Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Oo Ganacsatada Uga Digtay Daawooyinka Iyo Badeecadaha Been Abuurka Ah.

 

Hargeysa ( Hargeysa Online)Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) ayaa Ganacsatada waddanka uga digay in ay dalka soo galiyaan Badeecado iyo Daawooyin aanay tayadoodu wanaagsanayn kuwaasoo dhibaatooyin caafimaad darro iyo dhibaato weyn oo xaha nolosha ah u keenaya shacabka reer Somaliland. Isaga oo si adag farriin ugu diray qof kasta oo lagu soo qabto in uu umadda ka iibinayo daawooyin iyo badeecooyin dhacayna oo tayadoodu xun tahay ama dhacayna ay tallaabo sharci ah oo adag ka qaadi doonaan una gudbin doonaan Xeer Ilaalinta si tallaabo adag oo sharci loo mariyo. Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Biikalo oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa u sheegay in ay dabo gal culus iyo baadhitaano qoto dheer ku hayaan isla markaana ay ogyihiin in ay jiraan Ganacsatada qaar Badeecooyin Been Abuur ah (Fage) oo la soo macmalay loona ekaysiiyey kuwo dalka hore loo keeni jiray in ay jiraan taasina cidda ay ku qabtaan in ay sharci adag marin doonaan umaddana ka qaban doonaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa Jira Runtii oo aan daba gal iyo u kuur gal ku haynaa amma aanu ognahay in ay jiraan badeecadaha qaar Fake ah (Been Abuur) oo lasoo macmalo oo loo soo ekaysiiyo kuwo dalka hore looga isticmaali jiray kadibna dad si gaar ah u galiyaan oo meelaha qaar lagu qabto. Aad iyo aadbaanu runtii arrinkasi hawl gal ballaadhan ugaga jirnaa waanan jecelahay in dadka noocaasi oo kale ah aanu soo qabano gacantana ku soo dhigno dadka waxbaayahaasi oo kale gacanta kula jira".
Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) waxa kale oo uu sheegay in Xeerkii Dhawrista Tayadu haatan Hor Yaallo Golaha Wakiilada Somaliland dhawaanna la ansixin doono, waxa kale oo Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayadu Md. Biikalo sheegay in cid kasta oo umadda u tudhi wayda isla markaana keenta agab wakhtigoodii dhacay ama Fake ah (Been Abuur) ay la tiigsan doonaan sharciga oo aanay marnaba ka hadhi doonin umaddana ka qaban doonaan, sida ugu dhakhso badana ugu gudbin doonaan Sharciga dalkeena si tallaabada ku habboon looga qaado.
“Waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa dadka Ganacsatada ah ee wax keena ugana digayaa in Ciddii wax dhacday ay yaallaan Dukaamadooda in ay si degdeg isaga diyaariyaan. Qofkii la arko in uu meel ku qarinayo wixii dhacay oo uu qarinayo waxa hubaal ah in uu ciqaab adag mutaysan doono. Ganacsatada sidoo kale meelahaa ku qarqarinaya waxyaabaha la sheegayo ee been abuurka ah (Fake), Qofkii isagu Badeecaddaasi yeesha ee gacantiisa loogu yimaad ee lagu qabto waxa loo aqoonsanayaa in uu yahay qof Musuqmaasuq dalkiisii kula kacay oo Foojari sameeyey waxaanan dacwaddiisa marin doonaa Xeer Ilaalinta Qaranka si umadda looga qabto”
Hadalkan Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti daawooyinka iyo badeecaha Been abuurka ah ama wakhtigoodii dhacay dhibaatadii ugu badnayd ku hayso shacabka reer Somaliland taasi oo ay dadku in badan qaylo dhaan ka samaynayaan dhinaca caafimaadka ah.      

 

· ifraax on April 03 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>