Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Mudane Al-Franken oo Wiil Soomaali ah u Magacaabay Jago sare (Minesota)

Al Franken oo ah mid ka ah labada xubnaha (Senate) laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa Cusmaan Cali Axmed oo ah wiil Soomaali ah u magacaabay xubin ka mid ah shaqaalaha tirada yar ee ka shaqeynaya xaafiiskiisa, iyadoo Cusmaan uu noqoyo qofkii ugu horreyey ee ka soo jeeda bariga Afrika oo loo magacaabo xilkaas tan iyo intii la doortay Al Franken. Cusmaan Cali Axmed, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo intaasi ku daray tani ay tahay mid sare u qaadaysa kalsoonida Soomaalida iyo xirfaddiisa shaqo, islamarkaana ku abuuraysa dhiiranaan iyo dadaal dheeri ah. “Waxaan ku faraxsanahay in aan ka mid noqdo shaqaalaha xildhibaan Al Franken, aad ayaana u qanacsanahay in aan la shaqeeyo mid ka mid ah xildhibaanadda Mareykanka ee ugu maskaxda iyo degganaanta badan,”

201516635561101825045413al20franken20and20osman.jpg

201516635561102542892762osman1.jpg

201516635561103884169447osman20k.jpg

ayuu yiri Cusmaan Axmed. Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee muddooyinkii ugu dambeeyey sida weyn uga dhex-muuqday siyaasadda gobolka Minnesota, isagoo la soo shaqeeyey siyaasiin xilal waaweyn ka qabtay gobolka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Al Franken oo dhawaan markii labaad loo doortay aqalka sare ee Mareykanka, Keith Allison oo isna markii labaad loo doortay aqalka Koongareeska, iyo gabadha dhawaan loo doortay duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges. Cusmaan ayaa xiliyadda doorashada lagu arki jiray goobaha ay Somalidu ku badan tahay, isagoo u ololaynaya shaqsiyaadkaasi, isagoo markii ugu dambeysay ololaha doorashadiisa si weyn ugala shaqeeyey xildhibaal Al Franken, oo shalay markii labaad loo dhaariyey xaafiiska. Ma ahan Cusmaan oo kaliya shaqsiyaadka la shaqeynaya madaxda laga soo doortay gobolka Minnesota, sidoo kale Betsy Hodges oo iyadana dhawaan loo doortay duqa magaaladda Minneapolis ayaa Cabdiraxmaan Muuse oo ah isna Soomaali u magacowday la taliyaheeda sare ee dhinaca siyaasadda. Soomaalida Mareykanka ayaa gobolka Minnesota wuxuu u yahay halka ugu badan ee ay ku nool yihiin marka la eego dalka Mareykanka, waxayna ay kaalin fir-fircoon ku leeyihiin dhaqdhaaqyada bulshada sida: siyaasadda, ganacsiga, iyo waxbarashada. Waxaa sidoo kale ay ka shaqeeyaan xafiisyada dowladda iyo hay’addaha amniga sida booliska.

Hargeysa Online.Net

· abdi on January 06 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>