Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Beesha Caalamku waxba kuma qasbi karaan Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii ciidamada Somaliland ay shalay ku qabsadeen deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in beesha calaamku aysan waxba ku qasbi karin Somaliland. Inj. Waraabe ayaa sheegay in inkastoo uu ka xun yahay dhibkii deegaankaas ka dhacday haddana ay Somaliland ku noqotay mid lama huraan ah inay weerarto Saaxdheer, wuxuuna sabab u dhigay weerarkan inuu ku yimid xadgudub lagu sameeyay maamulkooda. “Weerarkaas wuxuu ahaa mid ay Somaliland ka fursan waayay, balse waan ka xumahay dhibaatadii dhacday,” ayuu ku sheegay guddoomiyaha UCID wareysi uu gellinkii dambe ee maanta oo Jimco ah siiyay idaacadda VOA-da. Mar la weydiiyay Inj. Faysal in baaq ay soo saartay Beesha Calaamka ay ku sheegeen in Somaliland ay deg-deg ciidankeeda uga saarto Saaxdheer iyo saameynta uu ku yeelan karo haddii ay Somaliland diiddo baaqaas, ayuu ku jawaabay. “Beesha caalamku ma jirto wax ay Somaliland ku qasbi karaan ee howshii loo diray oo ah inay Soomaaliya nabadeeyaan ha qabsadaan, waxaanan leeyahay innaga ayaa Somaliland dhisannay, innaga ayaana mideynay, mana ahan in markii ay ku guuldarreysteen howshii Soomaaliay inay innaga shaqo naga dhigtaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Faysal Cali Waraabe. Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in ciidamada Somaliland ay ka baxayaan deegaankaas, balse ay marka hore nadiifinayaan wuxuu ugu yeeray dad dhibaato wada oo deegaankaas ku sugan, isagoo aan si cad u sheegin xilliga ay ciidamadu ka baxayaan Saaxdheer. Su’aal kale oo ahayd in weerarka ay qaadeen ciidamada Somaliland oo ay wax ku noqdeen dad shacab ah oo deegaankaas ku sugnaa inuu keeni karo in shacabka deegaannadaas iyo Somaliland ay kala fogaadaan? ayuu kaga jawaabay, “Shacabka deegaankaas ku nool waa shacab Somaliland, waana dad aan doonayno inaan maamulkeenna gaarsiinno, balse kan ay canaantu saaran tahay waa nin inta Xamar ka yimid yiri i boqra maamul aanu caqliga galayn ayaan sameynayaa ninkaas ayay canaantu saaran tahay.” Mar kale oo la weydiiyay in Cali Khaliif uusan ahayn nin xamar ka yimid oo keliya, balse uu deegaanka u dhashay ayaa wuxuu sheegay in isaguba uu u dhashay deegaanka, ayna la joogaan dad yar, mana ogolaanayno in dadka walaalaha la isku diro. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Somaliland ay laba wasiir oo xukuumadda ka tirsan ay u dirtay Somaliland si ay ugala soo hadasho ragga deegaannada ay ka taliso galay, waayo innagu xuduud 400-km ah ayaa dalka Itoobiya nagala dhexeysa, mana dhacayso in xuduuddooda nagaga soo duulo. “Waan ku taageersanahay xukuumadda Somaliland wafdiga ay dirtay kuwaa oo kala hadli doona Itoobiya inay xuduudeeda ilaaliso, taasina waa mid aan xaq u leennahay,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xisbiga UCID oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Maamulka Somaliland weli si dhab ah ugama hadlin baaqa ay xubnaha ka tirsan beesha caalamka maanta soo saareen, kaasoo loogu sheegay inay si dhaqso ah ciidamadooda ugala baxaan deegaanka Saaxdheer.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on August 29 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>