Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) Si siman ma uga wada faa, iidaystaan Gobolada Somaliland?:Qalinkii .Axmed C/laahi Jamac
Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) Si siman ma uga wada faa, iidaystaan Gobolada Somaliland?:Qalinkii .Axmed C/laahi Jamac

Somaliland development found   macneheedu yahay  sanduuqa  horumarinta Somaliland,sababaha loo as aasayna  waxay  tahay  ama  macnaheeduba  tahay in Somaliland  lagu  hour mariyo   , maa daama ay Somaliland  kabaxday  wixii loo yaqaanay  degdega (emergency) oo  loo gudbay   wakhtigii   horumarka  ama afka qalaad waxa loo yaqaano (development )hadaba  mashruucaasi ma ushaqeeyaa qaabkii  ama  ujeedadii loo aas aasay.

1.Hadaan ku horeeyo  su,aasha koobaad  ee ah ma u sha qeeyaa  mashruucaasi qaabkii ama ujeedadii loo aas aasay? Aniga  oo is ticmaalaya  aragtidayda   gaaban  waxan leeyahay maya ,maya, waayo? Lacagaha sanad kasta  la sheegaa   waa   60,000,000 milyan oo dolar  sanad kasta  , hadaanay  kaba badnaynba  hadana  lacagta intaas lee gee lasheegayo majirto  meel lataaban karo oo wax  lagaga  qabto hadaan  laga tagin  waxan maqalnaa  gobolada  bariga ayaa meeshaasi  wax laga qabtay , ama  school  heb laayo ayaa  dib udhis  lagu sameeyay intaasi yar een  soo sheegayna waxan   maqlaa  kali ah marka  madax waynaha , ama wasiir uu booqdo  gobolada bariga,gobolada galbeedka iyaga warkoodaba hasoo qaadin  wali  ma aan maqal  Gobolka  Gabilay ayay   (SDF) tu wax  kaqabatay  Gobolada Awdal  iyo Gobolka Salal  iyaga warkoodaba  hasoo qaadin.labadaa  gobo lee Awdal iyo  Selel wali  magacaa  (SDF) maba  soo gaadhin  lagamaba  yaqaano

2. Su,aasha  labaad  oo ah  ma u siman yihiin  mashruucaasi (SDF) Gobolada  dalku?   Jawaabtu waa Maya   waayo   waxay ahayd  sanad kasta in la qorsheeyo lacagta sanduuqaasi  ku jirta  , waxay ahayd  in la shaaciyo   saamiga  gobolkastaaba ku leeyahay sanadkasta.mar hadii  taas lawaayay  ma waxa la garan waayay  haba ku  kala  badnaadaane  in dhamaan  gobolada  Somaliland   gobolkasta  wax kazoo  gaadhaan labadaa midna  lama  hayo  waxay noqotay kali ah inay ku koobnaato  oo kali ah    Gobolo  gaar ah  gaar ahaan  gobolada  bariga oo kali ah   ay uu   ku kooban yahay mashruucaasi(SDF) waxana  cad in  Gobolada  galbeedku aanay  qorshahaba   ugu  jirin.

3.Su,aasha   sadexaad   Ma u siman yihiin  shaqaalaha  mashruucaasi  kashaqeeyaa (SDF) dhamaan   dadka  Somaliland ku nooli  mise  reer gaar ah ayuu  shaqaalaha  mashruucaasi (SDF)   uxidhan yahay? Jawaabtu  waa maya  uma sina  shaqaalaha  mashruucaasi  kashaqeeyaa   ma odhan karo  waa  reer  kali   waxan  leeyahay   waa jufo  kali ah    (Habar yoonis)  jufadaasi kali ah ayuu sanduuqaasi  gacanta ugu jiraa  iyaga  uunbaa  isku koobay shaqaalaha  mashruucaasi haba  yaraatee  ma jirto  cidkale  oo  qabiiladaa  kala duwan ee dagan Somaliland oo ka shaqaysa  mashruucaasi(SDF)    hana  la ila hubsado.

4.Su, aasha  afraad   mashruucan  dhaqaalihiisa ma gobolo gaar ah ayuunbay dawlada  kulmiye  hogaamiyaa ugu talo  gashay? Jawaab taydu waa  haa  waayo   hadii aanay  arintu sidaaasi ahayn  sidaasi wax   uma dhaceen mar uunbaa la arki lahaa  haba yaraatee  in yar oo cadaalada  ama  Hal- mashruuc   oo dhinaca  galbeedka  usoo fakaday  oo laga  fuliyo gobolada  galbeedka   gaar  ahaan Awdal iyo  Selel.

Qalinkii .Axmed   C/lahi  Jamac

Contact: cabdile3@gmail.com

 

 

Lasoco  Qaybaha  danbe.  Oo  kasii   xasaasisan    qaybahaa hore  een soo sheegnay 

 

· Posted by ifraax on March 31 2016 755 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>