Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xaflada Daah furka Ciyaaraha xagaaga ee sanadka 2014 oo ka furmay Columbus.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Rugcadaa Taariikh ku leh Ciyaaraha Sportska Soomaaliyeed xiliyadii Bari samaadka.

Waxaana soo abaabulay dhalinyaro is xil qaantay kuwaas oo in mudaa dhexda u xirtay hirgalinta sidii loo heli lahaa Ciyaartooy dhaxal gal ah oo ka soo baxada dalka Maraykanka iyo canada.

Waxa ay xafladani isugu jirtay qeybo kala duwan waxaa hadalo ka jeediyay Dad miisaan ku leh Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kamid ahaa Cali Mire oo ah Taariikhyahan waayo badan soo joogay isla markaana ah Ninkii sameeyay Heesta Qaranka ee Soomaaliyeey Toos.


Cali Mire waxa uu ka hadlay hodantinimada Af-ka Soomaaliga isaga oo soo bandhigay tusaalooyin lagu qanci karo, iyo sida uu Afkeenu uga midka yahay Afafka Hodanka ah balse u bahan in la horumariyo, waxa uuna Cali Mire Goobta ka qaaday Heesta caankaa ee Soomaaliyeey Toos oo loowada sara joogsaday.

daah_furka1.jpg

daah_furka2.jpg

daah_furka3.jpg

daah_furka4.jpg

daah_furka5.jpg

daah_furka6.jpg

daah_furka7.jpg

daah_furka8.jpg

daah_furka9.jpg

daah_furka10.jpg

daah_furka11.jpg

daah_furka12.jpg

daah_furka13.jpg

daah_furka15.jpg

daah_furka16.jpg

daah_furka18.jpg



Maxamed C/laahi Farmaajo oo ahaa Raysul wasaarihii hore ee Dowladii KMG ahayd oo xaflada ka hadlay ayaa waxa uu dhankiisa amaanay Doorka Ciyaaraha Sportska Soomaalida ee 14 kii sano ee la soo dhaafay lagu qabanayay gobolka Ohio iyo sida dhalinyaradu ugu dadaaleen in kaalintooda Ciyaareed aysan meesha ka bixin.

Waxa uu farmaajo la dar daarmay dhalinta Soomaaliyeed oo uu ku guubaabiyay xoojinta Waxbarashada si ay dhaxal ugu noqdaan dalkooda iyo dadkooda iyo in ay Ciyaaraha sii laba jibaaraan si ay uga dhismaan maskax ahaan iyo jir ahaan, waxa uu Shahaado gudoonsiiyay C/laahi Xasan oo loo yaqaan (Macalin Tuke) oo soo Layliyay Kooxihii Jeenyo iyo Gaadiidka ee Xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Marka laga hadlo dadkii ka hadlay xafladan oo ay soo buux dhaafiyeen dhalinyaro ka kala timid gobolada dalka Maraykanka iyo Canada, waxaa ka mid ahaa Russell Flickinger oo ah Qareen si weyn ugu adeega Soomaalida.

Russell Flickinger ayaa ku booriyay dhalinyarada Soomaalida sidii ay u xoojin lahayeen horumarinta Ciyaaraha iyo in ay waqtiga ka faaiidaystaan mudada ay dhalinta yar yihiin,isaga oo taageera qaar kamid ah Kooxaha ugu waaweyn ee ka ciyaara magaalada Columbus oo uu ku bixiyo dhaqaale Talo siin.

Mudadii ay socotay xaflada waxaa dadka madadaalinyay Kooxo kala duwan oo qaarkood soo bandhigay ciyaaro iyo Riwaayado,waxase si aan kala har lahayn uga qosliyay dadkii Goobta joogay Maajilistaha caankaa ee lagu magacaabo Mataan.

Xafladan oo daahfur u ahayd ciyaaraha Xagaaga 2014 oo ka furmay magaalada Columbus ayaa waxa goobjoog ahaa sidoo kale Rugcadaa ka mid ah ciyaaryahanadii soo maray Qarankii Soomaaliyeed, kuwaas oo ka kala yimid Canada iyo gobolada Maraykanka waxaa ka mid ahaa, Muqtaar Cuti, Suudaani, Qarindi, iyo Kuwo kale.

Waxa ay ciyaaraha xagaaga ee sanadkan oo biloowmay malinimadii Khamiista ay socon doonaan ilaa maalinta Axada.

Deeqo Shire (SONNA)
Columbus, OH
Deeqosonna@gmail.com

· abdi on April 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>