Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland waxay Tusaale u noqon doontaa dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay furay shirka maalgashiga Somaliland oo dawladda ingiriisku u qabatay Somaliland kaas oo ka dhacay magaalada London.

Shirkan maalgashiga Somaliland ayaa waxa soo qaybgallay wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska, madax ka tirsan ingiriiska, shirkadaha  maalgashiga Ingiriiska iyo ganacsato Soomaaliyeed oo iskugu jira kuwo Somaliland iyo kuwo Soomaaliyaba ah.

Madaxweyn Siilaanyo ayaa khudbad dheer oo uu kaga hadlay sida uu usoo dhoweynayo in la maalgashaddo iyo sida ay ugu qallanto in la aqoonsado ayuu halkaasi ka jeediyey, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland.

“Somaliland caan kuma aha oo kaliya in ay is badbaadiso, balse waxay ka shaqaysaa ilaalinta ammaanka degaannadeeda, sababtoo ah waxay leedahay nidaam ay kaga wada hadasho hoos Illaa kor sida qaranka loo dhisaayo, taasoo kor u qaada rajooyinka bulshada caalamku ka qabto Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo sharaxaya Somaliland iyo waxay qabsatay.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan rumaysan nahay in Somaliland tusaale u noqon doonto waddamada kale ee Geeska Afrika waxa uu horumarka casriga ah ee guulaystay yahay. Anigoo Qaranka Somaliland u hadlaya waxaan idinku dhiirigelinayaa qof kasta oo idinka mid ah inaad taageerro muhiim ah ka siisaan Somaliland safarkeeda ku aadan in ay noqoto Qaran Geeska Afrika ka mid ah.”

Madaxweynuhu mar uu ka hadlay sida loo maalgashanayo iyo fursadaha ka banaan xaga maalshiga waxa uu yidhi “ shirkani waxay tusaysaa maal-gashadayaasha caalamiga ah in Somaliland yahay waddan ganacsiga u furan, waxaanay leedahay meelo badan oo la maalgashan karo, barwaaqada iyo horumarka ka jira Somaliland waa waxa maanta halkan isugu keen keenay,”,

“Martida sharafta leh ee kala duwan waxaan jecelahay in aan wax idiinka sheego qaran ku yaala Geeska Afrika oo dhul ahaan leeg England iyo Wales oo la isku daray oo aan bulshada caalamka ku jirin, kaasoo ku yaala gobol rabshado hadheeyeen, balse waxa uu leeyahay arrimo cajiib ah oo in yar oo idinka mid ah aanay garanayn, tusaale ahaan waxa uu ku caano maalay nabad iyo xasiloonida oo muddo ka badan 23 sannadood ka jirtay. Waxaanad arkaysaa lacag badan oo suuqyada mashquulka ah dhex taalla caasimada oo aan dadka lahaa cabsi ka qabin in la dhaco”ayuu khudbadiisa oo dheer ka mid ahaa hadalkiisa..

Sidoo kale, waxa iyaguna shirkadaha ajanabiga u sharxay maalgashiga Somaliland u baahantahay iyo fursadaha ka jira wasiirka Qorsheynta Qaranka, wasiirka Beeraha, wasiirka Biyaha iyo wasiirka Arrimaha Dibadda, kuwaas oo ganacsataddii ka soo qaybgashaynaya su’aalo waydiiyeen.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya oo Somaliland ku amaanay horumarka ay gaadhay, isagoo xusay inay dadka Somaliland ciidamaddii ingiriiska ay la barbar dagalamayeen wakhtiyaddii dagaalkii labaad ee aduunka.

Dhinaca kale, Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageero ka gaysan doonto kor u qaadidda kobocoa dhaqaale ee Somaliland, isla markaaana ay u noqon lahayd meel barwaaqo ah.

“Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland waxay si wadajir ah u qabteen shir ganacsi oo la doonayo in lagu kobciyo ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee Somaliland, waxayna Ingiriiska iyo Somaliland la kulmeen ganacsatada, kuna dhiirrigeliyeen in la maalgashado khayraadka ay qaniga ku tahay Somaliland, si loo abuuro fursado lagu kobciyo dhaqaalaha, laguna yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo ka hadlayey ujeedadda shirkaasi maalgashiga ugu qabteen Somaliland.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· ifraax on October 15 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>