Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Somaliland iyo Nikolas Kay oo ku Heshiiyey inay wada shaqeeyaan.

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabiley Nickolas Kay oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya kaasoo doraad duhurnimadii Hargeysa ku yimi marti-qaad uu ka helay Xukuumadda.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, iyo Xubno kale oo ka tirsan wasiiradiisa ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ka warbixiyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Iyo Ergaya Qaramada Midoobay.

Wasiirka wasaarada Arrimaha dibeda somaliland Ayaa sheegay in ay kala hadleen Nicholas Kay Maamulka Khaatumo iyo Wada hadaladii somaliland iyo somaliya uga socday dalka turkiga halkay ku danbeeyeen waxaana uu yidhi “Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Dhamaan Qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”

Nicholas Kay ayaa si balaadhan uga mahadceliyay Soo dhawayn iyo qadarin uu sheegay in loo muujiyey intii uu Somaliland joogay. Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa UNSOM wax badan la qaban karo Somaliland gaar ahaana waxyaabaha Somaliland Mudnaanta siinayso waxaanu yidhi “Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino Waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahiyaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanaagsan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuqda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”Ayuu yidhi Nicholas Kay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· ifraax on August 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>