  144. Intaan cidi u hadal celin
  145. Ayuu yidhi habaarqabe
  146. Raqdan aynu haynee
  147. Hilbaheedu qalan yahay
  148. Ayaan qayb haleelsiin
  149. Qofkastaba halkiisee
  150. Uheensaysta idilkiin
  151. Marka ugu horaysana
  152. Hilbaa daribtu waa ani
  153. Haybaa leh waaxyaha
  154. Horta mowtaqaanaan
  155. Magacayga haybana?
  156. Hooluflayda dacawana
  157. Hareertaa tun ugu jiid
  158. Iyadu hayska hiigtee
  159. Hooyaan wadaagnoo
  160. Dhidar maan hilmaamine
  161. Hungurigiyo calooshiyo
  162. Xiidmaha haloo jaro
  163. Kaan dhalee hurdana kici
  164. Yarku maaha hebedoo
  165. Ma yaqaan hangaridoo
  166. Ma hawshoonin weliyoo
  167. Habeen diif ma seexane
  168. U hogeeya beerkoo
  169. Kelidii haloo dhigo
  170. Haada waa ku xaydhaha
  171. Habartayda nuurtana
  172. Iyana waa hanbada iyo
  173. Wixii neefka soo hadha
  174. Gidi habar dugaagoo
  175. Hungo madhan tirsanayiyo
  176. Halkastood ka eegtaba
  177. Waraaboo ka haqabtiran
  178. Iyo waxaysku soo hadhay
  179. Haragii hashoo qudha
  180. Suu yidhi habaar qabe
  181. Waxaan ahay hilaaciin
  182. Hogaankiini baan ahay
  183. Macalin horumarshaan ahay
  184. Hilinkii xaqaan ahay
  185. Cadaalad aad ku hirataan
  186. Kii idiin hurshaan ahay
  187. Ee habar dugaagow
  188. Hadhac aan ka taliyiyo
  189. Hooy baan u baahnahay
  190. Waxseen taa ku helayaa
  191. Hadalkoo yaraadiyo
  192. Intaad hawsha badisaan
  193. Haragaa dudada yaal
  194. Idinkoy hadoodila
  195. Kala haab alaylehe
  196. Hawraar ayaa tidhi
  197. Hunguraan wedkii arag
  198. Haybow laysla waa laba
  199. Waxaan uga hogleeyahay
  200. Hilbihii nin kaydsaday
  201. Hodantii dadka u tiil
  202. Misna ii hadoodila
  203. Wixii qayb u soo hadhay
  204. Iyadoo aan lala hudhin
  205. Miyaa laysku helayaa?
  206. Kala haab alaylehe
  207. Dawacaa u tidhi hoos
  208. Hamhamtiyo faqiibaa
  209. Laysu kala hormeeyoo
  210. Dockalay ka huguntoo
  211. Hayiin iyo dayiin iyo
  212. Tiiyoon looba kala hadhin
  213. Hugbaa laysku soo yidhi
  214. Wuxu hadalki faagtoo
  215. Hawraari gunudoo
  216. Dantu ay hogaysaba
  217. Wuxuu yimi heshiiskii
  218. Go'aankiina lagu hilay
  219. Inaan hebedla noqonoo
  220. Hayin layska dhiginoo
  221. Aan heeryo lagu rarin
  222. Had kastoo la doonana
  223. Layska saarin haamaha
  224. Dhayal loo hogaan qaban
  225. Wuxuu yimid  heshiiskii
  226. Go'aankiina lagu hilay
  227. Halgan iyo colaad dhaba
  228. Afartaa hankaygiyo
  229. Hindisahaan lahaa iyo
  230. Dheh hansaasahaygii
  231. Murtidaan ku hiri jiray
  232. Iyo heeladaydii
  233. Ha'da kalena iiwaa
  234. Waaryaa habaarqabe
  235. Intaaad beel hormuud iyo
  236. Aad u tahay hanaanshee
  237. Habaysee ku jecel adi
  238. Ee hiil qabyaaladi
  239. Ileen waa halbowlee
  240. Hinji aad isleedahay
  241. Iyo kuwan aad heertee
  242. Hungaysee ku neceb adi
  243. Gilgishee huq iyo ciil
  244. Heeryadiisa tuuree
  245. Kuu haysta gaashaan
  246. Iyo hooto iyo waran
  247. Kula sugaya hogobaha
  248. Inay kugu halgaadaan
  249. Inta aanay kula helin
  250. Kula hadhin taraysadu
  251. Heda aanay kaa qaban
  252. Beryo aad ka haagtide
  253. Hayb hayb ukala sooc
  254. Haan haan u kala goo
  255. Inta ba'an hormo u goo
  256. Hubka qaar isugu dhiib
  257. Hanadkiyo wax garatada
  258. Gaaleefta ka horgee
  259. Halyeeyga iyo geesigu
  260. Yaanu dhixin habeen qudha
  261. Hantiilaha midhmidh u qabo
  262. Hal abuurku yuu bixin
  263. Habataqa ku noolee
  264. Kuwa haysta garashada
  265. Aqoon yahanka haylhayl
  266. Yaanu hiban wixii dhumay
  267. Hantidooda maqan dayin
  268. Hayntana ka faaloon
  269. Nacaskiyo hacoogiyo
  270. Haweenkiyo magaratada
  271. Inta uu hunguri wado
  272. Haku daba hadaafaan
  273. Haku dhinac hashleeyaan
  274. Darna hilimadoodiyo
  275. Hoygooda nololeed
  276. Ka haloosi keligaa
  277. Aqoontaadi hoogtee
  278. Kastarkii habaaniyo
  279. Liilan aad ka haysee
  280. Hitler adiga kuu dhigay
  281. Hormee oo u talidii
  282. Madhi oo hungeedii
  283. Waxba hawla kala hadhin
  284. Waxse holaca kugu shiday
  285. Kugu oogay halasaha
  286. Kuwaad nolosha heertee
  287. Halbowlahooda dhiigiyo
  288. Xididada halgaadee
  289. Aad hanaqa goysee
  290. Waa lays hirdiyayee
  291. Kol haduusla kaa rogay
  292. Ha qawadin habeenkani
  293. Waa hadhuub aad dhigatoo
  294. Hurgumiyo qadhaadhloo
  295. Aad dhabanka haysee
  296. Hirqo oo hasii dayn
  297. Maahmaah horaa tidhi
  298. Hog aad dabin ka wadatiyo
  299. Ruuxow ha qodin bohol
  300. Hadii aad qodana hoy
  301. Ha dheerayn adoon hubin
  302. Inaad hoboq ku baridoo
  303. Hadimadu ku gelisee
  304. Allaylehe hirkaagii
  305. Hindisiyo kaskaagii
  306. Guul u heesidaadii
  307. Haandaloosha weeyaan
  308. Dadkaagoo haraad qaba
  309. Hilayga aad ka goysee
  310. Horta goror ma leedahay?
  311. Wax hadhuudh la saaroo
  312. Dheri loogu hawl galo?
  313. Hiif bi'iya daayoo
  314. Gunta huur qoyaan liyo
  315. Gocgoc yari makaga hadhay
  316. Hed baxaysa lagu dayo
  317. Kuu mara hunguri adi
  318. Ajal aad u hayside
  319. Afartaa hankaygiyo
  320. Dheh hansaasahaygii
  321. Murtidaan ku hiri jiray
  322. Iyo heeladaydii
  323. Ha'da kalena ii waa
  324. Kacaankii hawaariyo
  325. Aaway himiladiisii
  326. Maxaa oktoobartii helay
  327. Hadii aanu holociyo
  328. Hanfigii ku wada marin
  329. Kugu shidin halyeeyadu
  330. Maad heegan kaagiyo
  331. Hororyahow damaashaad
  332. Dhaqankii ku hirataan
  333. Maxaa hawsha gacankiyo
  334. Haysta carabta kaa galay
  335. Adoon taada hedan karin
  336. Shaydaan huyuuj laa
  337. Dubur hawd ka xulay beri
  338. Wuxuu sii hadaafaba
  339. Halkuu xaabo ku ogaa
  340. Ayuu xadhigi hoos dhigay
  341. Dhawr jeer is hayl hayl
  342. Hinjinwaa itaalkii
  343. Manuu helin badhsii dhigo
  344. Marlabaad ayuu hilay
  345. Dhigiisii nin haariban
  346. Isaguba hunguuf ihi
  347. Hayaan reer ah gaadiid
  348. Hibo mowgu deeqaa
  349. Arooskeed ka heestoy
  350. Hoobaydaada mooyee
  351. Hubso dhulu dhacaagoo
  352. Is hagaaji maandheey
  353. Adna huubo gocayooy
  354. Habaarqabe dhurwaayoow
  355. Hawadaa ku sidatoo
  356. Habeenkaad lahayd iyo
  357. Hadhkaagii inuu tegay
  358. Haayiray kalkaagii
  359. Hoosiisku been yahay
  360. Ay timi hedaadii
  361. Waad hubtaaye meel dhigo
  362. Adoo nool hog sii qodo
  363. Walee kaama hadhayee.........................................................
 
                                                                 allaa mahad iska leh dhamaanteed
                                                          maxamed yaasiin maxamed ilkacase...........
                                                                     mymnalaye@hotmail.com

 

· Posted by ifraax on July 12 2015 1702 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>