Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ucid oo Ku eedeyey W/xigeenka Amniga in uu ka danbeyey Dilkii ka dhacay Berbera.

Hargeysa (Hargeysa Online)Masuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa si kulul u cambaareeyey falkii habeenkii xalay ahaa lagu dilay Alleh ha u naxariistee Haweenay ka mid ahayd shicibka Magaalda Barbera, halka isna lagu dhawacay Wiil uu dhalay Xildhibaan Qabile

Shir-Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegeen in falkaasi ahaa mid aad u xun isla mar ahaantaana ay si xooga u canbaareynayaan waxaana xukuumada ugu baaqeen in looga fadhiyo in cidii falkaasi gaysatay in sharciga la horkeeno.

Ugu horeyn shirkan Jaraa’id oo uu ka hadlay Ku-simaha xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax ayaa waxaa uu ugu horeyn uu tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxday Haweenaydaasi,waxaana uu sida oo kale uu carabka uu ku adkeeyey inay si aada uga xun yihiin in ehelada xildhibaan qabile ay arintani mar labaad ay ku dhacdo oo sidan loo bar tilmaameedsado Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“Marka hore waxaanu halkan ka tacsiyadaynaynaa Ehelada marxuumadii ku dhimatay falkii shalay ka dhacay magaalada Berbera, ninka hada dhaawaca ahna waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu ilaahay inuu caafimaad siiyo, Maxamed Faarax Qabile waa xildhibaanka kaliya ee aanu ku leenahay xisbiga Ucid ee ka hadhay xubnihii 21-ka ahaa ee uu xisbiga Ucid ku lahaa golaha wakiilada, arintaas maanta lagula kacay qoyskiisana aad ayaan uga xunahay waanan canbaaraynaynaa cidii falkaas gaysatayna waxaanu leenahay waa waajibka sharciga ah la mariyaa, waxaynu ogayn in mar hore lagula kacay isku day dil toogasho ah oo cida hada gaysatay falka ka dhacay Berbera ay gaysatay si gobonimo ahna wuu ka yeelay oo waa kii sii daayey, waxa nasiib darro ah inay arintii mar labaad soo noqoto oo qofkii galka gaystay hadana qoyskii xildhibaanka kula kaco mid kale,taas ayaa ah mid laga xumaado oo laga gil gisho taasna waanu canbaaraynayaa sida sharcigu dhigayana waa in maxkamad la keenaa oo danbigaas uu galay lagu qaado.”

Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Md:Cabdinaasir Qodax oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu wasiir ku xigeenka amniga ku eedeeyey in gaadhigiiisi lagu fuliyey falkan keenay dilka iyo dhaawaca waxaanu yidhi “Waxa kale oo ayaan daro ah in ninka falka gaystay uu watay gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga qaranka oo xil wayn ka haya dawlada, taasina waa mid laga xumaado, wasiirkaasna waxaanu leenahay adigay arintaasi ku fadhidaaye waa inaad dhinac iskaga qaadaa, waxa ninkaas danbiilaha ah u geeyey gaadhigaaga waa wax loo baahan yahay in cadaynteedii la helo, dadweynaha gobolka Saaxilna gaar ahaana dadweynaha reer Berbera waxaanu leenahay nabad galyada ilaaliya wixii khal khal wadanka galinayana ay ay ka feejignaadaan.”

Sidoo kale marwo Faadumo Siciid oo ah xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid ooo iyaduna ka hadashay shirkan jaraa,id ayaa waxaa hadaladeedii ka mid ahaa:

“Falkaas ka dhacay magaalada Berbera markii la na loo soo sheegay waxa uu ahaa mid aad nooga nixiyey, gabadhii nasiib darada ku dhimatay ee xabada xaq darada ahi dishay oo aanay galabsan iyada oo nolol maalmeedkeedii wadatay waxaanan ilaahay uga rajaynaynaa inuu janadii fardawsa ku casuumo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo, wiilka uu dhalay xildhibaan Faarax Maxamed Qabile iyo ehelkiisa oo dhan waxaan leeyahay aad ayaan uga xunahay waxaas mar labaad idinku soo noqday, waxa cajaa,ib ah oo aanu mar labaad la yaabanahay isaga oo xildhibaan Qabile maalintii lagu qaaday falkii lagu dili gaadhay eedeeyey wasiir ku xigeenka amniga kuna tilmaamay mid falkaas lagu dili gaadhay lug ku lahaa, maantana isla ninkii uu wato gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga isaga oo falkii sameeyey, waxaanan jecelnahay inuu wasiirka amnigu cadeeyo waxa ninkan gaadhigiisa u geeyey waxa dawlada looga fadhiyaa inay cadayso waxa ninkan oo fal hore sameeyey ilaa hada uu u hubaysan yahay.”

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on April 12 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>