Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » 42ka mayd ee Hargaysa laga helay
42ka mayd ee Hargaysa laga helay

Hargaysa waxa wiiggan ka dhacay war naxdin, murugo iyo dhiiloo leh. Wakaaladda biyaha oo qodaysay duleedka Hargaysa  si qasabadaha biyaha dhulka loo galiyo waxay la kulantay si lama filaan ah xabaal wadareed ay ku jireen 42 qof oo rayid ah oo iskugu jiray carruur dumar iyo dad waawayn. Dadkaa oo iyagoo Hargaysa ka qaxaya 1988 ciidankii Soomaaliya kala daba tegeen BeeBeeyo iyo Boroono oo si cadowtinimo ah baaska loogu furay laguna laayay dumarkaa iyo caruurtaa. Markii 1988 ay ciidamada Soomaaliya madaafiicda iyo diyaaradaha ku garaacayeen Hargaysa ayna ku dileen in ka badan boqol iyo konton KUN oo qof, waxay dad badani isku dayeen inay u qaxaan xagga woqooyiga Hargaysa, maadaama xagga koonfurta ay furin tahay ciidankiina taxan yahay. Dadkaa waxa lagala daba tagay diyaarado, kaarayaal iyo BeeBee. Waxana la hubaa inta u dhaxaysa Hargaysa iyo Geed-deeble in lagu dilay kumaankun qof oo ay ku jiraan maanta xabaalo wadareedyo dahsoon.
Runtii sida madaxda Somaliland, culimada iyo waxgaradku arrintan 42ka mayd ee la helay uga hadleen u wayneeyeen waa arrin lagu farxo, oo muujinaysa inay weli inna damqayaan nabaradii la innoo gaystay. 
Laakiin nasiib darro kama maqal akhyaartii arrintan ka hadlaysay ee maydadka dul joogay nin kaliya oo soo hadal qaaday CIDDII masuulka ka ahayd dilkan iyo xusuuqan!!!
Waxa loo baahan yahay in la xasuusiyo ciddii dilalkan cadowtinimada leh gaysatay inaan la illaawin lagana aargoosan doono oo sharciga lala tiigsan doono. Waxa masuul ka ah oo xusuuqan gaysatay dawladda Soomaaliya, mar walbana ciddii magacaa sheeganaysa ayuun baa dhaxalka dambigaa leh. Iyagaana laga rabaa magdhowgii umaddan Somaliland ee magaalooyinkoodii gabi ahaan dhulka lala simay. Waxa la burburiyay dhammaan waxay umadda Somaliland maal iyo xoolo lahayd, xataa xoolaha nool waal la dhacay; waxaan xasuustaa malaayiin geela oo ciidanku ka soo dhaceen reer sheekh Isxaaq oo la keenay Burco, geelaa oo loo hayaamiyey deegaanadii ay ka soo jeedeen madaxdii milatariga Soomaaliya, si reerahooda loogu qaybiyo. Waxa iyagana la gubay beerihii iyo bustaanadii, xataa boholihii ayaa hadhuudhka lagala baxay. Dadkii Somalilandna  iyagoo boqol-boqol ah ayaa la xasuuqay oo baas la mariyey. 
Waxa laga rabaa dawladda Somaliya inay gacanta Somaliland soo geliso kuwii hoggaaminay xusuuqan ee weli jooga Xamar kana mid ah xukuumadda iyo barlamaanka Somaliya. Nimankii dilkan gaystay qaarkood waxay maanta taliyeyaal ka yihiin ciidanka cusub ee loo samaynayo Somaliya. Madaxda Soomaaliya waxa ilaa imika laga laayahay, bal wax bixine ha dambaysee, inay qirtaan uun dambigaaay galeen ee ah dabargoyn isiraysan.
Marka waxa laga rabaa saxaafadda Somaliland iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda, kuwa dhaqanka iyo kuwa diintaba inayna carabka ka dhowrin oo ay magacaabaan ciddii dambigan gaysatay. Siiba waxaanu ka maroora dillaacnay ninkii ku hadlayay magaca suldaanada iyo hoggaamiye dhaqameedka oo ka  gaabsaday inuu sheego in dadkan loo laayay qabiil ahaan oo loo dilay carruurtaa iyo dumarkaa ka mid ay yihiin reer sheekh isxaaq oo kaliya ee ayna wax dambiya gelin. Suldaan illeen wuxuu metelaa qabiile, inuu dadkan qabiil ahaan ugu hadlo ayay ahayd, uuna sheego qabiilooyinkii dambigan foosha xun galay iyo aanada ay qabaan.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde Nuur

· Posted by ifraax on August 30 2015 1070 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>