Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Baaq nabadeed kuna saabsan mashruuca Xidhidda Banka Qoolcada.

Bismillaahi Arramanirraxeem. ummada reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Ujeeddo: Baaq nabadeed.

Ka: jaalliyada deggen dalka Ingiriiska ee ka soo jeeda caasimadda Somaliland Hargeysa iyo barigeeda iyo koonfurteeda.

Ku: Dawlada Somaliland.

Og: golayaasha qaranka.

Og: Xisbiyada qaranka.

Og: Shacabka reer Somaliland.


Taariikh: 12/8/2014


Aniga oo ku hadlaya magaca jaalliyada kor ku xusan waxaanu baaqan u dirayna qaranka Somaliland,kaas oo ku saabsan  Arrinta Mashruuca xayiraadda banka Qoolcaday oo beryahan warbaahinta ku badnaa kana muuqato isla faham-la,aan oo aanay ku qancin dadka reer Somaliland ee xoolaha dalka ugu tabcaya kuna dhaqan deegaankaas,dawladdana ay ka muuqato sidii ay awood ugu muquunin lahayd,taas oo laga dhaxli karo cawaaqib xumo fool xun,waxaynu ognay dadka reer Somaliland ee nabadda jecel in aanay oggolayn dawlad u awood sheegata,awoodda dawladeed waxay shaqaysaa marka ay nabadda ilaaliso ,waxaanu ka tiiraanyasany is faham la,aanta ka muuqda  dawlada iyo shacabkeeda,

Waxaa jirtay in uu dadka deegaankaas ku dhaqan ay qani ku ahaayeen xoolaha nool wixii ka horreeyey toddobaatanadii, dabadeed waxaa dhacay in ay dawladii dhibaatada badnayd ee shacabka reer Somaliland xasuuqday ee Siyad Barre hogaaminaayey ay oodatay Banka Qoolcaday oo xoolo dhaqatadii xoog ciidan lagu muquuniyey laguna bara kiciyey iyada oo waliba ay balan ugu qaaday in dadka deegaanka iyo xoolahooda lagu xanaanayn doono arrintaas oo beenoowday, maxaa ka dambeeyey? in ay hoos u dhaceen xoolihii deegaanka ku noolaa oo reerkii laba boqol oo adhiya iyo boqol geela haystay ay waayeen meel ay daajiyaan waxaanay xoolihii isugu soo urureen xayn tiro yar oo adhiya iyo dhawr halaad oo  meel yar oo beer ahaan loo wageeray dhex jooga.

Maxaa xigay?markii la jabiyey dawladii dhibaatada badnayd ee Siyad Barre  , waxaa seerihii bannaystay dadkii xoolo dhaqatada ahaa markii ay xorriyaddoodii heleen,waxaanay taasi keentay in hoos u dhacii xooluhu kor u soo kacay oo adhigii halkiisii ayuu ku soo noqday geeliina 50% ayuu kor u soo kacay.


 Waxa aanu shaki ku jirin haddii Banka Qoolcaday la xidho, sidii  kelidii taliskii Siyad Barre in aanay wax faa,iido ahi ugu jirin dadka iyo xoolaha Alle deegaankaas ku abuuray iyo deegaannada kale ee la manaafacaadsada midnaba, waxaanay dabar gayn ku tahay xoolo dhaqatada iyo xoolaha ay ku tabcayaan ee dalku leeyahay,haddii la bara kiciyo dadka iyo xoolaha waxa dhici doonta in ay xooluhu dabar go,ayaan dadkuna magaalooyinka gali doonaan , taas oo saamayn baaxad leh ku yeelanaysa dhaqaalaha dalka Somaliland kuna keenaysa dibu dhac,  isla maraakana waxaa habboon in si taxaddir leh looga fiirsado wada tashina lagu dhammeeyo iyo in la is  qanciyo caqligana la isticmaalo lagana dheeraado wixii dhibaato keeni kara.


Waxaanu soo jeedinayna in ay dawladu tix geliso rabitaanka dadka xoolo dhaqatada ah, taas oo ay ku jirto danta dalka iyo dadkiisa,iyo in haddii dadka iyo xoolaha wax loo qabanayo loo sameeyo adeegyada asaasiga ah ee aan  deegaanka gaadhin sida biyaha oo aanu nooluhu ka maaarmin waana sida uu Ilaahay inoogu sheegay qur,aanka ee ah "waxaanu ka dhignay biyaha in ay wax walba nooleeyaan" isla markaas haddii ay dadka deegaankaas deggen helaan biyo ku filan waxay samayn karaan wax soosaar waxay ku naaxin doonaan xoolohooda,caafimaadka isla markaana iyaga oo degen oo aan la barakicin la maal geliyo dhibaatada haysana ay wax kala qabato dawladu haddii loo danaynayo oo aan dhibaatada haysata mid ka xun loogu darayn. 

Waxaanu ka digayna in la iska hor keeno shacabka nabadda jecel iyo dawladda oo wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso,deegaanku wuxuu kaalin mug leh kaga jira nabadgelyada dalka .

Haddii aynu is waydiino dhawr su,aalood.
  1. Maxaa ku wajib ah dawladda? su,aashaas jawaabteeda waxay noqonaysa in ay daryeesho shacbkeeda dhinac walba.
  2. Maxaa laga sugayaa shackii dawlad si wanaagsan u daryeesha haysta? su,aashan jawaateedu ma foga shacbkii hoggaan wanaagsan helaa raalli ayuu ahaanayaa waxaanu la shaqaynayaa hogganka ay ku kalsoonyihiin.
  3. Maxaa la gudboon shacabkii dawladiisa ama hoggaankiisa saluuga? su,aashanna jawaabteedu waxay noqonaysaa in si deggen loo toosiyo.
Waxaynu ka war hayna waddamada hore u maray xagga koboca dhaqaalaha,waxay daryeelaan xoolo dhaqatada, wasaarda xanaanada xooluhu waxay u tirisaa reer waliba inta uu xoolo haysto oo lagu gunneeyaa,  loona xanaaneeyaa sida caafimaadkooda,biyohooda iyo ilaalinta deegaankooda,ujeedada halkaas ku jirtaana waxaa looga jeedaa in aanay xooluhu dabar go,in oo aanay xoolo dhaqatadu uga soo hoyan xoolaha waayo haddii magaalo la wada galo waxaa meesha ka baxaya xoolaha oo ay nolosha ibna aadamku ku tiirsantahay.

Waxaan ku soo gunaanadanayna haddii Banka Qoolcaday dib loo xidho waa in lagu talagalaa in ay mar labaad xooluhu meesha ka baxayaan,waxaana la ogyahay in bankaasi yahay meel ay xoolo dhaqatada reer Somaliland u simanyihiin oo aan la kala lahayn mana loo heli karo in ka badan kun qoys meel kale oo dadka la barakiciyey la qaadsiin karo iyaga iyo xoolohooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wa billaahi tawfiiq 
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.
Deeq Cabdi Digale

 

· ifraax on August 14 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired