Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kenya oo baaraysa Saraakiil dambiyo geystay intii uu socday Howlgalkii Islii.

Dowladda Kenya ayaa baariays saraakiil booliiska Kenya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay geysteen ku kaceen falal ay ka mid yihiin; baad, jirdil iyo weerarro ula kac ah intii ay socdeen howlgalladii ay ka sameynayeen ciidamada Kenya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah xaafad ay dadka Soomaalida ah deggen yihiin.

Guddoomiyaha ciidamada baaritaankan sameynaya, Macharia Njeru ayaa sheegay Isniintii shalay ahayd in baaritaankan lagu sameynayo 29 sarkaal, kuwaasoo ay dacwooyinkood soo gubdiyeen xeer ilaalinta Kenya ay xuseen inay dacwooyinka loo haysto yihiin kuwo xaqiiqo ah.

Mr Njeru ayaa intaas ku daray in saraakiishan ay ka mid ahaayeen kuwii horkacayay howlgalkii loogu magac-daray Usalama Watch lagu tuhmayo in ay qaateen lacago baad ah oo u dhexeeya 1,000 illaa 20,000 oo Kenyan Shilling ah.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa lagu tuhmayaa inay dadkii ay qabqabteen u geysteen jir-dil xooggan, ayna ku xireen xabsiyada dalka Kenya iyagoo si adag u cadaadinaya.

"Saraakiishan waxay ahayd in xilli howlgallada ay ilaaliyaan in xad-gudubyo loo geysto dadka lasoo qabqabto iyagoo raacaya sida uu qabo dastuurka dalka Kenya," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen guddiga baaritaankan u xil-saaran.

Mr Njeru oo ka hadlayay halka warbixinta laga sii daayay ayaa ugu baaqay guddiga inay si dhaqso ah ku baaritaan ugu sameeyaan musuqmaasuqyada lagu soo eedeeyay saraakiishan howlgalka hoggaaminayay.

"Baaritaankan waa in si dhaqso ah loo sameeyo, waana in dhismayaashii ay howlgallada ka sameeyeen dadka ku nool wax laga weydiiyo arrintan; taasoo qayb ka ah si loo ogaado cunsuriyadda ay saraakiishan ku kaceen, waana in lasoo bandhigaa natiijada muddo 90-maalmood gudahood ah,” ayuu Njeru ku daray hadalkiisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: "Waa in baaritaanka uu qayb ka noqdaa in howlgalka sidii loogu talo-galay uu ku dhacay iyo in kale. Waana in la ogaado in dhibaatadii ay geysteen ciidamadii howlgalka waday ay ahayd mid ay fareen saraakiisha iyo in kale.”

Howlgallada ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo loogu talogalay in loo fuliyo si sharciga waafaqsan, iyadoo loo hoggaansamayo ixtiraamka sharciga iyo dhowrista xuquuqda aadanaha iyo weliba xuquuqaha aasaasiga ah ee uu dastuurku siinayo shacabka.

Dhanka kale, taliyaha booliiska Kenya ayaa sheegay in howlgalkooda ay ugu talo-galeen inuu ahaa mid ku dhaca si wanaagsan, saraakiishuna howlgalka hoggaaminayana ay noqdaan kuwo maamulkoodu hufan yahay, isagoo ku doodaya in howlgalka uu ahaa mid si wanaagsan ku dahacay intiisa badan.

Ugu dambeyn, Kimaiyo ayaa sheegay in sarkaalkii uu kusoo baxo dambi la xiriira kuwa lagu soo eedeeyay uu mudan doono, ganaax dhan 50,000 oo lacagta Kenya ah ama saddex sano oo xabsi ah ama labadaba.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on July 16 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired