Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxwaynaha Somaliland Oo Borama U Tagey Tabashooyinkii Reer awdal.

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay safar shaqo ugu baxay gobollada galbeedka dalka, kuwaasi oo ka mid yihiin, Gabiley iyo AWDAL.



Madaxwaynaha oo weftigiisa ay ka mid yihiin Wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda, Boosaha, Beeraha,Warfaafinta iyo Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan, ayaa waxa lagu soo dhaweeyay degmooyinka Arabsiyo,Gebilay, Dila, Boon iyo Magaalada Boorama oo uu safarka Madaxwaynuhu ku ekaa.
Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka uu sii maray ee gobollada Gabiley iyo AWDAL ayaa si weyn u soo
dhaweeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaana degmooyinka qaarkood Madaxweynaha loo dhigay roogga casee Madaxda lagu qaabilo, iyaga oo dadweynuhu u muujiyey Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa taageero laxaad leh.
Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo ahayd halkii ugu horeysay ee Weftiga lagu soo dhaweeyay ayaa waxa Madaxweynuhu xadhigga kaga jaray biyo xidheen laga hirgeliyey dooxa weyn ee dhanka galbeed ka mara Arabsiyo.
Maamulka Gobolka Gabiley iyo ka degmada Arabsiyo oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyey Mashruucaasi iyo kuwo kale oo halkaasi laga hirgelinayo iyo kuwo dhammaday.
Markaasi ka dib, waxa weftiga Madaxwaynuhu oo halkaasi ka gudbay si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Dila ee gobolka AWDAL, waxaana halkaasi Madaxwaynaha iyo weftigiisa kaga hor-yimid Dadweyne aad u tiro badan oo lulayey caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo ugu horeeyo Badhasaabka gobolka
AWDAL, Cabdoo Axmed Aayir. Badhasaabka gobolkaasi oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa waxa uu aad ugu mahad-naqey dadweynaha degmada Dila oo aan u kala hadhin soo dhaweynta weftiga Madaxwaynaha, isaga oo si gaar ah uga Mahad-naqay Madax-dhaqameedka degmadaasi oo aan ka madhnayn soo dhaweyntaasi.
Madasha soo dhaweynta ee ay weftiga u sameeyeen shacabka reer Dila, ayaa waxa uu Madaxwaynuhu ka jeediyay hadal kooban oo uu ugu mahad-naqey dadkii soo dhaweeyay, waxaanu yidhi “Dadweynaha sharafta leh ee reer Dila aad iyo aad baan idiinku mahad-celinayaa sida qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen, taasi oo caadadiina ah mar kasta oo aanu halkan mareyno ama aanu gobolkan mareynno”
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu reer Dila qadarin ku siinayo soo dhaweyntooda “Sida aad noo soo dhaweyseen qadarin ayaanu idinku siinaynaa. Waxaanu mareynaa gobollo badan oo dalka ah, Imikana (shalay) waxaanu ku soconaa galbeedka (Borama). Laakiin dhibaatooyinka aad sheegateen wixii aanu ka qaban karno waanu ka qabaneynaa, wax alaale iyo wax aanu kala hadheynaana ma jirto”
Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa markaasi ka dib si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Borama ee xarunta gobolka AWDAL, waxaanu halkaasi oo uu muddo kooban joogay kula kulmay Maamulka Gobolkaasi iyo
qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Awdal, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha tabashooyinka ay xukuumadda ka sheeganayaan, laakiin ilaa hadda lama waxay isla meel dhigeen, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay ballameen isla-markaana wakhti qabsadeen.
Madaxeynaha oo sidoo kale deegaannada uu sii maray ay ka mid ahayd degmada Baki, ayaa xalay dib ugu soo laabtay degmada Tog-wajaale oo uu seexday. Halkaasi oo uu Madaxwaynuhu subaxda uga gudbi doono dhanka degmooyinka Alleybaday, Balli-gubadle iyo Sallaxley.

Hargeysa Online

· ifraax on January 16 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired