Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Heshiiska Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha: Sharciyad Magansatay Sharci Darro!

Xisbiyada Mucaaridku waa Golayaal Qaran oo Siyaasadeed oo uu Distoorka Qaranku dhab ahaan u jideeyey, awood buuxdana u siiyey inay qaabka hoggaamineed ee Xukuumadda talada haysa isha ku hayaan lana xisaabtamaan. Waxa kale oo uu Distoorka Qaranku Xisbiyada Mucaaridka awood u siiyey inay ka hadli karaan Siyaasadda Dalka marxalad kasta iyo xaalad kasta oo ay marayso. Haddaba, marka ay Goleyaal Siyaasadeed oo Distoori ahi wada-shaqayn la yeeshaan ama heshiisba la sexeexdaan Gole kale oo Qayrul Distoori ah, waa talaabo si cad uga hor imanaysa Distoorka iyo Shuruucda Qaranka. Waxa kale oo ay khiyaamo iyo ballan-furba ku tahay bulsho-weyntii Xisbiyada Xisbiyada Mucaaridka ah codkooda ugu deeqay ee u doortay si ay iyaga matalaan. Awood darrada iyo aragti-gaabnida ka muuqata Xisbiyada Mucaaridka waxa daliil u ah, iyagoo og inay yihiin hay’ado Distoori ah, ayay haddana waxay isu dhiibeen oo ay hoos tageen Gole Qayrul Distoori ah, oo isu magacaabay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, Golehaas oo haatan isu rogay: Madasha-Kala Tashiga, Tafa-raaruqa Bulshada JSL.

 

Heshiiska iyo wada-shaqaynta ay wada galeen Mucaaridka iyo Odayaasha Madashu maaha mid ku salaysan himilo iyo hadaf Shacab oo horseedi kara isbeddel Dimuqraaddi ah oo dalka ka dhaca, balse waa heshiis ay ujeeddadiisu tahay in la helo Kaalin loo fadhiisto Xag-xagashada Xukuumadda iyo Xagal-daacinta danaha Qaranka. Heshiiska ay Mucaaridku la galeen Madasha waa mid si cad daaha uga rogey quusta iyo rajo la’aanta ay Xisbiyada Mucaaridku ka taagan yihiin inay ku guulaystaan Hoggaanka iyo talada dalka. Nasiib darro, Xisbiyada Mucaaridku waxay garan waayeen Xilkii iyo Waajibaadkii uu Distoorku u jideeyey waxayna garab-mareen Macnihii iyo Milgihii ay Xisbiyo Mucaarid ahi lahaan jireen. Xisbiyada Mucaaridku ma hayaan aragtidii iyo farsamadii Siyaasadeed ee Qaran lagu dhisi lahaa Ummadna lagu hoggaamin lahaa.

 

Odayaasha Madashu haba yaraatee ma aqoonsana jiritaanka iyo Sharcinnimda Xisbiyada Mucaaridka ah. Waxay arkeen awood-darrada iyo aragti-gaabnida ka muuqata, waana ta keentay inay labada Xisbi Mucaarid midkoodna ku biiri waayaan. Taa beddelkeeda, Odayaasha Madashu waxay go’aansadeen inay samaystaan Gole aan haysan awood Sharci iyo Cod Shacbi midnaba. Bal iyadbe waa cibaaree Madasha oo ah Gole Sharciga baal-marsan waxa loogu talagalay inuu hago, indho u noqdo oo uu shukaanta u qabta kuwii Sharciyadda haystay ee uu Distoorka Qaranku awoodda buuxda siiyey Shacbiguna codkooda ugu deeqeen si ay Ummadda u hagaan hormoodna ugu noqdaan isu-dheelli-tirka Siyaasadda Qaranka. Haddaba, su’aasha Codbixiyeyaasha la gudbooni waxa weeyi: Xisbiyo iyagii la hagayo oo fikir iyo aragtiba Gole Qayrul Sharci ahi hagayo, iyagu ummad ma hoggaamin karaan?? Jawaabta suaashan waxaan u deynayaa Muwaadiniintii u codeeyey Xisbiyada Macaaridka ah!!

 

Tubta Siyaasadeed ee ay haatan hayaan Axsaabta Mucaaridku, waa mid habowsan oo hor ALLAH ka joogta Haybadii iyo Hayal-samaantii looga baahnaa inay Xisbiyo Mucaarid ahi la yimaadaan ee Qaran lagu dhisi lahaa ummaddana lagu hoggaamin lahaa. UCID iyo WADDANI ma laha hankii, hadafkii iyo hubsiimadii looga baahnaa Xisbiyo Mucaarid ah. Way ka maqantahay oo ay ka madhan yihiin in alla intii ay Kursiga ku hanan lahaayeen ama ay Codbixiyeyaashu ugu soo joogsan lahaayeen; sida Daacadnimo, Run-sheegnimo, Waayo-aragnimo, Dulqaad, tab iyo farsamo Siyaasadeed oo dadka iyo dalkaba u tudhaysa oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo.

 

Xisbiyada Mucaaridku halkii ay la iman lahaayeen aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan wax toosin, wax dhisid, waddannimo iyo dal jacay dhab ah, aragti siyaasadeed oo salka ku haysa isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya; waxay Yool iyo Min-qiyaasba ka dhigteen caadifad, qabyaalad, nacayb qabiil iyo mid shakhsiyadeed, gobolaysi iyo takoor-bulsho, fidmo iyo xaalad-abuur joogto ah oo ay Bulshada ka dhex wadaan. Waxay mar walba u tafo-xaydan yihiin in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaadoba ummadda ay ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno.

 

Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa taageerada cod-bixiyeyaasha oo ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta. Waxay mar walba u tafo-xaydan yihiin in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaadoba ummadda ay ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno. Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa taageerada cod-bixiyeyaasha oo ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.

 

Xisbiyada Mucaaridka ahi waxay ku guul-darraysteen inay  Quluubta iyo Maskaxda Bulshada wanaag gashadaan; waxay ku guul-darraysteen inay codbiyeyaasha ka dhaadhiciyaan barnaamijka, hadafka iyo himilada ay leeyihiin; waxay ku guul-darraysteen inay si cad bulshada ugu soo bandhigaan bernaamiyada dhaqaale, bulsho, nabadgelyo, shaqo-abuur, siyaasadda dibedda iyo ictiraaf raadiska ee ay ku qancinayaan codbixiyeyaasha in Xisbiyada Mucaaridku ay talada iyo hoggaanka dalkaba uga roonaan lahaayeen Xisbiga iyo Xukuumadda Kulmiye ee hadda talada haya.

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, United Kingdom|

· ifraax on August 27 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired