Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madasha Wada-Tashiga? MISE waa Madasha Kala-Tashiga!! (Part 1 & 2 )

Markaad maqasho magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, waxa markaaba maskaxdaada ku soo dhacaya Magac aad u Qurux badan oo laga dha-dhansan karo dhaqankii suubanaa ee ay Ummadda JSL ku soo caano-maaleen, halkaa maanta ay joogaanna ku soo gaadheen. Wuxuu u egyahay magac ay ka muuqato Lexejeclo iyo Tudhaale Bulsho oo aanad sinaba uga dareemayn inay ku hoos jiraan dano gaar ah oo shakhsiyadeed ama kooxo iyagu ku bahoobay dano u qarsoon oo ay leeyihiin. Waa magac aad is odhan karto waxa ka muuqata Taban-taabo iyo Toosin Maamul oo salka ku haya Nasteexo Ummadeed iyo u Nuglaansho halka ay ku jiraan danta Bulshada iyo Maslaxadda Qarankuba. Waa magac markay Shacbiaga JSL maqlaan ay is-odhan karaan Allaylehe kani waa Marjacii ay ku midoobeen Haldoorkii Mujaahidiinta iyo Indheer-Garadkii Mus-dambeedka u ahaa Maan-hagga Ummaddooda.

 

Haddaba Su’aalaha in la is-weydiiyo u baahani waxa weeye:

 

Magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu ma yahay mid si dhab ah uga tarjumaya macnaha ereyadaa quruxda badan leh ee uu xambaarsan yahay? Maxaa ka run ah , maxayse tahay xaqiiqada iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa asaaska Madasha? Ma Madasha Wada-Tashigaa? MISE waa Madasha Kala-Tashiga??

 

Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta waa Gole ay ku shuraa-koobeen Niman Odayaal ah oo hadda ka hor la is lahaa waa haldoorka Mujaahidiinta aan iyaga cidina dalka iyo dadkaba uga lexejeclo badnayn. Nimankan odayaasha ah ee Madashu, waxay si walba uga maageen inay ka mid noqdaan Golayaasha Siyaasadda ee Distoorka Qaranku jideeyey (3-da Xisbi Qaran); taasoo awood iyo xuquud sharciba u siin lahayd inay Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Qarankaba si dhab ah u daba galaan ulana xisaabtamaan. Nasiib darro Golaha ay nimankan odayaashi isugu habar-wacdeen (fikir, muruq iyo maalba), ma aha Gole waafaqsan Nidaamka sharci ee Dalka ka jira. Waa Madal aan Qaynuun ahaan jirin, talaabo kasta oo Siyaasadeed oo ay qaadaanna waxay si weyn u baal-marsan tahay Sharciga iyo Distoorka Qaranka kaasoo lagu ansixiyey Afti Dadweyne. Waxa si cad u muuqda in Golahan Qayrul Sharciga ah ee ay isu-baahaysteen raggan odayaasha ahi ay Halbeeg iyo Min-qiyaasba ka dhigteen Caadifad, Qabyaalad, Nacayb Qabiil iyo mid Shakhsiyadeed, Gobolaysi, Takoor iyo Kala-gur-bulsho, Fidmo iyo Xaalad-abuur joogto ah oo Bulshada laga dhex wado.

 

Sifaha iyo san-saanka ka muuqda Odayaasha Mujiaahidiinta ah ee isu magacaabay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta  waa MADAL had iyo jeer u tafaxaydan Tafa-raaruqa, Kala iyo Kala-takoorka Bulshada JSL. Fikirka Siyaasadeed, Araahda iyo Ereyada Xanafta leh ee ka soo burqanaya  Nimanka Odayaasha ah ee ku bahoobay Golahan Sharciga baal marsani waa kuwo aan marnaba u tudhayn isla markaana aan sinaba ugu adeegayn danta guud ee Ummadda, maadaama aanay mudnaantooda iyo muhimaddooda koowaadba ahayn danta Dalka iyo Dadka midnaba, balse keliya ay ka fikirayaan dan shaqsi isla markaana ay si qaldan u raadinayaa Awood Qayrul Sharci ah oo Distoorka Qaranka baal marsan.

 

Raadin Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna u igman!!

 

Awoodda, Magaca iyo Mansabkaba waxa bixiya ALLAH (sxwt). Waxa kale oo iyana jirta in Distoorka iyo Shuruucda dalka ka jira iyo weliba Codka Shacbigu ay muwaadinka magac, mansab iyo awood sharciba huwin karaan ama u igman karaan. Haddaba, waxa nasiib darro inteeda leeg ah, in rag la is lahaa waa Haldoorkii Mujaahidiinta iyo Maan-hagii Ummadda ee la is lahaa cidina dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna, in maanta iyagii garba-duub looga hayo duminta dalka, tafa-raaruqa iyo kala-takoorka bulshada. Waxa nasiib darro ah in rag milge iyo maamuusba ummadda ku lahaa inay hadh iyo habeenba xusul-duub ugu jiraan siday u heli lahaayeen Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna u igmanin!!  Waxa nasiib darro inteeda leeg ah in rag dalkan ku leh abaal iyo taariikh mugweyni ay iyagii haatan duullaan ku yihiin oo ay dib u masaxayaan juhdigii, nafhuruddii iyo taariikhdii ay lahaayeenba. Hab-dhaqanka noocan ahi wuxuu tusaale fool-xun u yahay jiilka iyo da’yarta iyagu ku indha-barraqsaday xornimada iyo madax-bannaanida ay Odayaasha Madashu horseedka ka ahaayeen.

 

Odayaasha Madashu waxay hadh iyo habeenba ku mashquulsan yihiin abaabul iyo kicin bulsho oo wata ujeedooyin lidi ku ah wada-noolaanshaha bulshada. Waxaynu si joogto ah uga maqalnaa ama ka aragnaa noocyada kala duwan ee war-baahinta haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M/weynaha Qaranka, Qoyskiisa iyo Xukuumaddiisaba. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado.” “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.”  Cay, Af-lagaado qaawan iyo shakhsi weerar aan loo meel dayeyn; sida: “Madaxweynuhu waa Tuug!; “Ahmed Silaanyo Waa Fulay!”; “Ahmed Silaanyo Waa Abaal Gabe!!” Waa Hadallada Qaawan ee Maragga iyo Markhaatigaba loo hayo ee laga hayo Odayaasha ku bahoobay Golaha Qayrul Sharciga ah. Hadallada noocan ahi waxay meel ka dhac, maan-gad, milo-xumo iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee muwaadinka iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland.

 

Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa jiritaanka Madasha Kala-Tashiga iyoTafa-raaruqa Bulshada iyo ajendaha ay leeyihiin Nimankan Odayaasha ah waxa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda: ...........

 

 

Madasha Wada-Tashiga? MISE waa Madasha Kala-Tashiga!!(Qayb. II-aad) 

  

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, United Kingdom|

 

1.  Hordhac:

 

Haddaan Diini Qabanayn, Sharci kaa Dabbaalayn, Dabar kaa xajaa jirin, Dadku waa belaayee!” [Cabdi Adan Xaad, Cabdi-Qays]

 

Waqtigan xaadirka ah, waxa si cad u muuqda in qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSL uu Qabiilka iyo Maan-dooriyaha Qabyaaladdu ay u noqdeen Halbeegga iyo Min-qiyaaska jiheeya qaabka fikirka bulshada. Arrimahan waxa horseed ka ah xagga dambana ka riixaya kuwii la is lahaa dalkan abaal iyo taariikhba wey ku leeyihiin, kuwii la is lahaa juhdi iyo naf-hurid bay u soo galeen oo cidina iyaga dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna.  

 

Nasiib darrada waqtigan xaadirka ah muuqata waxay tahay: Haldoorkii iyo Marjacii garaadka bulshada, Indheer-garadkii Maan-hag iyo indhaba ummadooda u noqon lahaa, ayaa halkii ay ka fikiri lahaayeen danta guud ee bulshada nolol-wadaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka, waxay mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siinayaan sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Arrintani waxay halis iyo hagar-daamoba ku tahay hadafka horumarka bulshada iyo dareenka wadajirka ee ummadnimo. Waa arrin horseedi karta in Hanka, Hiigsiga iyo Himilada bulshadeenuba ay hoos u dhacaan. Waa xaalad keeni karta inuu lumo dareen-wadareedka waddaninimo, waa xaalad u hiilin karta oo kobcin karta Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dareenka dan-shaqsi ka fikirka. Waa arrin si weyn u wiiqi karta Midnimada iyo Wadajirka Bulshada oo ah sida keliya ee lagu xaqiijin karo, laguna difaaco karo jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo ka mid ah lagana tix-geliyo bulshada caalamka.

 

  1. 2.   Indheer-Garad Indhow-Wax-ka-arka!! 

Madasha Wada-Tashigu  waa Gole ay ku bahoobeen Niman Odayaal ah oo hadda ka hor la is lahaa waa haldoorka Mujaahidiinta aan iyaga cidina dalka iyo dadkaba uga lexejeclo badnayn. Nimankan odayaasha ah ee Madashu, waxay si walba uga maageen inay ku biiraan oo ay ka mid noqdaan Golayaasha Siyaasadda ee Distoorka Qaranku jideeyey (3-da Xisbi Qaran); taasoo awood iyo xuquud sharciba u siin lahayd inay Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Qarankaba si dhab ah u daba-galaan ulana xisaabtamaan. Waxay ka doorbideen inay samaystaan Madal Qayrul Sharci ah oo salka ku haysa sidii ay nimankaa odayaasha ahi u heli lahaayeen Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna iyaga u igmanin!!

 

Nasiib darro Golahan sita magacan Quruxda badan leh, waa madal kulmisay Rag bulshadu u haysatay Indheer-Garad, balse iyagu haatan Indhow-wax ka arka. Waa Madal hadh iyo habeenba ku mashquulsan abaabul iyo kicin bulsho oo wata ujeedooyin lidi ku ah wada-noolaanshaha bulshada. Waxa wax laga xumaado ah in rag dalkan ku leh abaal iyo taariikh mugweyni ay iyagii haatan duullaan ku yihiin oo ay dib u masaxayaan juhdigii, nafhuruddii iyo taariikhdii ay lahaayeenba. Hab-dhaqanka noocan ah wuxuu tusaale fool-xun u yahay jiilka iyo da’yarta iyagu ku indha-barraqsatay xornimada iyo madax-bannaanida ay Odayaasha Madasha laftoodu horseedka ka ahaayeen.

 

ALLAH (sxwt) ayaa Awoodda, Magaca iyo Mansabkaba bixiya. Distoorka iyo Shuruucda dalka ka jira iyo weliba Codka Shacbiga ayaa iyaguna muwaadinka magac, mansab iyo awood sharciba huwin kara ama u igman kara. ALLAA inna lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ahi ay sifo-qaldan ku raadiyaan Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna iyaga u igmanin!! ALLAA inna lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ah ay ku sifoobaan Niman Siyaasadda ku Saaqiday oo ku Guuldarraystay macnaha iyo martabaha ay Siyaasaddu leedahay. ALLAA ina lehe bulshadu way kala han-weynayd in Odayaasha Mujaahidiinta ahi ay u-xuub-siibtaan indheer-garad indhow-wax-ka-arka. ALLAA ina lehe Mujaahidiintu may ahayn raggii uu haatan garaadkooda iyo hankooda siyaasadeed uu dib u soo siqiiri-lahaa ama kuwii miciinba ka dayi lahaa Maan-dooriyaha Qabyaaladda iyo Annagoo Reer-Habar-Heblaayo ah.

 

Magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu ma aha magac si dhab ah uga tarjumaya macnaha ereyada quruxda badan leh ee uu xambaarsan yahay. Xaqiiqada iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa asaaska Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta waa mid ay ku hoos jiraan Qorshe iyo Qandaraas ku wajahan jaah-wareerinta iyo iska horkeenka Ummadda JSL ee samaha iyo wanaaggaba ku sifoobay. Waa magac u taagan Gole Qayrul Distoori ah, oo ay isugu habar-wacdeen kuwii la is lahaa dalkan abaal iyo taariikhba wey ku leeyihiin oo juhdi iyo naf-huridba way u soo galeen oo cidina dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna, balse haatan iyagu duullaan iyo khatarba ku ah wadajirka, nabadda iyo wada-noolaanshaha Shicibka xalaasha ah ee JSL.

 

Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa jiritaanka Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu taasoo haatan u xuub-siibatay (Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada) iyo ajendaha ay leeyihiin Nimankan Odayaasha ah waxa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda: 

 

1)      Raadin Awood Qayrul Sharci ah oo Distoorka Qaranka aad u baal marsan.

2)      Raadin Magac, Milge iyo Mansab Siyaasadeed oo aan sharcigu u jideynin shacbiguna aanay u igman.

3)      Raadin Dhaqaale iyo Dheef si qaldan loo raadinayo.

4)      Aargoosi siyaasadeed oo ku salaysan nacyb Qof ama Qabiil  oo aad u qoto dheer.

5)      Bulshada nolol-wadaagta ah oo laga dhaadhicinayo sawir qaldan oo odhanaya: “Reer baa Awooddii dawliga ahayd iyo tii distooriga ahaydba haysta, dalkuna bedbaaduu u baahan yahay.”

6)      Abaabul Aafo-Qaran oo salka ku haysa iska horkeenka Xukuumadda iyo Shacbiga, si uu u dhaco kacdoon bulsho oo dhiig iyo dhagarba wata, dabadeedna Xukuumaddaba sidaa lagaga takhaluso!! 

 

3.  Gabagabo:

 

Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, wuxuu haatan isu rogay: Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada JSL. Ma aha Gole ay ujadadiisu tahay Taban-taabo iyo Toosin Maamul balse waa Gole u xuub-siibtay xumaan oo xusul-duub ugu jira inay aloosaan AAFO-QARAN iyo arrimo lidi ku ah Nasteexada Ummadda, danta Bulshada iyo Maslaxadda Qarankaba. Ma aha Gole ay ka muuqato  Lexejeclo iyo Tudhaale Bulsho waxana ku hoos jira dano gaar ah iyo ajenda ay leeyihiin shakhsiyaad iyo kooxo iyagu isu baahaystay carqaladaynta Horumarka Ummadda, xag-xagashada iyo xajiimaynta Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo.

 

Nimanka Odayaasha ah ee isu baahaystay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintu ha ogaadaan in Shacbiga JSL uu garaadkoodu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay shaadhka Qabiilka iyo ka Siyaasadda isu bed-bedelaan, Bulshadana ka dhex abuuraan jaah-wareer iyo waxyaabo aanay Shacbiga wax dan ahi ugu jirin. Bulshada JSL waxay guddoonsadeen inay nabad iyo degenaansho ku wada noolaadaan, horumarka dalkoodana ka wada shaqeeyaan. Nasiib wanaag, Shacbiga JSL maanta maaha mid garaadkooda la qaldi karo amaba caaddifad lagu kala dhex abuuri karo. Waxay ogyihiin marxaladaha iyo duruufaha qadhaadh ee ay u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Qaranka JSL kaasoo ay maanta guushiisii, gobannimadiisii, dawladnimadiisii iyo dheeftiisiiba hadhsanayaan.

 

Guntii iyo gaba-gabadii, Nimanka Odayaasha ah ee Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada waxaan odhan lahaa: “Kollay si walba ISU-MAAX-DUMISE oo ISU-BIYO-DHIIJISEE, balse Cimrigiina tagay Ceeb ha ku sagootiyina. If iyo aakhiraba waxaad wanaag iyo ajarba ka helaysaan markaad ka shaqaysaan wanaagga, horumarka iyo wada-noolaanshaha Ummadda. Bulshadiinna aad naftiinna u soo hurteenna, magac, dheef iyo dha-dhamo aad si qaldan u raadinaysaan ha u burburinina. Ummaddiina u tudha, oo ka daaya tafaraaruqa iyo hadalla turxaanta leh ee aad hadh iyo habeenba warbaahinta la hor fadhidaan!!

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, United Kingdom|

 

· abdi on August 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired