Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dawladda Itoobiya ayaa lagu wadaa inay toddobaadkan furto xuduudka u dhaxeeya iyada iyo Somaliland.

Hargeysa(Hargeysa Online) Dawladda Itoobiya ayaa lagu wadaa inay toddobaadkan furto xuduudka u dhaxeeya iyada iyo Somaliland kadib markii ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Raysal wasaaraha Dalkaasi ku kulmeen xarunta Dalka Itoobiya.

 
Ilo wareedyo Muhiim ah ayaa Farriinnews.com u sheegay in la filayo 18-ka bishan July oo ku eegan Jimcaha ay Dawladda Itoobiya dib u furi doonto xuduudkeeda ay dhawaan u xidhatay sida ay Xukuumadda Somaliland sheegtay arrimo dhinaca Amaanka ah.
Ilo wareedku waxa uu sheegayaa in talaabadan la filayo in xadka lagu furaa ay ka dhalatay kulankii ay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaruhu yeesheen kuwaas oo ku heshiiyey inay wada shaqayn dhab ah ka yeelan doonaan arrimaha xidhiidhka labada Dal, isla markaana ay ka wada shaqayn doonaan sugida Amaanka iyo xidhiidhka dhinaca Ganacsiga.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay in uu Dawladda Itoobiya u balanqaaday in uu la shaqayn doono, iyadoo la filayo talaabada ugu horaysa ee ay Somaliland qaadi doonto si wada shaqayntaasi u hirgasho inay tahay fududaynta iyo sii daynta Bucsharadaha Transitka ah, kuwaas oo lagu soo heshiiyey shirkii labada dal ku yeesheen bishan magaaladda Diridhaba.
Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay u bandhigtay Madaxweyne Siilaanyo sababaha ay u xidhay xadka oo uu amaanku ugu weynaa in loo baahan yahay Somaliland inay xil iska saarto isla markaana waxa ka bedesho hanaanka wadashaqayneed ee labada Maamul, kuwaas oo ay ka muuqato inay ku timi debecsanaan baahsani.
Dawladda Itoobiya ayaa xadka ka hor joojisay Fiisayaashii lagu gali jiray Dalkeeda, taasoo ka dhalatay khilaaf maamul oo dhex maray madaxda Hay’addaha Somaliland qaarkood iyo masuulkii Qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa u qaabilsanaa bixinta fiisayaasha, kaasoo saamayn ku yeeshay xidhiidhka labada Dal.
Ka hor Dawladda Itoobiya ama Federalku waxay hakiyeen gaadiidka Xukuumadda Somaliland ee Dalkeeda ku gali jiray fasaxa, kadib markii ay soo baxeen sida la sheegay cabashooyin ka dhashay gaadiid badan oo dhinaca Kililka u talaabay, kuwaas oo ay kaxaysteen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo xidhiidh shaki abuuray la yeeshay maamulka Kililka shanaad.
Dareenada keenay xidhitaanka xadku waxay dhibaato weyn ku keeneen isku socodkii labada Dal, gaar ahaana dadka Reer Somaliland ee ay danuhu kaga xidhnaayeen dhinaca Itoobiya, kuwaas oo si weyn u dareemay hawl fududayntii ay ku gali jireen dalkaasi.
Isku soo duuboo Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaare Haile Mariam Deseleng waxay kulankoodii ugu danbeeyey iskula qaateen in dib loo saxo khaladaadka wiiqi kara wadashaqaynta labada Dal, waxaanay wararku sheegayaan Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya in uu balanqaaday fulinta wax kasta oo Somaliland uga baahato.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on July 17 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>