Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shir uga qabsoomay gudida beesha Ciidagale magaalada London go,aanno ka soo baxay.

Bismillaahi Arramanirraxeem.  Ummada reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Waxaa shir uga qabsoomay gudida beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) dalka Ingiriiska magaalo madaxdiisa London, maalintii sabtida ahayd kuna beegnayd 11/10/2014, shirkaas oo ay kaga arrinsanayeen danaha beesha iyo guudahaan xaaladda dalka jamhuuriyadda Somaliland,

 

Shirkaas oo ku furmay Aayado qur,aanka kariimka ah

Ugu hoorrayn waxaa ka hadlay guddoomiyaha jaalliyada beesha mudane Deeq Cabdi Digale,waxaanu si faahfaahsan uga warbixiyey  wixii gudida u qabsoomay iyo qorshayaahsa ku talo galka ah ee loo baahanyahay in la qabto,waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyey sidii loo wada ilaalin laha nabadgelyada iyo xasilloonida guudahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxa iyaduna hadalo dhaxalgal ah ka soo jeedisay guddoomiyadda isla gudida ee garabka haweenka marwo Marwo Amina Xaashi Guuleed oo ku dheeraatay sidii loo wada ilaalin lahaa nabadagelyada waxaanay ka dayrisay arrinta laga soo cusbooneeyey Tiyaatarka Magaalada Hargaysa oo hore si wada jir ah heshiis looga gaadhay, laguna tilmaami karo fidno abuur aanu shacbiga Somaliland u baahnayn, waxaa kale oo hadallo murti leh ka soo jeediyey kulankaas Guddoomiye ku Xigeenka gudida Mudane Mustafe Cabdilaahi Ismaciil oo ku dheeraaraday muhiimada ay leedahay wada shaqayntu iyo in loo hagar baxo danaha beesha iyo guudahaan qaranka reer Somaliland,waxaa kale oo shirkaa ka wada hadlay Mudane Fuad Cisman Muxumed,Maxamed cabdi Oomaar,Marwo Sahra Ismaciil Xasan,Marwo Hodan Suldan Rashid,Marwo Foosiya Cisman Cawaale,waxaanay dhammaantood ku celceliyeen sidii loo wada meel looga wada soo jeedi lahaa midnimada beelaha Somaliland, waxaanay raaciyeen in sharciga dalka u sidiisa loogu dhaqmo ciddii garab martana sharciga la hor keeno.

 

Shirkaas waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.
  1. Nabadgelyada dalka Somaliland oo si wada jir ah loo ilaaliyo.
  2. In ay beelaha reer Somaliland midnimadooda meel uga wada jeestaan beesha Ciidagalena hormood ugu ahataato,taas oo qarannimada tiir adag u ah.
  3. In beesha Ciidagale saamiga dawladda aan laga duudsiyi karin.
  4. Sharciga dalka u yaalla oo sidiisa loogu dhaqmo.
  5. In ciddii sharciga dalka baal marta ama ku gafta dacwad lagu soo oogo hadday shacab tahay iyo xil hayeba sharcigana loo sinnaado.
  6. Laga dheeraado wixii dalka fidno u keeni kara,gacan bira lagu qabto ciddii ku kacda.
  7. In cadawga dalka meel looga wada jeesta il gaarana lagu wada hayo.
  8. Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah albaab walba u garaaco aqoonsiga dalka oo aan cid gaara lagu hallayn.
  9. In arrinta Tiyaatarka magaalada Hargaysa  ee ay hadda xiisadeedu taagantay xubnaha dawlada ee dabka hurina ummadu iska qabato sharcigana la hor keeno.
  10. Jalliyada beesha Ciidagale waxay xoojinayaan in ay beeshu shir isugu timaado ay aayaheeda kaga tashanayso inta aanu sannadkani dhammaan 2014.
  11. Dawlada waxaanu ku waaninayna in ay rabitaanka shacabka tix geliso oo aanay dhayalsan.
  12. In la iclaamiyo jaalliyada beesha ee deggen uk shir ay isugu iman doonto bisha December 13/2014.

image-9a1a8f8a3174afa3d29f834ee8427d31b3eaf99ba62cbb9bf1ba256d93f9dce7-v.jpg

image-54c48adcfb3ed1f54af7bdf33e795044d505ec7e0e2a3bfb2dd981cf8d762bd2-v.jpg

image-fb67c65401cdeeddf07a3319db604a6c0d1b22c736d12321d242e2dc2a375ef3-v.jpg

Gudidu waxay qodobkan 9 aad ka soo saartay Baaqan ku wajahan dawlada iyo muwaadin kasta oo reer Somaliland ah iyo cid walba oo nabadgelyada dalka danaynaysa.
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo GudigaDiiwaan-Gelinta

Taariikh: 14/10/2014.


Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) waxaanu uga digaynaa xubnaha dawlada ka midka ah ee fidnada dalka ka hurinaya in ay ka waantoobaan dhibaatada ka dhalan karta ficilka foosha xun ee ay ku kacayaan ,kaas oo ah arrinta Tiyaatarka ee hore looga heshiiyey si wanaagsana loo soo afjaray.


 

Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.

Deeq Cabdi Digale

· ifraax on October 14 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>