Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kenya iyo uganda oo Ciidamadooda Heegan Galiyey .

Waddamada Keniya, Yugaandha, iyo Jarmalka ayaa Ciidamadooda Heegan galiyey Markii ay Soo Baxeen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ay Qaraxyo ka Fulinayso Dalkaasi, taaasi oo ay ugu argudayso Hogaamiyahoodii la dillay Axmed Cabdi Godane oo ay Dilleen Diyaaradaha iyagu iswada ee Maraykanku leeyahay.

Cabsidan soo waajahday ayaa ka Danbeyeysa markii Sirdoonka Dalkaasi ay tilmaameen in Kooxda Alshabaab waddo Ficilo ay ku doonayso in ay qaraxyo ka fuliso wadamadooda.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katuma Wamala ayaa ka digay weerarro uu hoggaamiyaha cusub ee Xarakada Al-shabaab Uganda ku soo qaado, isagoo sheegay inay kooxdu qorsheynayso weerarro argagxiso oo ay qaaddo.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa xusay inay heleen warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab uu qorsheynayo inuu weerar ka geysto dalkooda.

“Al-shabaab waxay qosheynaysaa inay weerarro argagaxiso ka geysato Muqdisho iyo Uganda, maxaa yeelay kooxda waxaa looga itaal-roonaaday weerarradii ka socday gudaha Soomaaliya dhul badanna waa laga qabsaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Kutun-waareey, Beledul Amiin iyo kuwo kale oo caasimadda Soomaaliya ka durugsan qiyaastii 120-km,” ayuu Katumba yiri.

Sidoo kale, Jen. Katumba ayaa sheegay in deegaannadaas intooda badan ay gacan ka geysteen qabashadooda ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Isagoo xusay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan magaalada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab.

Jen. Katuma oo sii hadlaya ayaa yiri. “Kooxdu waxay waday hoggaamiye aad u weyn iyo nin qorshayaasha dagaalka hormuud u ahaa, marka waa inaan muujinnaa digtooni dheeraad ah, waayo waxaa laga yabaa inay weerarro argagaxiso soo qaadaan.”

Dhanka kale Af-hayeenka ciidamadda Millatiriga ee dalka Kenya, Bogita Ongeri, ayaa ka digey suurta-galnimada weerarro argaggixiso oo aargoosi ah oo ay Xarakadda Al-Shabaab, ku bar-timaameedsato gudaha dalka Kenya.

Af-hayeenka oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Xinhua, ayaa tibaaxay in la kordhiyay tirada ciidamadda ku sugan xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana oo heegan adag la geliyay, si gaar ahna loo xoojiyay ammaanka Gobaladda waqooyi bari iyo kuwa xeebta.

Waxanay dawlada Keniya iay cabsi aad y weyn ka qabtaa in Al-Shabaab ay ka fuliso weeraro ay ugu aargudayso hogaamiyahoodii la dilay, kaas oo ay xarakada Al-Shabaab hore u sheegtay in ay u aargudi doonto.

Dhinaca kale Sabtidii lasoo dhaafay ayey dowlada Germany iyaduna xirtay sadex nin oo dhalashada wadankaasi heysta oo diyaarad kasoo raacay magaalada Nairobi.
Sadex qof ee lagu qabtay Airporka Frankfurt ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Steven N. oo ah 26 sano jir, Abdullah W oo ah 28 jir iyo Abdulsalam W oo isaguna 23 jir ah.
Dhamaan dhalinyaradan ayaa lagu tuhunsan yahay inay kamid ahaayeen dhalinyaro badan oo ku biiray kooxda Al Shabaab kana soo dagaalamay gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on September 11 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>