Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xuk. M-weyne Silaanyo waxay ku dhiirratay Arrimo ay Xukuumadihii ka horreeyey ku-dhici-waayeen! (Qayb. 2-aad)

Sida aad ka dhadhansan karto Cinwaanka Maqaalkaygan, waxaan si buuxda u aaminsanahay in Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ay ku dhiirratay arrimo iyo tallaabooyin badan oo hore loogu dhici waayey amaba arrimo hadda ka hor loo arkayey in aanay suurtogal ahayn in laga midho dhaliyo. Waan fahmi karaa inaan dadka qaar igu raacsanayn  aragtidaydan, balse waa arrin u baahan is-qancin iyo qiraal la isku qiro wixii xaqiiqada ah. Arrimo indhaha bulshada oo dhammi ay arkayaana muran ma geli karaan. Haddaba, dadka ku doodaya inaan Xukuumaddani waxba qaban, waxaa looga baahan yahay inay si cilmiyeysan oo lexejeclo iyo dal-jacayl ku jiro ay u naqdiyaan una iftiimiyaan meelaha ay Xukuumaddan ku dhalliilayaan isla markaana ay ummadda u soo bandhigaan waxay iyagu ku dhaami lahaayeen Xukuumadda hadda jirta. Looma baahna indho-adayg iyo hadallo bulshada naxli ku dhex beeraya oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo.

 

Maqaalkaygan Qaybtiisii 1-aad waxaan ku soo bandhigay Saddex (3) Arrimood oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay kuwaasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen, kuwaasoo ah:

1)    Korodhka Miisaaniyadda Qaranka,

2)  Siyaasad Arrimo Dibadeed oo ku dhac leh,

3)  Bixinta Derajada Ciidamada Qaranka,

 

Qaybtai 2-aad ee Maqaalkan waxaan ku soo bandhigayaa Laba (2) Arrimood oo kale oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay kuwaasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen:

 

  1. 1.     Xukuumaddu waxay kor u qaaday Hanka iyo Himilada Dhallinyarada JSL. 
  2. 2.    Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka. 

 

 

  1. 1.   Xukuumaddu waxay kor u qaaday Hanka iyo Himilada Dhallinyarada JSL:

 

Ummad walba horumarkeeda waxaa door muhiim ah ka qaata oo saldhig u ah kolba siday u daryeelaan ee ay ugu dedaalaan horumarinta Da’yarta iyo Dhallinyarada. Waayo, iyagaa ah Mustaqbalkii iyo Aayihii ummadda ee berrito. Da’yarta iyo Dhallinyaradu waa difaacayaashii Qaranka ee berrito, waa Barayaashii berrito, waa Dhakhaatiirtii berrito, waa Garyaqaannadii berrito, waa Cashuur-bixiyeyaashii berrito, waa Dal-dhisayaashii berrito, waa..., waa...., waa Madaxdii iyo Hoggaamiyeyaashii berrito. Ummaddii Da’yarteeda iyo Dhallinyaradeeda hagrataa, waxa hubaal ah inay hagradeen Aaayihii iyo Udub-dhexaadkii dalka iyo dadka ee berrito.

 

Dhallinyarada Jam.Somaliland waxay u dhabar-adaygeen duruufo nololeed oo aad u qallafsan, iyagoo marwalba muujinayey samir, dulqaad iyo dedaal ay kolba wixii noloshu baddo isku dayayeen inay sida ugu habboon  kaga gudbaan. Dhallinyarada Jam.Somaliland iyagoo ku nool gobol ay ku gedaaman yihiin colaado iyo khataro kale oo halis ku ah jiritaanka da’yarta (sida: xag-jirnimda, arga-gixisada, budh-cad badeedda, tahriibta, iwm) ayaa haddana waxay ku guulaysteen inay gebi ahaanba ka dhawrsadaan u hanqaltaagga dariiqyada ku aroora halaagga iyo lugooyada da’yarta. Waxay iimaansadeen oo ku qanceen ahaanshahooda ummadnimo waxayna aamineen ciiddooda iyo Calankooda Tawxiidka leh. 

 

Wax lagu tabco waxa ugu muhiimsan da’yarta iyo jiilka dambe ee dalkan berri u hadhaya!! Hadda ka hor, Xukuumadahii talada dalka isaga dambeeyey iskuma ay howlin inay Da’yarta iyo Dhalinyarada u dejiyaan Qorshe iyo Jangooyo Qaran oo ku wajahan Mustaqbalka dambe ee jiilka cusub. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ka hor, qofka kasta oo dhallinyaro ah oo jecel inuu shirrabo ama ka midho-dhaliyo hankiisa iyo hammigiisa siyaasadeed, marka qof isaga ka weyn oo uu biday waayo-aragnimo ama wax-aqoon uu is-yidhaahdo wax-weydiin ogaal iyo su’aalo la xidhiidha xagga arrimaha siyaasadda ka warayso; jawaabaha ka fiirsasho la’aan ay dadka waaweyni diyaarka la ahaayeen ee badaanaba dhallinyarada dhegahooda ku soo dhici jiray waxa ka mid ahaa: “Adeer weli waad da’ yartehee siyaasadda ha ku mil-min! Wax iska baro ama haya’dahaa shaqo ka raadso! Adeer siyaasaddu way xuntehee waqtigaaga iyo mustaqbalkaaga ha isaga luminin!!”

 

Ka hor Xukuumaddda M/weyne Ahmed Silaanyo, waxay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan laba haweysan karin in dhallinyaradu ay si muuqata uga qayb qaataan arrimaha siyaasadda. Talada dalka oo ay ka qayb galaan hadalkeedba daaye! Dhallinyarada Jam. Somaliland way ka rejo dhigeen, haabkana kumay hayn inay beryahan iyo beryahan wax fursad ah u heli doonaan inay xisbiyo iyo ururro siyaasadeed ka qayb qataan, iska soo sharrixi karaan amaba loo dooran doono inay qabtaan xil bulsho oo culus oo distoori ah, sida mudane ka tirsan Golaha Sharci Dejinta Degaanka.

 

Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ee hadda talada haysa ka hor, waxay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan la hawaysan karin in la arko dhalllinyaro da’yar oo Qaranka ka haya Xilal iyo masuuliyado culus. Xagga horumarka iyo ka qayb-galka siyaasadda ama talada Qaranka waxa  Dhallinyarada ka xigay derbi weyn iyo xannibaado aanay ka gudbi karin. Dadka da’da weyn ee weligoodba iyagu talada Qaranka hoggaaminayey kumay talo gelin, qorshahana uguma jirin haba yaraatee in Dhallinyaradu ay beryahan aga-gaarkooda ka so dhawaadaan, waayo dantooda ayaan sidaasi ku jirin. Dabarkii iyo Xakamihii Dhallinyarada ku xidhnaa ee ka horjoogay inay talada dalka wax ku yeeshaan waxaa ka furay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo taasoo ay Dhallinyaradu u hayaan abaal raaga iyo mahadnaq aan xad lahayn. Waana Tallaabo Geesinnimo leh oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay taasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen.

 

2.  Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka: 

 

Waddooyinka iyo Madaarradu ma aha oo keliya inay qayb muhiim ah ka qaataan koboca iyo horumarka dhaqaalaha uu Dal leeyahay, balse waxa kale oo ay fududeeyaan isu-socodka, is-dhex-galka, is-fahanka, wax-is-dhaafsiga iyo is-kaashiga bulshada Dalkaasi ku dhaqan iyo weliba bulshooyinka kale ee ku nool Waddamada deriska ah. Waddooyinka iyo Madaarradu waxay lagama maarmaan u yihiin dhinacyo badan oo saamayn ku leh xagga horumarka uu aadamahu hiigsanayo. Waddooyinka iyo Madaarradu waxay kor u qaadaan oo ay wanaajiyaan tayada nolosha bulshada, waxay kordhiyaan awoodda wax-soo-saarka iyo ganacsiga u dhexeeya bulshada, waxa kordha wax-soo-saarka warshadaha, beeraha, qalabka dhismaha iyo adeegyada kale ee la xidhiidha. Waddooyinka iyo Madaarradu waxa kale oo ay kobciyaan fursadaha shaqo ee uu muwaadinku ka heli karo dalkiisa.

 

Waddooyinka iyo Madaarradu waxay muwaadinka u horseedaan xorriyad iyo madax-bannaani uu u safri karo kuna noolaan karo meel kasta oo uu doono. Waddo iyo Madaarro xumaantu waxay caqabad weyn ku yihiin Ganacsiga xorta ah, wax-soo-saarka iyo isu-socodka bulshada. Laakiin marka ay jiraan Waddooyin iyo Madaarro wanaagsani waxa fududaada isu-socodka iyo wax-is-dhaafsiga bulshada, waxana si toos ah ula kordha dakhliga Dalka u soo xerooda.

 

Markii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo talada dalka la wareegtay, waxay dareentay baahida weyn ee loo qabo iyo faa’iidada ay Dalkeenna u leeyihiin dhismaha Waddooyinka iyo Madaarradu. Si arrintaa looga midha-dhaliyana waxay Xukuumaddu la timid hannaan talo-wadaag iyo iskaashi dhex mara shacab-weynaha Jam. Somaliland iyo Xukuumadda. Arrintani waxay dhiirri-gelisay in si wada-jir ah loo waajaho hawlaha iyo danaha bulshada oo dhan faa’iidada u leh. Nidaamkan wax wadaqabsi ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ayaa ah mid lagu dhammaystiri karo hawlo badan oo qabyo noqon lahaa ama keli ku noqon lahaa Xukuumadda oo ayna haynteedu buurnayn. Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka iyo Madaarradu waa Tallaabo Geesinnimo leh oo ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku dhiirratay taasoo ay Xukuumadihii ka horrreyey ku-dhici-waayeen.

 

3.  Gabagabo:

Isbeddelka dhabta ahi waa kii Rejo iyo Yididiilo geliya, isla markaana Cod u yeela qaybo muhiim ah oo bulshada ka mid ah oo aan Codkooda hore loo maqli jirin. Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xisbul Xaakimkuba ku ballan qaadeen ayaa haa: “In ay dhallinyaradu talada dalka qayb weyn ku yeeshaan, oo ay heer kasta oo maamulka dawliga ahba si mug leh uga muuqdaan”. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay si xurmo iyo xarragoba leh u fulisay ballan-qaadkii ay la gashay Dhallinyarada. Xukuumaddu waxay suurto gelisay arrin mucjiso ku ah Qaaradda Afrika. Waxay suurto-gelisay inuu dhasho Kacaan Dhalinyaro oo ku yimid Dimuqraadiyad iyo rabitaanka shacabka.

 

Waxaa nasiib wanaag iyo wax aad loogu farxoba ah Waaga-Cusub ee u beryey Dhallinyarada Jam.Somaliland. Run ahaantiina waxa abaal iyo ammaanba mudan Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Axmed Silaanyo dhiirri-galisay in hanka iyo himilada dhalinyaradu uu kor u koco, kaasoo ah isbeddel dhab ah oo la taaban karo oo dalka oo dhan ka hirgalay. Inta taariikhda la ogyahay, mar haddii ay masuuliyiintii ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda Jam. Somaliland ay talada dalka heer Qaran, heer Gobol iyo heer Degmoba ay si buuxda uga qaybqaateen iyagoo cod iyo kalsooniba ka helay Xukuumadda iyo shacabkooda, miyaanu dhicin isbeddel la yaab leh oo ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo horseed ka tahay!!

 

Hadalladaa xanafta leh ee had iyo jeer warbaahinta lala horfadhiyo waxay salka ku hayeen dhalliilo iyo dhaleeco aan dhab ahaan jirin waxayna bulshada ku abuurayaan xiqdi, tafaraaruq iyo isku dhac. Waa hadallo salka ku haya xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Kooxahani waxay mar walba u tafa-xaydan yihiin dedaal joogto ahna ugu jiraan in guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac, dalkuna uu ku jiro xaalad khatar ah oo loo baahanyahay in la bedbaadiyo.

 

Guntii iyo gabadebadii, kooxaha iyagu ku xajiimooda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha ee had iyo jeer waxaan daliil iyo markhaati midnaba lahayn intaa Xukuumaddan ku dhalliilaya, waxaa looga fadhiyaa inay ummadda u soo bandhigaan waxay iyagu ku dhaami lahaayeen Xukuumadda hadda talada haysa. Looma baahna indho-adayg iyo hadallo bulshada naxli iyo tafa-raaruq ku dhex abuuraya oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo.

 

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|

 

(…..La Soco qaybaha dambe ee Maqaalkan Taxanaha ah, INSHA ALLAH)

· xaaji on August 02 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>