Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Maayarka Burco oo musuqmaasuqiisa sida fiinta looga qayliyay shacabkina ku mudaharaadayaan.
Maayarka Burco oo musuqmaasuqiisa sida fiinta looga qayliyay shacabkina ku mudaharaadayaan.

waxaa  laga codsanayaa  , la taliyayaasha madaxtooyada 

somliland   ee uu ugu horreeyo , Goddoomiye muuse Biixi ,

Maxamed kaahin , maxamuud xaashi , inay masuuliyiinta kasii

sarraysa ee qasriga  iyo madaxwaynaha jamhuuriyada  ay si ladifan

 ugu sheegaan , in magaaladii  Burco ay aad uqasan tahay

oo uu  qasay oo wareeriyay Maayarka magaalada Burco mudane

Maxamed Muraad , mudanayaal idinka iyo  umadda somalilandba waad

ka warqabtaan oo waad ka dheregsan tihiin  ,qaska iyo jaah wareerka

ka dhex aloosnaa  aqlabiyadda xildhibaanada golaha degaanka Burco

iyo maayarka , iyo  shacabka degmada Burco guud ahaan oo sida fiinta

uga qaylinayay muddo dheer  musuqmaasuqa , qabyaaladda ,eexda

hanjabaada , xadhigga , ku takrifalka awoodda dawladda , iibinta iyo

xaraashidda dhulka danta guud ee uu Maayar maxamed muraad ku

ku hayo  magaaladii iyo shacabkii uu masuulka ka ahaa ee Burco.

cid aan ka cabanayn oo aanu dulmi  cagajuglayn u gaysani waa

yartahay  waana xaqiiq wada duuban maragmadoona oo idinba waad

ogtihiin magaalada Burco inta la shaqaysata ee uu laaluushka siiyo

ama odayaal uu soo dhaqdhaqaajiyo oo lacag soo siiyo  ha ahaden

ama cid kalee intaa yarbuu intuu telefishanada soo taago yidhahaa i

amana ummadda reer burco intedi kale oo sida daadka u rogmanaysa

waataa aad aragtaan maalin walba ee ku mudaharaadaysa , ee ka

cabanaysa xildhibaanadii ay degmada wada xukumayeen waa kuwa

aad aragtaan  ee mooshinka ay ku wadaan markii ay la shaqayn kari

waayeen ee ka yaabeen dhaqankiisa iyo musuqmaasuqiisa iyo wax

kala laaluushkiisa iyo xitaa wax xeerin la´aantiisa  iyo xishood la´an

tiisa , wuu dagaalamayaa , wuu hanjabayaa , labada qawlalbuu ka

xunbaynayaa markuu hadlayo , qofkii shacaba ee hadal ku celiya ee

dulmiga nagadaa ku yidhaaha  , si halhaleela ayuu xabsiga ugu

tuurayaa ama oday ha ahaado ama maggayno ha ahaado ama

dumar e,  talo wuxuu ka yaqaan waan ku xidhi iyo xidha xidha iyo

hanjabaad uu shacabka ugu hanjabayo shaadhkii dawladda ee ay

ahayd inuu ugu shaqeeyo oo ugu naxariisto , ilaahayna xitaa 

kagama uu baqin dadka madaxda uwada yahay axadiistii nebiga ee

wada saxiixa ahaa iyo aayaadkii quraanka waxay xaraantinimeeyen

ayuu wada samaynayaa isagoo weliba wadaada oo waxaa jaah

wareeriyay kursiga maayarnimada iyo doollarka  dadka ka

dhexeeya ee ku jira khasnadaha dawladda hoose ee burco oo u

isticmaalo sidii hanti uu isagu leeyahay , qiyaamaha ayana la waydin.

Beesha habarjeclo wayn ee uu kasoo jeedo maayarku haddaanu

nahay waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa madaxda qaranka in

maayarka Burco uu madmadow iyo calool xumo kala dhexdhigayo

shacabka walaalaha ah ee reer Burco , waxa uu naxli dhex dhigay

Habaryoonis iyo habarjeclo , waxa uu naxli dhex dhigayaa arab iyo

habarjeclo , waxaa naxli iyo colaad aan weligeed hore u dhexgelin

uu dhexdhigay oo u kala eexday badi raasaska ay habarjeclo weyn

ka kooban tahay , tuulooyinkii ayaa laysku wada qabqabsanayaa

dadkii walaalaha ahaa ee waligood wada degganaa ,samac iyo

basartoona u kala yeeli maayo , oo kala jihayn maayo oo runta u

kala sheegi maayo , ee wuu iskusii dilayaa , xildhibaanadii golaha

degaanka kula jiray markay go´aamo kasoo saaraana isagii ayaan

go´aamadii fulinayn oo xildhibaanadii waakaa la dagaalamaya ee

eryanaya ,ee xarrimay in shir iyo kalfadhiyo laysu yimaaddo isago

ka cabsi qaba in cod qaadis degdega oo xilka lagaga qaadayo

ay kalfadhiga kadhacdo , maadaama uu is og yahay in  aqlabiyada

xildhibaanada iyo shacabka reer burcoba ay kala dhinteen.

waxa kale oo aanu ka digaynaa in beesha habarjeclo intii kusii

hadhsanayd xisbulxaakimka kulmiye , inay ka baxayso Kulmiye

haddaan si dhaqso ah madaxtooyadu usoo faro gelin oo aanay

iyadoo aan  maayarkana la dulmayn , shacabkana la dulmayn

xildhibaanada mooshinka wadana la dulmayn , wixii xaqa ee

sharciya lagu dhaqo burco oo xildhibaanada xaqbuu sharcigu

usiinayaa inay mooshin kusoo oogaan Maayarada waddanka

shacabku xaqbay u leeyihiin inay maayarkii aanay doonayn

uu iskaga tago , miyaanu ilaahay ka baqayn ma ummad aan

ku rabin ayaa la xukumaa , iskaddaa inuu maxamed muraad ka

xun yahay maayaraddii soomaray Burco oo dhan iyo kuwa

somaliland joogaba e , ee annagu ma garanaynno qof isaga

ka xukun xun oo aan ahayn xukunkii maxamed siyaad barre.

dawladda dhexe haddaanay degdeg wax uga qaban , waxay u

muuqanaysaa inay  ku eegayso dhibka uu Burco ku hayo

nabad gelyo xumada iyo kala danbayn la´aanta ka dhalatana

madaxtooyada somalilnad ayaa masuuliyadeeda qaadi doonta

dadka reer burco bari ilaa galbeed  , waa dad is jecel  oo 

walaalo ah uma baahna  cid ukala eexata ee waxay u baahan

yihiin cid isku wadda oo u caddaalad fasha. waxa aynu eegno

ee u dhegtaagnaaba waa waxa ay dawladdu ka qabato

maayarka Burco Maxamed Muraad iyo dhammaan madaxda

kale ee gobolada iyo degmooyinka ee shacabku ka cabanayo

haddii kale waxay noqonaysaa in  nacaybka loo qabo dadkaas

lagulasoo jeesto madaxtooyada iyo xisbiga kulmiye halkaasna

ay ku waydo kalsoonida shacabka iyo codka doorashoyinka

runtii waxaa xusid mudan oo halkan aanu ugu digaynaa in nin

wasiira oo madaxtooyada ka yimaadda oo lawada ogyahay uu

isna dab kusii shiday oo baasiinna kusii shubay , dhibkii iyo

khilaafkii ka jiray Burco oo uu si qaawan ula saftay Mayorkii

Badi reer Burco dulmiyaayay , waana halka uu ka yimi 

shakiga ah in aanay madaxtooyadu daacad ka ahayn arrinka.

wasiirkaa oo ah ka hawlaha guud Cali Marreexaan , waxa ay

ilmaadeer isku raas hoose ah yihiin Maayarka Burco Maxamed 

Muraad  , Markaa shacabka reer Burco way ka xun yihiin

 inuu isna Dulmiga inaadeerkii ugusii hiiliyo , qabyaaladan

iyo isujoojin la´aantan somaliland ka jirta imminkana runtii

danbarkeeda xun iyo cuqubadeeda waa la arki doonaa 

haddaan laga waantoobin oo ilaahay laga biqin oo layska

dayn , cali marreexaan  nin Burco oo dhan u wasiira oo u

dhexa oo xataa han madaxweyne leh mustaqbalka ayaanu

moodaynee sowkaa sumcaddiisii dhaawacay isna maanta

shaki kuma jiro oo waa wax reer burco wada og yihiin , inuu

maayar maxamed muraad " SIIBAQTI " uu maalmahan ku mashquulsan

yahay sidii uu u kala laaluushi lahaa xildhibaanada mooshinka ku wada 

ee kooramkoodii mar horeba buuxsamay , sidii ay xilka uga tuuri lahayen

laakiin ay hoosaasinayaan  madaxtooyada iyo wasiirka hawlaha guud

cali mareexaan oo badhasaabkuna uu dibu dhigayo in kalfadhi degdega

xildhibaanada golaha degaanka Burco u fadhiistaan ,si ay ninkan

maayarka ah ee reer Burco baabi,ay dadka uga hor dhaqaajiyaan

dibu dhigistaasuna waxay daaran tahay , si uu maayarku waqti

ku filan ugu helo inuu soo shukaamiyo oo laaluusho qaar ka mida

xildhibaanada MOOSHINKA  , kii ugu horreeyay oo uu lacag badan

iyo ballanqaadyo siiyayna waakan soo xerageliyay 13-5-2016  ee

aad maqlayseen isagoo telefishannada kale  waan isbeddelay .

Badhasaabka gobolka togdheer  Qabo waxaa looga digayaa

inuu Maayarka burco ka digtoonaado laaluushka uu la wareegayo

si aanu sumcadiisa u dilin oo shaadhkiisu uga wasakhoobin

xil dhibaanada musuqiisa ka yaabay ee SIIBAQTI mooshinka

ku wada , si hufan oo  aftahannimo  xishood ku jiro ayay ula hadleen

laakiin isagu waa Maayar siibaqti e hadduu afkaaba kala qaado

wuxuu ku hadlaa waa cay , aflagaaddo , iyo  qawlka ay ku hadlaan

jirrida dibjirka ah oo kale , isaga laftiisaaba la sheegayaa inuu

dibjir iyo dilaal nimo iyo nolol adag  oo duruufa kusoo koray

waxa habboon in isagana loo qaado heestii ahayd

" Dillaal noo dhuuntayoow , kasoo deg "

dhammaan fiidyowyada uu ku caayayo ragga madaxda ah iyo

xildhibaanada odayaasha ah ee soddogyada ah waanu soo

bandhigaynaa  haddii alle idmo ugamana jeedno inaanu ku

fadeexadinno ee waa in sharkiisa Burco laga qabto.

Madaxtooyadu ceebtii u waynayd ayay ka qaadaysaa

haddii aanay degdeg wax uga qaban maayar ka BURCO

maxamed Muraad " SIIBAQTI "

 

 

 Maayarka Burco Maxamed Murad " SIIBAQTI " waxa uu dhowaan
 si anshaxa suubban ka baxsan u aflagaadeeyey oo u caayay
nin oday ah oo soddog ah oo aqoon yahannada reer Burco ka mida
oo ah ganacsade  hantiile ah oo  guryo , dukaamo iyo kaalmaha shidaal ee

ugu fiican ku leh centerka Burco , kana tirsan xildhibaanada golaha degaanka

burco , kuna soo baxay cod dhan 3141  kana tirsan xisbiga kulmiye halka

maayarka burcona uu kagasoo baxay cod 2238 ah xisbigii rays ee hadhay.

daawo labadan fiidyoow ee hoose ee uu maayarku afkiisa kaga qiranayo

inuu xildhibaankaa  laaluushay , haddana uu laaluushi doono haddii

uu mooshinkaa lagu ridayo kasoo noqdo , 

cabdiraxman cabdirabbi 

· Posted by abdi on May 18 2016 1197 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>