Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Akaadamiyada Nabada oo Kulan Casho ah u samaysay Xuukumada.

Hargeysa(Hargeysa Online)Kulan casho oo lagu sii xoojinaayey is-afgarashadii ay maalin ka hor Xukuumada iyo Axsaabta Qaranku ka gaadheen khilaafkii muddooyinkii danbe ka taagnaa Diiwaan galinta Madaniga ah oo soo qaban qaabisay Xarunta Akaadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland ayaa xalay ay u samaysay Saddexda guddoomiye ee Axsaabta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Kulankan oo ka dhacay Hotel Maansoor ee Magaalad Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada Iyo Horumarka Somaliland Md:Maxamed Faarax Xirsi,guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Muj:Muuse Biixi Cabdi,guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),iyo guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe.

Markii kulankaasi Cashada ahi uu soo dhamaaday ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada iyo Horu-marka Somaliland Md:

“Horta marka hore Saddexda guddoomiye aad ayaanu ugu mahad celinaynaa hadaanu nahay Akaadamiyada Nabada iyo Horumarka,Akaadamiyaduna door-weyn ayaa ay ka soo ciyaartay Xalintii khilaafaadka iyo Nabada ee Somaliland iyo ta Dimuqraadiga ahba waana ta ay Somaliland ku caano maashay waa bud dhigeedii,waa meel dhex dhexaad ah,waana meel cid kastana ay aaminsan tahay anaguna aadbaanu ugu mahad celinaynaa sidaas ay Asxaabtu aanu u wada shaqayno,arrintii shalay dhacday oo aanu doorweyna ka qaadanay oo illaa Sanadkii 2013-kii soo socotay,waxaanu aad uga mahad celinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo runtii arrimahaasi aqbalay iyo Axsaabta Mucaaradka ah oo Labad Xisbi ee guddoomiyeyaashooda ee guddoomiye Faysal iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-ba oo iyaguna runtii waayo arragnimo badan iyo bisayl badan muujiyey”Ayuu yidhi guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si aada uga mahad celinayaan Akaadamiyada kulankan cashada ah ee ay ku kulan siisay hogaamiyaasha Saddexda Xisbi Qaran.

“Sida aad ka warqabteenba dee waxii hawla ah shalay ayaa uu dhamaaday ee Axsaabta iyo Xukuumaduba ay wada hadleen,Saxaafadana waa ay la hadleen,Markaa caawa Saddexda guddoomiye,waxaa casho u sameeyey Akaadamiyada oo runtii aanu ugu mahad naqayno doorkii ay ka qayb qaadatay arrimaha isku soo dhawayntooda waliba arrimahan iyo arrimihii horeba,Markaa caawana qorshe gaar ahi muu jirin se waxaa ay ahayd uun xafladii hawlhii shalay lagu guulaystay ayaa uun ay ahayd”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Eng:Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay ka Asxaab ahaan ay aad iyo aad kalsooni badan ugu qabaan Akaadamiyada Nabada isla mar ahaantaana ay tahay xarun dhexdhexaad ah oo aan dhinacna u xaglinin.

“Akaadamiyadu illaa iyo bilaw arrimahan waa ay nagala shaqaysay illaa sanadkii hore bilawgiisii,heshiisyadii saddexda Xisbi wada galeen,daakhiliga iyo Komishanku iyaga ayaa go’gasha dhigay,markastana iyaga ayaa isku kaaya soo dhaweeya,caawana casho ayaa ay noogu dareen maadaama safarkii dheeraa ee la soo maray lagu gaadhay heshiiskan shalay noo dhamaaday,waxaanan jecel nahay in ay sidaas u sii wadaan arrimaha qaranka ee Asxaabta Siyaasada in aana gacanta kala bixin waana maanta meesha kaliya ee aynu haysano ee ah dhex dhexaadka”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe

Ugu danbayntiina guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa AKaadmiyada Nabada ku amaanay doorka ay ka qaadato arrimaha xalinta Khilaafaadka,waxaana uu ku dhiiri galiyey in ay halkaasi ka sii wadaan hawla muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

“Mahadnaqaa Akaadamiyada waanu u haynaa waana ay dadaalayaan oo qoladan Akaadamiyada aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa,dadaalkoodana waanu u arkaynaa oo Xil weyn ayaa ay hayaan,ta kale caawa cashadani waxaa ay ahayd wanqal is afgaradkii shalay dhacay loo wan qalaayey oo ay Akaadamiyadu ay soo qaban qaabisay,waana aanu u mahad naqaynaa taana guud ahaan umada u shacbigana waxaanu ugu baaqaynaa waxaa aynu u baahanahay waa midnimo,wadajir oo in aynaan hoosteena eegin ee aynu dusheena eegno”Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on September 23 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>