Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Afhayeenka Qaarada yurub oo ardayda ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan.

Waxaa Calooshu iga gubanaysaa Ardaydan Sanad walba ka soo Qalinjebinaysa Dugsiyada sare, Macadada, Jaamacadaha iyo Qaybaha kale ee waxbarasho ama cilmi kororsi, ee marka ay soo qalinjebiyaan Sawirada faraha badan xukuumadani la gasho hadalo macaana hortooda ka tidhaahdo waxa intaas dhaafsiisani waa habeen lala casheeyo oo xoogaagii hore looga gurtay Casho loogu sii sagootiyo intaas ka dibna Albaabada iyo Daaqadaha ayay xukuumadu ka xidhataa.

Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee dhalinyaradan u sheegi lahaa wacyiga dhabta ah ee Waddanku marayo iyo ardaydana xukuumadani way kala ilaalisaa si aan Ceebtoodu banaanka ugu soo bixin, waana nalaga ilaaliyaa inaanu idin hornimaadno oo idinla hadalno. Waxaa hubanti ah wax u usheega iyo wax u qabadka Ardaydu mucaaradnimo iyo muxaafidnimo midna uma baahna, waayo waa Ubixii iyo Indhihii Wadanka waana Madaxdii Berrito, Balse Xukuumadan Taagta iyo Garashada xumi waxay wakhti badan ku bixisaa iyo dhaqaaleba sidii Axsaabta Qaranka iyo Ubaxan loo kala ilaalin lahaa (Waa Nasiib Xumo).

. Ardayeey Dib miyaad u aragteen kuwii isla kiin Sawiray ama idinla Casheeyey ee hadalada Macaan een dubnaha dhaafsiisanayn idinku shubay, iyagoo uu aad u buun-buuninayo Taleefishinkan xukuumadu u samaysatay inay Beenteeda ku buunbuuniso oo weliba dhowr Asbuuc ama Bilaba lagu soo celcelinayo Cashadaas?

. Ma Cashaad Rabtaan Mise Wax qabad la taaban karo oo xaqiiqda ku salaysan?

. Ma sawiro la iskaga kiin qaadaad rabtaan mise soo dhaqaaqa oo Waxaad barateen dadkiina iyo Dalkiina ugaga faa'iideeya ayaad diyaar u tihiin?

Run ahaan arimahaasi waa kuwo  gubaya Xisbiga WADDANI iyo Qofkasta oo dareen aqooneed ku jirto; waa kuwo Gubaya Waalidkii wax-dhalay ee Ubadkiisa wax soo baray kana sugayey wax-qabad; Waa kuwo Gubaya Ardayda Maalinta Qalin-jebinta Wer-wersan ee Mustaqbalkooda Calaamad Su'aalku ka saaran yahay?. Hadaba waxaan idiinku niyad qaboojinayaa WADDANI BAA SOO SOCDEE WAXYAR II SII DULQAATA.

Maxaan idiin soo wadaa:
1) Waxbarasho Tayo iyo Hal-manhaj oo buuxa leh
2) Shahaado laga aqoonsan yahay Aduunkoo dhan
3) Tartan Waxbarasho oo Ardayga Wanaagsan u horseedi doona mustaqbal waxbarasho sare oo iftiimaya
4) Tartan Waxbarasho oo Ardayga wanaagsan u horseedi doona Shaqo-gelin isla-maalinta Qalin jebinta ah
5) Tababaro iyo Xirfad baris aan joogsi lahayn si ardayga loo baro Qaabab badan oo aad ku shaqaysataan 
6) Hawlgelin mudo Shaqo Qaran ah oo ardaydu Dalkooda iyo Dadkooda ugu shaqayn doonaan markay dhameeyaan Dugsiyada Sare iyadoo lagu kala meelayn doono Wasaaradaha iyo Gobolada Waddanka
7) Schoolaad iyo Jaamacado Boodhamo ah oo tayo sare leh oo laga furi doono Goboladoo dhan si loogaga faa'iideeyo Ardayda Danyarta ah een Awooodi karin Waxbarashada, Cuntada iyo Hoyga midna.
8) Farxad maalinta qalin jebinta iyo mustaqbal Iftiimaya ood og tihiin in xukuumadiinu idinla garab taagan tahay waxqabad dhab ah
9) Xirfada iyo Aqoonta ardayga oo laga faa'iidaysto loogana faa'iidayn doono, iyadoo Arday walba waxuu ku fiican yahay lagu jihayn doono, looguna diri doono Jaamacadaha Dalka iyo Dibadaba ( Tusaale Ardayga Raba Inuu Duuliye noqdo ee karti-aqooneed-keedana leh Deeq waxbarasho oo dibada ah baa diyaar u ah).
10) Ardaygoo lagu qiimayn doono Aqoontiisa balse aan loo eegi doonin Gobolkuu ka soo jeedo, Xigto iyo Xigaalo toona.
11) Isdhexgal Ardayda iyo Schoolaadka dalka la isugu mataanayn doono.
12) Tartan Aqoon isweydaarsi oo loo qaban doono Schoolaadka, Macadada iyo Jaamacadaha wadanka.
13) Gobolada Waddankiina oo la idin bari doono iyadoo Dalxiis iyo Dalbarasho la idiin geyn doono gobolada dalkoo dhan.

Ardayeey, Qodobadani waxay hordhac yar u yihiin Qorshe buuxa oo xisbiga Waddani u diyaariyey Waxbarashada iyo Ardayda Dalka, oon hubo inay waxtar idiin yeelan doonaan aadna aad ugu farxi doontaan. Hadaba Waxaan ahay WADDANI oo mar kale idin leh WADDANI BAA SOO SOCDEE TAHRIIBKA WAX-YAR II SII HAKIYA.


Afhayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga WADDANI 

Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
· ifraax on September 16 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired