Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Waxgaradka Gobalka Togdheer Oo Canbareyay Dowladda Hoose.

Shir-Jaraid Oo ay Habeenkii Xalay ahaa Magaladda Burco ku qabteen saladiinta,cuqaasha,dhalinyarada iyo waayelka gobalka togdheer ayaa cod midaysan ku Canbareyay dowladda hoose burco oo iibinaysa xarunta basket-bolka sheikh bashiir burco.

Shirkani Jaraid ayaa Waxa Goob joog ka ahaa Suldaan Maxamed Muse Cune Oo ka Mid ah Saladiinta Waawayn Ee Gobalka Togdheer,Xoghayaha Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Xisbiga Wadani Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani,Gudomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Togdheer Aamina Saado,Cuqaal,Dhalinyaro iyo Waliba Dadkii Uu ka Soo Jeeday Halgamaa Sheikh Bashiir.

Ugu Horraynba Waxa Shirkaasi Jaraid ka Hadlau Axmed Xuseen Buraale Oo ku Hadlayay Afka Waxgaradka ah Ee Gobalka Togdheer Waxaanu Maayirka Degmada Burco iyo ku Xigenkiisaba ku Eedeyay inay iibiyeen Xarunta Basketbolka Sheikh Burco.

Waxaana ka mid ahaa hadalidisii ” Caawa waxaanu shirkan jaraid u qabanay in aanu canbarayno oo aanu ka hadalno xildhibanadii cusbaa ee aanu soo dooranay oo iibinaya xaruntii kaliya ee ay dhalinyaradda gobalka togdheer ay ku ciyaari jireen kubadda,waxaanu leenahay hadii ay ina muraad iyo xoday ka noqon wayaan talabadaasi waxaanu anaguna qaadaynaa wixii wajibkayaga ah,wixii dhacana anagu kama masuul nihin,Madaxwaynaha waxaan leeyahay madaxwayne qoladii dowladda hoose ina muraad waxa uu noola yimi warqad uu yidhi madaxwaynaha ayaa isoo saxeexay in aan iibiyee anaguna waxaanu Aaminsanahay madaxwayne in aanay sidaasi sharaftaada ahayne,Madaxwayne waxaanu kuu shegaynaa in golihii degaanka burco ay noqdeen shufto dhacaysa umaddi reer burco ee ka soo gaadh ayaanu ku leenahay madaxwayne” Ayuu Yidhi Axmed Xuseen Buraale

C/Raxmaan Cali Oo isaguna ku Hadlayay Afka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer Oo isaguna shirkaasi jaraid ka hadlay ayaa Masuliyinta Dowladda hoose burco ku tilmaamay kuwo usoo shaqo tagay dhulkii danta guud oo aan ka Fekerayn horumarkii degmadda burco.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Anigoo ku hadlaya afka dhalinyaradda ciyaartoyga togdheer waxaanu canbaraynaynaa talada wixiishnimada ah ee ay qadeen maayir muraad iyo ku xigenkiisu Mr Xoday oo aanu leenahay dantiina ayuunbaydun ka Fekerteene tii degmadda kamaydaan fekerin,Maanta dhalinyaradda reer burco waxay haysteen oo kaliya garoonka sheikh bashiir oo ay ku ciyaari jireen kubadda basketbolka waa Nasiib darro in dhalinyaradda laga iibiyo garoonkii ay ku ciyaari jireen,hadii ay taasi dhabowdana hadii aanu nahay dhalinyarada gobalka togdheer oo midaysan waxaanu dhigi donaa mudaharadyo iyo banaanbaxyo waawayn,Hadii aanu nahay dhalinyaradda waxaanu rajo ka qabnay in naloo sameeyo garoono aanu ku ciyaarno lakiin nasiib darro kii kaliya ee aanu ku ciyaari jirnay ayay dowladii hoose iibsanaysaa,Xildhibanadd cusub ee golaha degaanka burco wax alaale iyo wax ay horumarka degmadda ku soo kordhiyeen ma jirto golihii hore ee degaanka ayaa waxqabadii ay ku talabsadeen ayay golaha cusub ee degaanka burco ay imika burush la daba fadhiyaan,hadii aanu nahay dhalinyarada togdheer waxaanu uga digaynaa Maayirka iyo ku Xigenkiisaba inay talabaas dib ugu noqdaan hadii kalana waxaanu leenahay anaga ayaa idin soo dooranaye imika waanu idin ridaynaa” ayuu yidhi C/Raxmaan Cali

Aamina Xasan Samatar (Aamina Saado) Oo ah Gudomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Wadani Togdheer Oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa dhaliilo ba-an usoo jeedisay masuliyinta dowladda hoose burco oo ay ku Eedeysay inay Boob ku Hayaan Hantidii Ummadda.

Waxaana ka Mid ahaa hadalededii Sida Tan ” Waxaynu Wada Ognahay in Xisbiga Taladda Haya Ee Kulmiye Uu gobalka togdheer ku samaynayo tacadii Aad u Badan Oo Faragaliyay Hantidii Ummadda Xarashayana Meel Kasta Oo ay Dowladdu Lahayd,Waxaan Aad iyo Aad uga Digayaa Wixii Aanu Aad Uga Cararaynay Ee Aanu Xisbiga Kulmiye markii horre ku ahayn oo ahayd in aanu cadalad helno,lakiin kulmiye maanta dalkii oo dhan boob iyo dhac ayuu ku soo kordhiyay,Waxaan Mar Labaad ka Digayaa in hadii xisbiga kulmiye faraha kala bixi waayo Boobka Uu ku Hayo Hantidii Ummadda Uu Joojin waayo inay gobaladda dalka oo dhan ay ka dhici donaan wax ka xuni,Dowladdu Hantidda Gobalka Togdheer Faraha Ha Kala Baxdo Oo Maayirka ay Dibadda ka Riixayaan Ee ay Leeyihiin iibi ay Joojiyeen Hadii kala iyaga ayaa ka masuul ah wixii dhaca,reer burco marnaba aqbali mayaan in hantidii umadda la boobo oo ay dad gaar ahi ka taajiraan,Dowladda Hoose Faraha Hakala Baxdo Garoonka Basketbolka Sheikh Bashiir,Onodka,Taaladda Sheikh Bashiir,injida Faraha Kala Baxdo,Womens Clup-ka Dowladda Hoose Faraha Kala Baxdo,Waxaanu ognahay inuu Maayir ina muraad iyo ku Xigenkiisuba Xoday ay Meel Kasta Gobalkii Togdheer Faraha ay Kula Jiraan Doonayaana inay Xarashaan Oo ay Lacagta Cunaan” Ayay Tidhi Aamino Saado

Xoghayaha Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Ee Xisbiga Mucaradka ah Ee Wadani Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) Oo iyaduna dhankeed halkaasi ka hadashay ayaa shegtay inay shacabka reer togdheer ay ku Hungobeen Dorashadii Xisbiga Kulmiye isla Markaasna Uu Xisbiga Kulmiye Dalka u Horseeday Musuq-Maasuq iyo Qaraabo Kiil.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalededii Sida Tan ” Xukumadda Maanta Jirtaa Wa Xukumadii aynu ku Dooranay Codka 80 % Codka Ugu Badanina Waxay ka heshay Gobalada Bariga,Run ahaantii Waxa ayaan darro ah oo aan la qaadin karin Taladii Sheikh Bashiir Ee Uu Dhisay Madaxwayne Siyaad Barre Oo aynu u Naqaanay Dhiigyo Cab Uu isagu Dhisay inuu Maanta iibiyo Madaxwayne Siilanyo Waa Wax Lala Yaabo,Waxa Kale Oo Nasiib Darro in Halkii aynu ka Sugaynay Garoono Casri inay Maanta Dowladii iibinayso Garoonkii Basketbolka Sheikh Bashiir Oo ay ka Tagtay Dowladii Siyaad Barre,Bila Rafle Markii Uu Maayirka ka ahaa Magaladda burco Taalada Sheikh Bashiir Waa Banaanayd isagaa dayray oo Hagaajiyay,Bila Rafle isaga ayaa Hirgaliyay Garoonka Kubadda Kolayga Ee Sheikh Bashiir,Xukumadda Kulmiye Maaha Xukumadii Tan Burco Oo Kaliya kaTaagan Samaysay,Waxaynu Xasuusanahay UFO 1982 Markii Dhalinyaraddu Dhagax-Tuurka Sameyeen Ciidankii Gaani Ee Joogay Wakhtigaas waxay ku sameyeen xasuuq aan la soo koobi karin,waxa ka dhignayd 2012 maalintii dorashadii Baabal Khiyaamka ahayd ka dhacday dalka ee golaha degaanku Xasuqii Lagu Sameyay Dadwaynaha Xaafadda Axmed Dhagax Oo Aan Madaxtoyadda Waxba u Jirin Oo Dhigii Dhalinyaradda Halkaas Lagu Qubay,Madaxwayne Silanyo iyo Xukumadiisa Way Sharaxan Yihiin Hadana Waxay Samaynayaan Cidhib jaris aad moodo inay anba baxayaan,Waa Ceeb Dhulkii Bila Rafle ka Xishoday oo ilaa siyaad barre ka xishoday Oo Daahir Riyaale Oo Aanu Lahayn Dalkii ayuu Cunay uu iskaga Tagay Waar Reer Kulmiyow Siday idiinku Cuntantay idinka Oo Aad isku Reer ka Soo Jedaan,Taladda Sheikh Bashiir Waxba Looma Qabanin Oo imika Qashinka ayaa Lagu Qubaaba Taasi Waxay Muujinaysaa in Aanay Xukumada Kulmiye Dalkaba Dan ka Lahayne ay ku Fekerayso Oo Kaliya Sidii ay Jeebka Lacag Ugu Buuxsan Lahayd,Waxa Mudnayd in Taladda Sheikh Bashiir Xusus Loo Qabto Maadama Uu ahaa Mujaahid usoo Halgamay Dalka,Xukumadda Kulmiye Xagay ka Sharaxan Tahay ilayn Waa Kuwan ka Dhex Baxay Umadiiye ” Ayay Tidhi Marwo Hinda Jaamac Xirsi, (Gaani)

Suldaanka Gobalka Togdheer Suldaan Maxamed Muuse Cune Oo Gaba-Gabadii Soo Afmeeray Kulankaasi ayaa Eedayn Baladhan usoo Jeediyay Xukumada Madaxwayne Silanyo Oo Uu Shegay in Aanay Dalka ka Talin Cidii Loo Doortay Hogaanka Dalka.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Suldaanka Sida Tan ” Waa ilaahay Mahadii Caawa Bulshadii Burco Oo Aan Caawa Beel Kaliya ahayn Balse ah Burco Oo Dhan,Marka Hore Madaxwaynaha Waxaan Xasuusinayaa Afurkii Uu ku Qabtay London Waxa Uu shegay inuu Cafinayo Cidii Wax ka Qortay Cafimadkiisa Gaar ahaana Saxafadda Waxaan Maqlay Waxa la Xidhay Tifaftirihii Baligubadle Media Waxaan leeyahay Madaxwaynuhu Waxbuu Saamaxaaye Yaan Saamaxadda Laga Xumaynin,ilaahay Quraankiisa Waxyaabo Badan ayuu Kaga Hadlay Waxaynu aragnay iyo Wax ino Danbeeyaba Ummadda hadii uu Danbigoodu Bato Waxa Uu ilaahay ku Salidaa Mid Madax ah Oo Dhigooda iyo Naftoodaba Xalaashadda Maalkodana Qaata,isagana waxa Uu ilaahay ku Salidaa Kuwii Uu Xukumayay Oo ka Wada Daba Qayliya,Waxaan Filayaa inuu Danbigenii Batay Waayo Waxaan Tusaale usoo Qaadanayaa Waxaynu Gole Degaan u Dooranay 21 Xildhiban Waxaynu u Dooranay inay ka Shaqeeyaan Nafadda iyo Bilicda Magaladda,Maanta waxaynu ognahay in la iibinayo Hantidii umadda ee maguraanka ahayd ,Waa Xaaran in la Boobo Oo la Iibiyo Hantidii Umada Lama Iibin karo Hantadda Umadda Waanu ka Degalamaynaa Oo Yeeli Mayno in Hantidii Umadda la iska Xarasho,Qoladii Dowladda Hoose Malaa Waxay u iibiyaan Hantidii Umadda Markii Magaladi oo dhan Dayn Lagaga Wada Yeeshay Oo Lacagtii ay Horre ugu Warejiyeen Golihii Degaankii Horre ay Dhamaantedba ay Baabiyeen,Xildhibanadii Golaha Degaanku Weerar Xoogan ayay ku soo qadeen hantidii dadwaynaha waxaynu ognahay wadooyinkii ay sameyeen oo uu imikka daad fadhiistay,Reer Burco Magaca ma Waayaan Markiiba Waxay u Bixiyeen Bali Muraad,Waxaan Ugu Baaqayaa Maayirka ina Muraad iyo ku Xigenkiisaba Xoday inay Si Degdeg ah isku Casilaan Sababta Oo ah Way ku Fashilmeen Shaqadii Lo Doortay,Hadii ay Mayirka iyo ku Xigenkiisuba ay ka Laaban Waayan Talabadaasi Waxaan Ugu Baqayaa Dhalinyaradda Gobalka inay Mudaharaad Salmi ah ay ka Hordhigaan Afaafka Hore Ee xarunta Dowladda Hoose ” Ayuu Yidhi Suldaan Maxamed Muuse Cune


Ugu Danbayntii Talabadani ay Masuliyinta Dowladda Hoose Ee Degmadda Burco ay ku Iibiyeen Dhulkii Danta Guud ayaa iyadu ah Mid ku Cusub Dalka waxaanay Tusaale u Tahay Hadii ay ku Gulaystaan Golaha Degaanka inay iibiyeen dhulka Danta Guud in Golayasha Degaanka Ee Gobalada Kale Ee Dalkana ay iyaguna ay Xarashaan Dhulkii Danta Guud.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on July 31 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>