Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » XIL-KA-XAYUUBIN: Suldaan Wabar Iyo Ugaas Cabdirashiid.
XIL-KA-XAYUUBIN: Suldaan Wabar Iyo Ugaas Cabdirashiid.

Saldanada Jibriil Yoonis waxay horey ugu igmanayd, imikana u igmantahay danta Jibriil Yoonis. Suldaanka Jibriil Yoonis loogama fadhi-in in u noqdo Jabhad iyo kalidii tashade.

Hadda wuxu noqday Suldaan Wabar mid dan Gadabuursi isku raacsanayn oo khatar ku ah caamahaan Gadabuursi, gaar ahaana Jibriil Yoonis u ambabaxay.  Suldaanku wuxu noqday kalidii tashade, iska daa Gadabuursi, aanan danayney talada dadkii Suldaanka u doortay.

Suldaanku wuxuu ka soo bixiwaayey shaqadii loo doortay. Wuxuu ku kacay fal dhabarjab ku ah BEESHA JIBRILL YOONIS. Suldaanku kuma bixin arin Jibriil Yoonis ka taliyey ama Gadabuursi ka tashaday. Jibriil Yoonis wuxuu leeyahay Galde ka kooban 40 Oday Dhaqameed oo la talisa Suldaanka. Markii u ku tashaday arintan u dhex dabaashay lama tashan Galdaha, Aqoonyahanka, Baayacmushtarka, iyo siyaasiinta Jibriil Yoonis, iyo caamahaan Beelaha Gadabuursi. 

Sulldaanku wuxuu wiiqay:

  1. Heerkuu Jibriil Yoonis kaga jiray Gadabuursiga
  2. Taladii iyo magacii Jibriil Yoonis ku lahaa Gadabuursiga Dhexdiisa iyo dariskaba
  3. xeerarkii lagu soo doortay
  4. wada tashigii Jibriil Yoonis
  5. taladii Galdaha Jibriil Yoonis
  6. Nabadii Jibriil Yoonis
  7. Siyaasadii Jibriil Yoonis
  8. Dhaqaalihii Jibriil Yoonis
  9. Wadajirkii Jibriil Yoonis
  10. Wadajirkii Gadabuursi
  11. Talo iyo daris wanaagii Jibriil Yoonis

 

Suldaanku wuxuu noqday:

  1. Kalidii Tashade
  2. Isku tashade
  3. Dantii Maraate
  4. Coolaad ooge
  5. Cadow abuur
  6. Dhaqan dumiye
  7. Iska horkeene dad walaala ah
  8. Isku dire daris

Marka la tixraaco flalka illaa hadda u ku kacay iyo jabinta xeerka Saldanada Jibriil Yoonis, wuxuu Suldaanku mutaystay XIL-KA-XAYUUBIN.

 

 

UGAASKA:

UGAASKUNA wuxuu ka soo bixiwaayey shaqadii loo igmaday iyo aasaaskii UGAASNIMADA. Ugaasku waa udub dhexaadka Gadabuursi. Ugaasnimadu waxay ku dhisantahay talo waafiya, dhexdhexaadin, xal raadin, nabadayn , Iyo isku-hayn- Gadabuursi. Ugaasku  ma tixgelin arimahaas oo dhan. Wuxuu noqday nin an talo lahayn uu kulba kii ku dambeeya u nacamleeya. Wuxuu noqday nin Ugaasnimada ku adeegsada. Marka laga soo bilaabo aritan isaga iyo Wabar bilaabeen iyo ilaa shirkii Gadabuursi ee u dambeeyey wuxuu Ugaasku muujiyey talo xumu, liitinimo, iyo danaysi. Ugaasku wuxuu ku dhex milmay tii dhaqanka iyo tii siyaasada. Wuxuu noqday nin wajiyo badan. In u jagada ugaasnimada qabto Gadabuursi umma dhanayn, ilaa haddana iskuma raacsana. Sidaas darteed wuxuu isaguna mutaystay xil-ka-xayuubin.

Wa bilaahi Towfiiq

Qore: Muwaadin

 

· Posted by abdi on September 14 2015 1004 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>