Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Dhismaha Wasaarada Duulista.

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa Maanta Xadhiga ka Jaray dhisme Cusub oo loo dhisay Wasaarada Duulista iyo dhawr Mashruuc oo laga Hirgaliyey Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu Booqday Dhabada Diyaaraduhu ka haadan ee lagu kordhinayo Madaarka.

Wasiirka Duulista iyo Hawda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay Xadhig ka jarista Dhismaha Wasaarada Duulista iyo Hawda ayaa sheegay in ay ku baxday lacag dhan Labba Boqol iyo Siddeetan Kun oo Dollar, waxanu Tilmaamay in uu yahay Dhismahani mid aad u qurux badan oo loogu tallo galay wasaarada, Bilicda iyo quruxduna tahay mid soo jiidanaysa dadweynaha Reer Somaliland, waxa kale oo sheegay in mucaaridku yidhahdaan Xukumadu waxba may qaban, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay tani tusaale cad u tahay waxqabadka Xukumada, waxa kale oo uu tilmaamay in Mashaarici kale oo farro badana ay xadhiga ka jarayaan kuwaasi oo ku yaalla madaarka .

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa uga mahad celiyey Shaqada uu qabtay Wasiirku, waxanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Dhismahaasi Cusub ee loo dhisay waasarada Duulista iyo hawdawaxa kale oo uu madaxweynuhu Kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaradu.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu Xadhiga ka Jaray Dhawr Mashruuc oo laga hirgaliyey Madaarka kuwaasi oo isku jiray goobaha Dadka lagu soo dhaweeyo, Gobta ay dadku ka dhoofan, Meelaha dadka Dhoofaya lagu baadho, iyo Miishino cusub oo lagu qaadayo lacagta lagu gallo madaarka. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu Booqday Qaybta Runwayga ee Diyaaraduhu ka haadan oo lagu kordhinayo madaarka, waxa wakhtigaasi socday Dhismaha Runwayga lagu kordhinayey, waxanu madaxweynuhu Warbixin ka dhageystay Injineeradii dhisayey madaarka waxanay faahfaahin ka bixiyeen Hawsha ay ahayn Baaxada ay leegtay in inta Killomitir ee lagu kordhiyano, waxanu sheegay in ay gabogabo ku dhawdahay dhamaystirka qaybtaasi Runwayga lagu kordhinayo.

madax11.jpg

madax12.jpg

madax13.jpg

madax14.jpg

madax15.jpg

madax16.jpg

madax17.jpg

madax18.jpg

madax19.jpg

madax20.jpg

madax21.jpg

madax22.jpg

madax23.jpg

madax24.jpg

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on July 13 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>