Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiga Ucid oo Qoraal ka soo saaray Safarka Niklos Key Uu Hargeisa ku Joogo.

Xisbi Mucaaridka UCID ayaa Qoraal Kasoo Saaray Imanshaha Xoghaye Niklos Key kaasi oo ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe waxaanu u dhignaa sidan

From: Ucid Party (Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka )

To: Mr Niklos Key (Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramadan Midoobey Somlia iyo Somaliand

Tan Iyo Intii La,Riday Rajiimkii Milliteriga aha ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii1991 , isla markaana Shacbigii Gobolladii woqooyi go’aansadeen Gooni_Isutaaga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Intii ka dambaysay burburkii Dawladdi Somalia, waxaa ilaa hadda ka taagan Fawdo siyaasadeed, dagaallo hubaysan, budhcad badeednimo Iyo xagjirnimo xagga kooxaha diimaha, oo dhammaan sababay macaluul joogto ah, gobolaysi ka jira beelaha iyo dowlad la’aan, waxana awooddii gacanta u gashay Hogaamiye Qabiileedyo, Hogaamiye Diimeed Iyo qabqableyaal dagaal oo aan arxan u lahayn shacbigooda halisna ku ah ammmaanka waddamada geeska Afrika, isu socodka badaha iyo nabadgelyada guud ee caalamka.

Tani waxay kalliftay in Somaliya loo aqoonsado hoyga ugu weyn ee Kooxaha argagixisada iyo budhcad badeedka caalamka, Waxaana gebi ahaanba burburay wax soo saarkii Beeraha , waxbarashadii, adeeggii bulshada iyo kaabayayaaashii dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale,waxa si joogta ah u fashilmaayey dedaalka beesha caalamka ee lagu raadinayo in la soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed iyo kan amni ee Somalia, Gobol kastana waxa goostay kooxo aan metelin shacbiga oo xoog ku haysta.

Qaladka Ugu Weyn Ee Bulshada Caalamku Samaysaa ilaa imikana Ay Wadaa Waxaa Weeye iyada Oo Indhaha Ka Lalisa Xaqiiqda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Dhulkii Laysku Odhan Jirey Jamuuriyada Somalia

Taas Run Ahaan Maanta Ay Jiraan Laba Somaaliyeed Sidii Intii Ka Horeysay 1 July 1960:Jamuuriyada Somaliland Oo Ah Dal Jira Oo Nabad Ah,Dimuqraadiya Oo Doorashooyinku Si Nabad Galyo Ah U Dhacaan Isla Markaana Leh Barlamaan La Soo Doortey,Gole Guurti Iyo Axsaab Siyaasadeed Iyo Somalia Oo Qasan

Bulshada Caalamku Waxay Xooga Saartaa Inay Dib Abuurto Midnimadii Somalia Iyo Somaliland iyada Oo Kolba Koox Ugu Yeedha Dawlad Somaliyeed mar ay tidhaahdo Waa Ku Meel Gaadh Iyo Imika Oo Yidhaahdaan Waa Dawlad Rasmiya Wax Natiijo ahna Aan Soo Kordhin

Dadka Somaliand Ee iskood U Da,daaley indhaha ayey Beesha Caalamku ka Lalisaa,Waxaana Qaadaa Talaabooyin Lagu Mijo Xaabinayo Jiritaanka Somaliland,Nabadgalyadooda iyo Cuna qabateyn Aney Muteysan

Qorshaha Maanta ay Wado Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa Iyo Wadamada Laysku Yidhaah IGAD Ee Ah Labada Shaag(Ladagaalanka Xagjirayaasha iyo Samaynta Dawlad Fedaraal Ah )Oo Ka Kooban 18 Gobol Ee Maxamed Siyaad Bare Danaha Gaarka Ah U Smaystey Waxay U Muuqataa Inay Somalidu Ka Dhaxli Doonto Dagaal Cusub Oo Ku Baaha Somaliland Iyo Samalia Masuuliyadeedana Ay Qaadi Doonto Bulshada Caalamku Oo Ay Ugu Horeyso Qaramada Midoobey

Intii Ka Horeysey Inqilaabkii Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare Dalka Waxaa Ka Jirey 8 Gobol, oo Laba ka mid ahi Somaliand ahaayeeen kuwaas (Oo Kala Ahaa Waqooyi Galbeed Iyo Waqooyi Bari) Samaliyana Waxay ka Koobnayd 6 Gobol Oo kala ahaa (Majeerteeniya,Mudug,Hiiraan,Banaadir,Jubada Sare Iyo Jubada Hoose ) Markuu Qabsadey Maxamed Siyaad Bare Waxaa uu Samayey Inqilaabkii Ka Dib 10 Gobol Oo uu Ka Soo Dhex Saarey 8 dii Hore U Jirey

Danta Kaliya Ee Uu Kalahaana Ay Aheyd In Uu Beeshiisa U Sameeyo Dagmooyin Badan Si Ay Uga Soo Baxaan Xildhibaano Badan Isaga Oo Ku Hamiyey In Mustaqbalka Xubnaha Baarlamaanka Somalida in Beshiisu Boqolkiba Konton Xubnood Yeelato, Somalida Inteeda Kalena Oo Lagu Qiyaasey Boqolkiiba Shan Iyo Sideetan Ay Yeeshaan Boqolkiiba Konton Xubnood.

Arimahaasi Iyo Sadbursigaasi Waxay keeneen Jabhadihii Hubaysnaa Ee S.N.M Iyo U.S.C inay Samaysmaan, Waxaaney Hor Seedeen Bur Burkii Dawladii Siyaad Bare ee iLaa Imika Xal Loo La,yahey

Hada Waxaa Muuqata Inay Bulshada Caalamku ay ka Dhigatey Siyaasadeeda Ku Wajahan Arimaha Somalia Iyo Samaynta (Federal Government ) Tu Ku Fadhida Fikradii 18 Gobol Aheyd Iyo ROAD MAP Lagu Sameeyey Garawe isla Markana Waxaa Muuqata In Siyaasada Maanta Ee Ay Hagayso Qaramada Midoobey Iyo Wadamada IGAD ay Tahey Siyaasad ay Curiyeen Maamul Goboleedka Garawe,Kana Dhaadhiciyeen Bulshada Caalamkana Isla Markaana Ku Saleysan Tahey Himiladdii Maxamed Siyaad Bare Ee Laga Dagaalamey,

Hadana Ay Keeni Karto In Markale Muqdisho Iyo Hargeysa Ay iskaashaadaan Si Looga Hortago Khatarta Ku Soo Socota Ee La Soo Maleegay Iyo Taageerada Quwadaha Shisheeye.

Sidaa Awgeed Xisbiga UCID waxaa Uu Qabaa In Aan Xalka Somalidu Ku Jirin Dawlad Goboleedyo Dusha Laga Saaro Oo U Adegaya Beelo Gaar Ah Oo Gacan Ka Helaya Quwado Shisheeye Iyo Qaramada Midoobey Oo Wax Khalad Ah Loo Sheegay

Ugu Danbeyntii Xisbiga UCID Wuxuu Soo Jeedinayaa In Xalka Somalidu Ku Jirto

1. In Somaliland Laga Daayo Faro_Galinta Iyo Mu_amaraadka laga Soo Maleegayo Debadaha, Lagana Qaadaa Cunaqabateynta Siyaasadeed Iyo Dhaqaalahaba

2. In Somalia Lagu Celiyaa 6 Gobol Ee Hore U jirey,Xiligii Siyaad Bare Ka Horeysey Sidey Yeeshay Dalka Kenya Markey Qaateen Dostooraka Cusub Ee Ay Ku Noqdeen 47 Gobol Ee Ka Horeyeey Arab Moy

3. Si Xal Loo Helo Waa In Beesha Caalamku Somalia Xal U Heshaa Iyada Oo Gacan Ka Helaysa Somaliand La Sameeyaana Maamul U Gaar Ah Somalia Italia,

4. Waa In Loo Wada Hadlaa Sidii Labada Dawladood Siduu Qorayo Ga,aankii Ka Soo Baxay Shirkii LONDON February 2012

ALLAA WEYN

Eng; Faisal Ali Waraane

 

· abdi on August 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>