Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Haariban allaylehe hadaa haadka loo wadhay Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed ilkacase
Haariban allaylehe hadaa haadka loo wadhay Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed ilkacase

waxaan qaadan la'ahay waxa maanta socda waxa la yidhi waayeel waa ayo,iyo waa inagoo aan is yeelyeelin,kaba darane waxaa tidhi soomaalidii hore,rag waa ragii hore hadalna waa intuu yidhi,waxaan uga socdaa sida ay bulshooyinku isu bed bedelayaan,iyo bar tiranka,maydhaanta,iyo dhaqan doorsoonka ku dhacay,soomaalidii hore waa ay kala soocnayd,waxaanay kala ahayd qaybo,nolosha ku kala tilmaaman,oo xurmo,kala danbayn,is tixgelin iyo sharaf kala mudan,kuwaasoo madax iyo minjaba laha,waxaa jiray suldaan u idman beeshaas,dhawr soon,oo ayay nabad iyo caano ku cimaamadatay,waxa uu lahaan jiray gole guurti,iyo madax cuqaaleed,hadba gorfaysa gacmahana ku qabata,arimaha beeshaas iyo guud ahaanba xaaladooda nololeed sifaha la soo dersa,suldaanku xaajooyinkaa muu lahayn go'aan isaga u gaara iyo awood talo maroorsi gaara ee wuxuu lahaa gudoon uu gudiyadaasi u gudoomiya go'aanka ay hadba gaadhaan,taasi waxay muujinaysaa in bulshadani boqolaal sano ka hor ay lahayd hanan dimuqraadiyadan maanta ka casriyaysnays,oday garyaqaan,ganacsato,dhalin yaro,haween iyo dhamaan qaybaha bulshadu waxay dhamaantood lahayeen martabad dhawrta xasaanadooda oo dhaqan ahaan lagu sharfo,in kastoo dhalinyaradu ay ahayeen awooda keliya ee bulshadaa hadana waa cududa keliya ee fudayd laga fili karo marka loo eego dhinaca da'da iyo awoodooda maskaxeed,suuro galna ay tahay inay mashaqo abuuri karaan,hadana xijaabkoodu wakhtigaa wuxuu ahaan jiray waayeelka oo suldaanku hor kacayo,
                salaadiintu iyana guud ahaan waa madax dhaqameed,gaar ahaan ku hawlan arimaha beelaa soo duubtay,waa nabadeeyayaal,aan talin aano iyo colaad midna,guud ahaana waa xidhiidh isu soo dhawayn jiray,beelaha ay u kala arimiyaan,xilikasta iyo xaalad kasto oo lagu jiro markaa,iyadoo ay taa ahaan jirtay ayaanay hadana reebanayn in suldaankaasi cidi boqratay, uu ahaa mid ummada oo dhan markaa u suldaana, cid kasta oo markaa soo hoos gasha ama degaankiisaas ugu timaada ama la damco in lagu dilo ama lagu dhaco,taasi waxay ahayd sharaf iyo milgo suldaan,garaad ama boqor ninba siduu u yaqaan,
                  suldaamadaasi waxay ahaayeen rag tiro yar oo gebigooduba dhowr qof aan ka badnayn cuqaasha iyo odayaduna sidoo kale rag la yaqaanay ahaayeen,tiradooda iyo tayadoodaba,cid walibana iskamay talin jiray,laakiin maanta way tiro beeshay,waanay xarad beeshay,cuqaal iyo salaadiinba jawaanaa laga soo hurgufay,awal caaqil aakhir saban ayaan aqaanee hadana waxa ku soo biiray suldaan daadhi,si walba waa loo hadlay,cay iyo af lagaado ka xaaraan ahayd madax dhaqameedka ayaa lagu wada hadaaqay,nin walba halkay ugu badinaysuu ka miisay,waxaa lagu tartamayaa shaashadaha aynu hada baranay,waxa laga wadaana waa kicin iyo isku dir walaalaha nabada u wada yaala,waxaynu baranay waxaynaan aqoon,oo ah siyaasad iyo doolar,waa labada dhaqankeenii wanaagsanaa hilfaha u laabay,meelxun iyo gabaahiirna inagu sii wada,
             Waxaad arakaysaa maanta nin wayn oo aad wax garad moodayso,oo qabyaalad iyo colaad ku faanaaya,qaar ayaa ku hadaaqa in dhulka ilaahay ay iygu leeyihiin waa reerkoodee dadka kalena ay iyagu masruufaan ayaan daro,waa ayaan daro in maanta xumaanta iyo rabshadaha qabiili iyo muruga siyaasadeed ay hurinayaan dadka waawayni,kuwaasoo hadana iyagu ah kuwa talada haysta,sidaa daraadeed maanta canbaarta wadanka ku taalaa waa waayeelka ee waayeelku haka daayaan oo haku soo noqdaan sidii waayeel ahaan jiray,waana taa taan u leeyahay RAG WAA RAGII HORE HADALNA WAA INTUU YIDHI ........................................
                                   Waa ra'yigayga ii gaarka ah fadlan haygu dhibsan
                        wa Bilaahi towfiiq==========ALLAA MAHADLE
                                     Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase
                                                            mymnaleye@hotmail.com
                                                                    Antwerpen==========Belgium                                  

· Posted by abdi on September 07 2015 1141 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>