Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumada oo ka Heshiiyey .

Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumada Somaliland ayaa ku Heshiiyey in Diwaangalinta Muwaadiniinta ay wakhtigeeda ku Qabsoonto iyada oo laysla qaatay in qofka aan Diwaangalinta Madaniga ah ka qaybgalin aan lagu xidhin marka uu qaadanayo  kaadhka codbixiyaasha.

Kulanka ay Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumadu ku heshiinayeen ayaa waxa uu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland, waxana shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxman Cabdilaahi (Saylici)  Wasiirka Arrimaah Gudaha Cali Warancade,  Guddoomiyaha Golaha wakiilada ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Cirro, Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay. “Halkan waxanu isku nimid in bulshada reer Somaliland u sheegno, in lagga heshiiyey Khilaafkii yaraa ee Labbada Diwaangalinood ta Codbixiyaasha iyo Ta Madaniga ah, wixii madmadow ah ee ku jiray.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi ismaciil (Saylici) oo isaguna ka hadlay nuxurka heshiiskan ayaa waxa uu yidhi. “sidaad maalmahan la socoteen waxa ina soo dhexgalay Buuq, buuqasi oo ahaa arrinta labbada Diwaangalinood,  Diwaangalinta Muwaadiniinta iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha oo isasaaran oo labaduba ah  dan qaran ah oo runtii ahayd in dhawaan in ay Bilaabman balse dareen ka dhashay, kaasi oo dhex maray Xukumada iyo Axsaabta, waxanu illaa shallay iyo maanta ka shaqeynaynay in aanu isku soo dhaweyno, taasi oo xeerkii Diwaangalinta muwaadiniinta iyo xeerkii Doorashooyinku hor yaallo, marka waxanu ku heshiinay in xeerkii diwaangalintu sidiisi u socdo wixii qodob iyo labba ee lagga taabtayna madaxweynuhu ka dabba gudbiyo oo golaha wakiilada loo gudbiyo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku Saylici.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna ka hadlay heshiiska ay wadda gaadheen Xisbiyada mucaaridka iyo Xukumadu ayaa waxa uu yidhi. “Aragtiyo kala Duwanbaa ka soo baxay xeerkii Golaha loo gudbiyey ee  kala ahaa Xeerka Diwaangalinta Muwaadiniinta, iyo diwaangalinta codbixiyaasha, iyada oo la eegayo heshiisyadii hore, waxa ay ahayd in labbada diwaangalinood aanay isdabrin oo kala madaxbanaanadan, markanu aad u gorfaynay waxanu isla garanay wixii aanu u arkaynay in ay dabrayso diwaangalinta Codbixiyaasha oo aan kala madaxbanaanayn labbada diwaangalinood aragti mideysan ayaanu isku waafaqnay, sidda la sheegayna Madaxweynaha u gudbindoona Golaha, taasi ayaan u sheegaya shacabka Somaliland.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Waddani Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isagu sheegay in aanay Xisbiyada Mucaaridku diidanayn diwaangalin Muwaadiniinta basle in heshiis mideysan lagga gaadho sidii aanay labbada diwaangalinood aanay iskugu dhici lahay. Waxanu yidhi.  “Haddii aanu nahay Axsaabta Mucaaridka marna kammaanan soo horjeedin in la qaato kaadhka muwaadinimada, marna Xamar u maanan socon sidda Odeyaasha qaar lahayeen, waxan leeyahay arrintii way dhammaatay ee qaata Kaadhka qofkii ka gaadhi waayahan muwaadinimadiida uunba la xaqiijini, marka markii horeba maanan diidanayn ee qodaxda yar uunbanu ka saaraynay.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Ucid.

Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay Madashaasi ayaa Tilmaamay in ka xisbi ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiska la gaadhay oo ah mid taarikhi ah, waxanu tilaamay in Xisbiyada iyo Xukumada heshiiyeen.

 

Hargeysa Online

· abdi on September 21 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired