Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiyada Mucaaridku uma bisla Hanashada Hoggaanka Dalka!!

1.    Hordhac

Waxa beryahan dambe si is-daba joog ah u soo baxayey hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira dhalliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Xukuumadda kula dul kufayaan oo ay wadaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo shaqsiyaad iyagu Siyaasadda ku saaqiday oo si gurracan mansab u doonaya. Kooxahan huwanta ahi waxay yool iyo bartilmaameedba ka dhigteen Xaaladda Nabadgelyo ee Dalka iyo Haya’adaha u xilsaaran sugidda ammaanka Qaranka oo ay intaa belo iyo baas aan shacabku arkaynin ka sii saadaalinayaan. Madaxda iyo hawl-wadeennada raad-baradka ah ee Xisbiyada Mucaaridku had iyo jeer dhalliishooda kuma saleeyaan xaqiiq dhab ah iyo waaqici ay shacbigu uga garaabi karaan.

Waxa dhegaheena ka batay hadalo dhiillo, xaalad abuur iyo turxaanba leh oo ay si joogto ah ugu dhawaaqayaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo kooxo kale oo ay gacan-saar leeyihiin, kuwaasoo aad haatan moodo inay u soo tafa-xayteen duminta dalka iyo tafa-raaruqa bulshada. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado. “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.”

 

Waxaynu hadh iyo habeenba ka maqalnaa ama ka aragnaa noocyada kala duwan ee war-baahinta haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M/weynaha Qaranka iyo Qoyskiisa, Xukuumaddiisana lagu weerarayo. Hadallada noocan ahi waxay meel ka dhac, maan-gad iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee muwaadinka iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland.

 

3.      Xisbiyada Mucaaridka wixii laga sugayey iyo halkay ku sugan yihiin!?

 

Siyaasiga ay caqliga iyo aqoontu hagaan waa kii u tudha danta ummadda ee mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiya Dalka iyo Dadka, balse aan keliya ka fikirin dan shaqsi oo uu isagu leeyahay. Waa kii ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysiga, fidmo iyo xaalad-abuurka, iwm. Siyaasiga ay caqliga iyo aqoontu hagaan waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka ay leedahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo.

 

Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka ah. Waa Codbixiyeyaasha kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan. Xisbiyada Mucaaridka ah halkii ay horumarka dalka iyagu horseed ka noqon lahaydeen, waxa muuqata in iyaga laftoodu ay horumarkaba carqalad ku yihiin. Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo kii garan kara miisaanka uu leeyahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo. Codbixiyeyaashu waxay naawilayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo dulqaataha iyo adeecaha Maanta. 

 

Haddaba, weli iyadoon doorasho madaxtooyo iyo mid barlemaan midnaba la gaadhin, ayaa waxaad mooddaa in Xisbiyada Mucaaridku ay quus iyo rajo-la’aan ka taagan yihiin inay hantaan amaba ay helaan kalsoonida aqlabiyadda shacbiga oo ay ku aaminaan talada iyo hoggaanka dalka. Dhinaca kale, Wax-qabadka baaxadda leh ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo wuxuu khal-khal iyo jaah-wareer siyaasadeed ku riday Xisbiyada Mucaaridka ah, kuwaasoo run ahaantii ay ka muuqato kalsooni darro iyo rajo la’aan weyni.

 

3.      Xukuumaddu waxay Dalka ka saartay go’doonkii uu ku jiaray 

 

 M/weyne Silaanyo waxa uu go’aansaday inuu la yimaado Siyaasad cusub oo fur-furan oo ku dhac iyo ku dhiirashoba leh taasoo dalka iyo dakaba u horseedi karta wax kasta oo magac, mansab, maamuus iyo manfacba u leh. Sidoo kale waxa uu arkay sida ay lagama-maarmaan u tahay inuu la yimaado Siyaasad ay ka go’antahay inay ka dhiidhido wax kasta oo wax u dhimaya magaca, milgaha iyo meeqaamka dalka iyo dadkaba. Hadafka iyo Himilada haga Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam.Somaliland wuxuu ku salaysan yahay wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi.

 

Waxa quman in Xisbiyada Mucaaridku ay fahmaan in Awoodaha Distooriga ah ee Qaranka JSL ay si cad oo qeexan u kala qaybsan yihiin. Xisbiyada Mucaaridka ahi ma laha xaqa hoggaaminta iyo xulidda xubnaha danaha Qaranka JSL uga qayb gelaya shirarka kala duwan. Arrintaa iyada ah maaha miday meeli uga bannaantahay Mucaaridka iyo kooxo kale oo iyagu had iyo jeer guluf ugu jira inay ummadda ka dhex abuuraan jaah-wareer iyo qas. Ummaddu waxay hoggaanka iyo hagitaanka Qaranka u doorteen M/weyne Ahmed Silaanyo iyo M/w/k/x C/raxmaan Saylici iyo Xukuumadda ay hogaamiyaan, iyagaana awood Distooriya u haysta oo ay ummaddu kala xisaabtamaysa wixii dheef ama dhalliil ah ee ka dhasha hoggaamintooda.

 

Hadda ka hor, Bulshada caalamkana in badan oo ka mid ah ayaa waxay isku qaldi jireen Jam. Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana u haystay in Jam. Somaliland weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna illaa hadda jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray. Faylka Jam. Somaliland wuxuu ku dhex jiray Fayla Soomaaliya, marka ay beesha caalamku ka hadalayso JSL waxa laga hadli jiray Soomaaliya. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku guulaysatay inay Faylkii JSL ay ka dhex saarto ka Soomaaliya, beesha caalamkana waxay ka dhaadhicisay kuna qanciso inaan dunidu isku qaldin  JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwan marka dhan kastaba la eego; taariikh ahaan, ummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba.

 

Xisbiyada Mucaaridka ahi yaanay waxba cuqdad ka qaadin tallaabooyinka iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ka soo hoysay xagga Siyaasadda Arrimaha Dibedda. Xukuumaddani waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Garowshiiyo uga Hesho Beesha Caalamka. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda Dunida ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.   

 

4.    Gabagabo:

Shacabka qiimaha leh ee JSL garaadkoodu wuu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay ku jaah-wareeriyaan waxaan iyaga dani ugu jirin. Bulshada JSL ee nabadda iyo horumarkaba jeceli si weyn bay u arkaan ulana socdaan kooxaha mar walba iyagu xumaanta u tafa-xaydan ee mar walba dedaalka ugu jira inay Xukuumadda M/weyne Axmed Siilaanyo ay xagal-daaciyaan oo guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddiisu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac.  

 

Xad-gudubka iyo af-lagaadada shaqsiga ah, sida qallafsan ee anshaxa ka baxsan ee ay u dhaqmayaan qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta raad-baradka ah ee Xisbiyada Mucaaridka, nacaybka beelaysan iyo cadaawadda shakhsiga ku salaysan ee ka muuqata, dareen aafo-bulsho dhalin kara oo ay ummadda kula dhex wareegayaan; waxaabad mooddaa in cadawga Jam. Somaliland aanu u baahnayn inuu sir-doon iyo basaasiin u soo dirto Somaliland, waayo iyagaaba hawlahaa si fiican ugu qabta, oo si dadban iyo si toos ahba u gudbiya una fashiliya sir iyo xog kasta oo ay leeyihiin Qaranka iyo Ummadda Jam. Somaliland.

 

Guntii iyo gebagabadii, hanka iyo hamuumta Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya laguma hanan karo cay, aflagaado iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Tubta ay haatan hayaan Xisbiyada Mucaaridku ee JSL maaha mid marnaba u horseedaysa inay ku gaadhaan hadafka iyo yoolka-kursi-doon ee ay leeyihiin.

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

 

 

 

 

JSL: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

W/Q:  Eng.  Hussein Adan Igeh||Hussein Deyr|Birmingham, United Kingdom|

 

· ifraax on July 21 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired