Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Wasiirka Cusub ee Wasaarada Biyaha oo Halis ugu Jira Dhagaraha uu Wado Agaasimihii Guud ee Shaqada Laga Joojay Kaas oo aan Nidaamka Dawladeed u Yaqaana Adeeradii Siilaanyo, Saleebaan Gaal iyo Ina Xaas
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Biyaha oo Halis ugu Jira Dhagaraha uu Wado Agaasimihii Guud ee Shaqada Laga Joojay Kaas oo aan Nidaamka Dawladeed u Yaqaana Adeeradii Siilaanyo, Saleebaan Gaal iyo Ina Xaas

Ka dib markii uu ka xidhay xafiisyada wasiirkii xilka laga qaaday suuqana ula wareegay xafiiskii wasaarada, ayuu hadana ku sii daray inuu sii laba laxaadiyo lugaayada wasaaarada biyaha isagoo ku dhaqaaqay inuu ku sii adkaysto macan gagnimadii lagu jabi jari tiray.Agaasimihaman oo loo hore u galaaftay saddex wasiir oo ku soo maray wasaarada biyaha tan iyo intii wasaaradan laga soo jaray wasaaaradii tamarta iyo macdanta. Agaasimahan oo magaciisa la yidhaahdo ina naakhuude waxa uu rartay dhamaan qoraalkii wasaarada iyo xasuus reebkii u yaaalay biyaha qaranka. Waxa uu bilaabay inuu iminka dhaco hantidii wasaraada inta wasaarada ku jirto xilligan kala guurka isagoo sugi kari waayey inta uu wasiirka cusubi xilka la wareegayo. Wasiirkan oo laga filayo in uu Baashe ku raaci doono ama ka diidi doono inuu ku soo celiyo ina naakhaade wasaarada biyaha oo uu ku ahaa far dheeraatay iyo laf dhuungashay. Agaasimahan ina naakhuude oo aan waxba iskaga tirin beelaha harti una yaqaana inay yihiin dad la liido waxa shaqada ka joojay baashe cali jaamac kadib markii uu caqabad ku ahaa wasaaradan. Shaqaalaha wasaarada ayaa sida fiinta uga qayliyey ninkan ku tacadiyaya shaqaalaha wasaarada isagoo ugu hanjabaya inuu kuu doonana ka jarayo mushaharka iyo gunada cadaadisna saari doono hadiiba uu arko inay ka damqadaan sida uu u ceebaynayo macaga qoyska madaxtooyada. Ina naakhuude isaga oo ku faanaya inay isku reer yihiin sillaanyo, saleebaan gaal iyo ina xaashi ayuu ugu hanjabayaa shaqaalaha wasaarada in isagu meesha haysto weligiina haysan doono. Waxa uu yidhi waa waxba kama jiraan shaqo joojintii uu qoray baashe wasiir kasta oo imaadana uu birta dhaafin doono cidii la shaqaysan doonana uu ka aarsan doono. Baashe waxa uu magacaabay gudi diyaarinaysa xilwereejinta kuwaas oo u wada shaqada si hab sami ah. Iyadoo shaqada wasaarada uu iminka wado agaasime ku meel gaadh ahi oo aanuu ina naakhuude lagu amray in aanu soo gelin wasaarada ilaa uu wasiir ka cusubi qoraal kuugu ogolaado mooyee ayuu hawlihii wasaaarada ika wadaa xafiis uu ka samaystay suuqa halkaas oo ku haysto shaanbadii wasarada ee uu xaday. Si looga digtoonaado inuu lacag kale ka xado wasaarada kadib markii uu lacag foojari ah dhex marsaday xisaabiyahi qaranka ee bade kaas loo eryey in aanu fashilin xatooyada uu ina naakhuude ku kacay, waxay wasaarada loo sameeyey shaanbad cusub. Hadaba fadeexada ugu weyn waxay dhacday markii hanti dhawrkii iyo xisaabiyihii guud ee cusbaa qabteen foojaro been abuur ah oo uu soo saxeexay ina naakhuude iyo agaasime maamul iyo lacageed oo been abuur ah ay soo saxeexeen. Waxa qosol iyo fajiciso ku noqotay hanti dhawrkii iyo xisaabiyihii guud sida ay ku dhacday agaasimihii shaqada laga joojay iyadoon warqad soo celin ah lasoo qorin uu saxeexan karaa foojar uu lacag ku qaadanayo. Waxa kale oo wareer noqotay siday ku dhacday in uu agaasime guud oo shaqadii laga joojay u magacaaban karaa agaasime maamul isagoo xafiiska wasaarada ay fadhiyaan agaasimihii saxeexa lahaa iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee rasmiga ahaa. Hanti dhawrka iyo dhamaan dadkii oo dhami waxay la yaabeen waxa ku kelifay ina naakhuude iyadoo wasiirkii cusbaana maanta hargeysa joogoinuu waxaas o faldanbiyeed ah ku kaco. Waxa cadaatay inuu mijo xaabinayo wasiirka cusub si aanuu ugu iman wax lacag ah khasnada wasaarada si ay ugu adkaado inuu dar dar geliyo hawlaha shaqo. Waxa uu ina naakhuude ka wado wasaarada biyaha waxa ka cadhooday umada reer somaliland oo dhan oo ay ku jiraan dad ay isku reer yihiin. laakiin dadka kale waxay is wayiinayaa waxa uu wado hadaanay ku raacsanayn adeeradii way ka qaban lahaayeen halka qaarna ay ku doodayaan inuu ceeb u soo hooyay qoyska madaxweynaha iyo dhamaan nidaamkii dawladeed iyo kala danbayntii.

 

C/qani Xassan Cali

hargeysa

· Posted by abdi on December 19 2016 1663 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>