Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Saamayn intee leeg ayuu Aqoonsiga Sheffield yeelan karaa?

[“Jumlad iyo Rubuc-Miisba” waa lagu iib-geynayaa Qadiyadda Ictiraaf Raadinta  Jam. Somaliland!!]

 

Waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin aan xad lahayn uga soo gudbinayaa dhammaan JAALIYADDA Jam. Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield, UK, taasoo aan ugu hambalyeyno sida ummadnimada iyo kartidaba leh ee ay uga soo dhalaaleen waajibkii ka saarnaa Qadiyadda Ictiraaf Raadinta Jam. Somaliland. Waxa kale oo aan iyagana si aad ah ugu mahadnaqayaa Mudanayaasha Golaha Degaanka ee magaalada Sheffield, sida geesinnimada iyo ku-dhacaba leh ee ay uga badheedheen Qadiyadda Ictiraafka JSL.

 

Arbacadii 02/04/2014, magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska waxa ka dhacday arrin Taariikhi ah oo yidi-diilo weyn gelisay dhammaanba ummadda JSL, gudaha dalka iyo dibeddaba. Fadhi gaar ah oo ay yeesheen Golaha Degaanka magaalada Sheffield oo ka kooban 88 mudane, ayaa 86 mudane oo ka mid ahi ay u codeeyeen in la qiro lana aqoonsado jiritaanka dadka iyo dalka Somaliland isla markaana la taageero qadiyadda gooni-isu-taagga Jam. Somaliland iyo in Somaliland noqoto dal madax-bannaan oo ka tirsan Beesha Caalamka. Mudanayaasha Golaha Degaanka magaalada Sheffield waxa kale oo ay si toos ah ula hadleen Xukuumadda ka talisa dalka Ingiriiska oo ay ku boorriyeen inay aqoonsato Jam. Somaliland.

 

Su’aasha u baahan inaynu is weydiino waxa weeye: Saamayn intee leeg ayuu yeelan karaa Aqoonsiga Sheffield?

 

Aniga aragtidayda, arrintan ka curatay magaalada Sheffield(UK) waxay Jam. Somaliland ku yeelan kartaa saamayn Siyaasadeed, mid ah Iskaashi Horumarineed iyo mid ah taageero Dhaqaale. Dhinaca kale, marka laga eego xagga shuruucda caalamiga ah, saamaynta Diblomaasiyadeed ee ah heer caalami waxay ila tahay in aqoonsiga Sheffield aanu sidaa u buurnayn, waayo Sheffield waa magaalo-madax heer Gobol ee maaha Qaran, dawlad-ama maamul madax bannaan oo leh awood distooriya oo uu ku aqoonsan karo dal kale oo aqoonsi-raadis ah.

Arrintu si kastaba ha ahaatee siday aniga ila tahay, saamaynta uu Aqoonsiga Sheffield yeelan karo, waxa ka mid ah arrimahan soo socda:

 

  1. 1.    Aqoonsiga Sheffield iyo Saamaynta uu ku yeelan karo Siyaasadda ay Dawladda Ingiriisku kula dhaqanto Jam. Somaliland:

 

Aqoonsiga Sheffield waxa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho Siyaasadda gudaha ee dalka Ingiriiska, ha noqoto heer Gole Degaan ama heer Gole Barlemaane. Sidoo kale waxa dhici karta in Aqoonsiga Sheffield uu saamayn ku yeesho Siyaasadda ay Dawladda Ingiriisku kula dhaqanto Jam.Somaliland.

 

Waxa dhici karta in Goleyaasha Degaanka ee magaalooyin kaloo waaweyn oo ku yaal Ingiriiska oo ay ku nool yihiin Jaaliyado ballaadhan oo reer Somaliland ahi ay ku dayan doonaan tusaalaha ay dhigtay Sheffield. Arrintani waxay horseedi kartaa in go’aannada ay gaadhaan Goleyaasha Sharci-Dejinta ay shacabku soo doorteen ee heer Degaan ay saamayn toos ah ku yeelan karto siyaasiyiin ka tirsan Xukuumadda ama Goleyaasha heer Qaran ee ka soo jeeda magaalooyinkaa iyaga ah. Tusaale ahaan; Nick Clegg oo ah ninka ku xiga Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska (David Camaron) waa mudane laga soo doorto magaalada Sheffield ee u codaysay in JSL la aqoonsado. Ma kula tahay in Mr. Nick Clegg aanu ogayn Aqoonsiga Sheffield ay Somaliland aqoonsatay?? Waxa hubaal ah inuu si fiican uga dheregsan yahay tallaabada ay qaadday magaaladiisa Sheffield iyo saamaynta siyaasadeed ee ka dhalan karta.

 

Waxa suurto gal ah inay korodho tirada mudanayaasha ka tirsan Barlemaanka Ingiriiska ee Qadiyadda Somaliland aaminsan ama u ololeeya in la aqoonsado. Waxa dhici karta in iskaashi dhex maro Mudanayaal badan oo ka tirsan Aqalka Odayaasha iyo ka Barlemaanka Ingiriiska kuwaasoo laga soo doorto magaalooyinka ay ku noolyihiin bulshada reer Somaliland, dabadeedna ay ka ololeeyaan siday Dawladda Ingiriiska ugu qancin lahaayeen Qadiyadda Qadiyadda Somaliland.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, muuqaalkan Siyaasadeed ee kor ku xusani wuxuu keliya suurto gal iyo midho-dhalba noqon karaa, haddii Xukuumad ahaan iyo Shacaba si dhab ah oo hagar la’aan ah loogu hawl-galo dariiqaa rajada ee ay Magaalada Sheffield innoo horseeday.

 

  1. 2.    Aqoonsiga Sheffield wuxuu dhiirri-gelin u yahay Jaaliyadaha Jam. Somaliland  ee ku nool Qurbaha, gaar ahaan bulshada JSL ee ku nool dalka Boqortooyada Ingiriiska.

 

Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska, sida Cardiff, Bristol, Liverpool, Manchester, Birmingham, London etc. waxay isu abaabuli karaan si la mid ah siday isu abaabuleen Jaaliyadda Somaliland ee Shaffiled (UK). Iyagoo ka faa’iidaysanaya khibradda iyo waayo-aragnimada laga helay Jaaliyadda Somaliland ee Shaffiled, waxay qaadi karaan tallaabo la mid ah ta ay qaadeen Jaaliyadda Somaliland ee reer Shaffiled; taasoo ah: inay mudanayaasha Golaha Degaanka iyo Golaha Barlemaanka  ee laga soo doorto magaalooyinka ay ku noolyihiin si dhab ah loogala hadlo, looguna dhiirri-geliyo in mudanayaashu ay diyaariyaan “mooshino” la hordhigo Goleyaasha Degaanka oo lagaga doodayo Qadiyadda Ictiraafka Jam. Somaliland.

 

Dedaalka noocan ahi wuxuu horseedi karaa iskaashi dhab ah oo dhex mara Mudanayaasha Goleyaasha Degaanka ee dhowr magaalo iyo Mudanayaasha Golaha Barlemaanka  ee laga soo doorto magaalooyinkaasi, waxayna si wadajir ah uga wada-shaqayn karaan (heer Gole-Degaan iyo heer Barlemaanba) Qadiyadda Ictiraafka JSL. Haddii loo hagar baxo si dhab ahna loogu hawl galo, waa arrin suurto galin karta in Jam. Somaliland  ay hesho taageerada Mudanayaal badan oo ka tirsan Barlemaanka Ingiriiska oo si dhab ah Qadiyaadda Ictiraafka JSL uga ololeeya Aqalka Mudanayaasha Barlemaanka. 

 

  1. 3.    Aqoonsiga Shaffield wuxuu baraarujin u yahay Xukuumadda hadda talada haysa iyo qaabkii ay ula shaqayn lahayd Bulshada Qurba-Joogga JSL.

 

Aqoonsiga ay Sheffield u fidisay Jam. Somaliland wuxuu Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo u yahay baraarug iyo dhiirri-gelinba, wuxuuna weji cusub u furayaa qaabka hadda kadib loogu hawl-geli doono Qadiyadda Ictiraafka. Aniga aragtidayda, waxa ila habboon in Xukuumaddu ay si dhab ah u dareento faa’iidada iyo waxtarka ay Qurba-Jooggu u leeyihiin guud ahaanba dalka, gaar ahaana doorka ay Qurba-Jooggu ka qaadan karaan Qadiyadda Ictiraaf Raadiska. Haddaba, si loo wanaajiyo xidhiidhka Qurba-Joogga, Xukuumaddu waa inay la timaado bernaamij iyo qorshe cad oo ku wajahan abaabulka, midaynta iyo tayeynta  cududda Qurba-Joogga iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa doorka weyn ee ay ka qaadan karaan Qadiyadda Aqoonsi Raadiska JSL. Talo ahaan waxaan Xukuumadda u soo jeedin lahaa in la abuuro Hay’ad madax-bannaan ama Wasaarad u gaar ah Arrimaha Qurba-Joogga oo si qorshaysan isugu-dubba ridda hawlaha Qurba-Joogga iyo waajibaadka ka saaran Qaranka iyo dar-dargelinta geeddi socodka Qadiyadda Ictiraaf Raadiska.

 

  1. 4.    Aqoonsiga Shaffield wuxuu Jam. Somaliland u horseedi karaa Iskaashi iyo Horumarin Dhaqaale oo toos ah:

 

Aqoonsiga ay Sheffield u fidisay Jam. Somaliland wuxuu keeni karaa taageero toos ah oo ah xagga Dhaqaalaha iyo Horumarka bulshadaba. Madaama Sheffield ay noqotay magaaladii ugu horraysay Bulshada Caalamka ee si cad uga badheedhay aqoonsiga Somaliland, waxan odhan karaa Jam. Somaliland waxay heshay Saaxiib iyo Ambassador Qaaliya oo ay ka naawili karto talo, taageero iyo tabarucba.Waxa abuurmi kara xidhiidh Iskaashi iyo mid wada-shaqayn oo toos ah oo dhex mara magaalada Sheffield iyo Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Magaalada Shaffield waa magaalo weyn oo ku taalla dalalka dunida ugu horumarsan. Waa magaalo qadiimi ah, leh taariikh iyo dhaqan aad u fac weyn isla markaana ku caan baxday xagga warshadaha. Magaalada Shaffield waxay u madax bannaan tahay inay Somaliland si toos ah uga taageerto xagga Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Bilicda Magaalada, Horumarinta Arrimaha Bulshada.

 

Gebagabo:

18-kii May 1991, ayaa lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Jam. Somaliland. Muddo ku dhaw 23 sannadood oo aynu jirnay, waa markii ugu horraysay ee Erayga Aqoonsi uu ku soo dhaco dhagaha Ummadda Somaliland. Waa markii ugu horraysay ee uu Gole Sharci Dejineed iyo Mudanayaal ay dadku soo doorteen yeeshaan fadhi ujeedadiisu ahayd in golahaasi aqoonsado Qadiyadda Madaxbannaanida dadka iyo dalka Jam. Somaliland. Jumlad iyo Rubuc-miis midday doonto ha lagu iib geeyee, waxa ummad ahaan iyo Xukuumad ahaanba innaga go’an in Qadiyadda Ictiraaf Raadinta loo fuulo geed gaaban iyo geed dheerba. Arrintu si kastaba ha ahaatee, dariiqaa rajada ee ay Magaalada Shaffield innoo furtay, guushiisa iyo guul-darradiisuba waxay ku xidhantahay kolba sida ay Xukuumadda iyo Shacabka Jam. Somaliland ula jaan-qaadaan ee ay uga faa’iidaystaan fursaddaa taariikhiga ah ee muddo 23 sannadood ah markii ugu horraysay inna soo marta!

 

 

Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Jam. Somaliland hesho.

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |Hargeysa, Jam. Somaliland|

· xaaji on April 07 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>