Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maxkamadda Gobolka Xukun ku ridday Nin Toorri ku dhaawacay Dadka.

Hargeysa(Hargeysa Online)Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa Sabtidii Maanta xukun ku ridday Nin Toorri (Toorray) ku dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah Culimada Somaliland, waxaanay Ninkaas Maxkamaddu ku xukuntay Siddeed sannadood oo Xadhig Xabsi ah.

Ninka maanta la xukumay ayaa bishii koowaad ee sanadkan Toorri ku dhuftay dhaawacyo ugu geystay Sheekh Maxamed Haybe, kaasoo xilligaas ku sugnaa khayriyada Hargeysa oo uu Galab Jimce ah kaga jiray ama ka jeedinayey Muxaadiro Diini ah.

Dhegisaysiga Dacwadda Ninkan Toorrayda ku dhaawacay Sheekha oo socotay wakhti toddoba bilood ku siman, ayaa maanta si rasmi ah ay Maxkamaddu u soo gebo-gabaysay, isla markaana ay go’aan ka gaadhay Xukunkiisa, kuna ridday xukun dhan Siddeed sannadood oo Xadhig ah.

Waxa kale oo ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ee magaalada Hargeysa Ninka ay Siddeedda sano ku xuntay intaas ugu dartay oo ay ku xukuntay Magta Nabarrada Sheekh Maxamed ka soo gaadhay Dhaawacyada uu Mindida Toorrida loo yaqaanno ee dalka lagu farsameeyo.

Xukunkan ay maanta Sabti ah Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ka gaadhay Ninkan Sheekh Maxamed Haybe Toorrida Dhaawacyada ku gaadhsiiyey, ayaa ku soo beegantay, Kiis Nin shalay fiidkii Toorri la galay Masaajid ku yaalla Xaafadda Sayladda oo ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, kaasoo dhaawacyo Toorrida ugu geystay Iimaamkii Masaajidkaas iyo saddex qof oo kale oo ku jiray markaas gudaha Masjidkaas.

Halista iyo Dhibaatada ay Mindida Toorrayda loo yaqaanno oo dalka gudihiisa lagu farsameeyo iyo kuwo aan Toorray ahayn oo dibedda laga soo dhoofiyaa-ba ay ku hayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Somaliland ayaa sii kordhaya, isla markaana ku soo badanaya magaalooyinka waa way nee dalka, taasoo ay dadka istila ama wax ka dhexeeyaan qaarkood isu isticmaalaan, waxaana taa ka sii daran in Tuugta magaalooyinku ay Hub ahaan u isticmaalaan Toorrida, Soodhadhka iyo Baangayaasha dalka gudihiisa lagu sameeyo oo ay dhibaatooyin ugu geystaan qofka ay qabtaan oo aanay Mindi waxaan ahaynba u isticmaalin.

Dhibaatada Hubka Fudud ee  waxaanay taasi keentay in dhawaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagu soo rogo go’aan ah inaan qof Toorri iyo Budh sita lagu dhex arki Karin gudaha magaalada, iyaga oo Ciidanka Booliska, Maamulka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaaladaasi iska kaashanaya, ayay dadka xataa Miyiga magaalada ka soo dhaadhacaya ama xoolaha wata waxay ku soo rogeen inay goobaha Booliska dhigaan Budhka iyo Toorrida ay sitaan oo aanay isticmaali Karin inta ay gudaha magaalada ku jiraan.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sannado ka hor marar kala duwan isku dayey inuu wax ka qabto halista Soodhadhka iyo Baangayaasha dalka lagu sameeyo oo ay sameeyaan Farsamo-yaqaanno Tumaalaha loogu yeedho, kuwaasoo ay digniino iyo inay kuwa ay sameeyeen ka ururiyaan isku dayeen markii ay badatay dhibaatada ay Tuugtu Shacabka magaalada Hargeysa ugu geysato Soodhadhka,  Baangayaasha iyo weliba Toorriyaha, haddana hindisahaas iyo hawl-galkaasi ma noqon mid guulaystay oo lagu najaxay ama xal loogu helay joojinta Samaynta Hubkaa halista badan ku haya Bulshada dalka Somaliland.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on July 14 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>