Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qabsoomida doorashadu waa Quruxda Wadankayga.

Hanaanka jiritaan  ee wadan amaba  xasiloonidda  waarta ee  qawmiyaddi adduunkani ugu nooshahay waa marka ay is garawsadaan , is ogolaadaan  oo sharci iyo nidaam kala hagga oo meel kala mariyaana uu jiro.Se ummadda kala yeelan wayda madax, minjo iyo maxasba  waxa ay ku danbeeyaan jahawareer, isqabqabsi, is faquuqis iyo colaad waarta. haddaba ayaamahani waxaa dhagaha bulsho weynta reer Somaliland kusoo noqnoqnayay oo sida dananka markasta ugu soo dhacaayay  erayga ’DIB U DHAC DOORASHO’  , tani oo in badan oo bulsho weynta ka mid ahi ay ku adkaatay inay macneeyaan  sababaha dhabta ah ee ee ka danbeeya arrintanni . 
sidaasi daraadeed muwaadin sidaad la wada socotaan doorashaddu waa rukun ka mid ah rukumadda  siyaasadeed ee adduunkanni u yaala , waa tiir iyo goob wada sinta muwaadiniinta meel kuwada nool  oo ka saarta meesha inuu yimaado nidaam boqornimo amaba kali talisnimo  oo koox amaba shaqsiyad gaar ahi ku afduubato bulsho.  Sidaasi aawdeed ka warwarka iyo ka farka muwaadinta kasta oo Somaliland ku nooli uu ka warwaraayo doorasho xilligeega ku dhacdaa  waa mid  muhiim u ah aayo ka tashigeena iyo wada noolashaheena , waa mid keenaysa inaynu hadba fursad siino ka dalkani iyo dadkani faa’iidada u leh ee u horseedi kara ummadda horumar iyo barwaaqo waarta.Maaha doorashaddu  mid keenta  qas iyo buuq, mana aha mid ay waajib tahay inaynu markasta ku badalno hanaanka siyaasi amaba xisbi siyaasadeed ee wadanka ka jira, se waa mid ah kala xulasho togan.Sidaasi daraadeed waxaan maanta qalinka  u qaatay inaan wax ka yidhaahdo  doorashadda inbadan badan oo inaga mid ahi ay sugayaan amaba ay dhawarayaan dhicitaankeeda, doorashadda sida ku cad dastuurkani dalka u yaala iyo shuruucda kaabista ah ee ku ladhanba waxa uu sharcigu leeyahay “golaha xukuumadda iyo goloyaasha xeer dajintuba  waxa ay leeyihiin muddo xilleed go’an, oo ka bilaabanta maalinta  xilka loo dhaariyo kunna jaan go’an muddo shan sanadood ah”. Waxa kale oo sharciga dalka u yaalaa dhigayaa  in golayaasha aan kor kusoo xusnay mid kastaaba muddo kordhini  ay banaan tahay in loo sameeyo,  “waa haddii dalka ay soo waajahaan aafooyin dabiici, cuduradda faafa iyo amaan darro baahsan oo dalka oo dhan ku baahda”. se sida aan ilaa hadda arkayno ama aan kawada dharag sanahay taasi dalka kama dhicin, sidaasi daraadeed wixii intaasi kasoo hadha oo dhanni waxay xaaraan ka dhigayaan in doorashaddu dib u dhacdo.   Intaasi kadib qabsoomidda doorashaddu waa astaan muhiim u ah jiritaanka iyo midnimadda Somaliland , waxkasta oo dib u dhigayaana waxay keenayaan walwal iyo walaac badan oo soo waajaha dalka.Haddaba si jawi  doorasho oo habooni wadanka uga hirgalo 26 june 2015, waxa muhiim ah  in dhamaanba laamaha kala duwan ee  xukuumiga  iyo siyaasiga ah ee dalka ka jiraa kawada shaqeeyaan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd;  maaha in golaha xukuumaddu ku dadaasho muddo kordhin sababta oo ah shacbiga soo doortay xukuumadda iyo kuwii aan dooran ee xisbiyadda kale kasoo jeeday ee lagaga guulaysatay doorashooyinkii hore waxay diyaar u yihiin in mar kale tijaabiyaan rabitaankooda siyaasadeed doortaanna cidda ay u baahanyihiin. Dhanka kale waxa munaasib ah si doorasho u dhacdo in dhamaanba  xisbiyadda mucaaridka ah ee dalka ka jiraa la yimaadaan nidaam iyo qorshe cad oo ay ku waajahayaan  habsami u qabsoomidda doorashadda, maaha in xisbiyaddu kasoo qayliyaan sida fiinta telefiishanadda iyo  idaacadaha se waa inay noqdaan qaar ka duwan xukuumadda hadda jirta si ay xukuumaddu ugu qasbanaato hirgalinta doorashada .  se tanni ilaa hadda ma cadda sababta oo ah dhamaanba xubnaha mucaaridka ah ee ku jira xisbiyadda siyaasaddu  may soo bandhig nidaam ka duwan kursiga fuul oo hebel badal,  xataa laymay iman nidaamkii xisbi mucaarid lagu yaqaanay ee uuku daadifayn jiray xukuumadda jirta si ay u kasbadaan quluubta shacbiga. waxaan xasuustaa  badhtamihii  2008 dii markii uu mucaaridka ahaa xisbiga hadda taladda haya ee kulmiye inay  gaadheen  heer ay xataa yidhaahdaan waxaanu kaga soo saaraynaa UL  madaxtooyadda haddiiiba uu doorashadda waqtigeega ku qaban waayo H.E. MD RAYALE( inkasta oo dhaqan fiican aanay ahayn se xisbiga mucaaridku waa inoo noqdaa mid awoodaas oo kale leh) , waxaa kale dhici jirtay inay si joogto ah ugu weerari jireen warbaahinta amaba ay dhigi jireen mudaharaaddo iyo banaanbaxyo lagu kasbanayo quluubta shacbiga si dawladda loo nacsiiyo.  Haddaba waxa xisbiga mucaaridka ah lagu yaqaanaa nidaam diirdiiran oo qalad kasta ka dhiidhiya, se mucaaradka hadda jiraa waaka gaabiyeen doorkoodii, tani  aawadeedna waxaa dhacaysa  in xukuumadda hadda jirtaa ku dhiiran waydo doorasho qabsoonta.
Dhanka kale ilaa hadda xubno badan oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan hanashadda dalku waxay iyaga laf ahaantoodu gacan saar la leeyihiin golaha xukuumadda, halka qaar badan oo ka mid ahina ayba xilal dastuuri ah ka hayaan dalka, tanina waxay keenaysaa in xukuumadda iyo mucaafridku isku qaldamaan.  Tusaale ahaan guddoomiyaha iyo musharaxa  xisbiga wadani CABDIRAXMAN CIRRO  waa guddoomiyaha golaha wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland, oo uu ahaa muddo ku dhaw 10 sanadood tannina waxa ay ku tusinaysaa sida muddo dhaafka xadhkaha goosatay ah ee uu xilkaasi si aan dastuuri ahayn ugu fadhiyo. Sidaasi daraadeed muwaadin marka xubno badan oo inaga raba coddi nidaamkan iska fadhiga xaaraanta ah kusoo barbaareen, Malaga filayaa in xukuumadduna si xalaal ah muddadeeda u dhamaysato?  maxaanse ka filaynaa muddada dhaw ee soo socota haddiiba dalkani ay hantiyaan?.Cabdiraxmaan cirro waxaan leeyahay  “guddoomiye  shacbigaaga si aad u hantido kalsoonina aad ugu beerto kala daa beerka jecli xaydha jecli”.Maana aha xisbiga mucaaridka ahi inuu noqdo mid eegta uun  sidii uu kursiga ku fuuli lahaa, se waa inuu noqdaa xisbiga mucaaradka ahi  si doorasho u qabsoonto mid furfuran oo leh siyaasad hufan oo balaadhan, waa in xisbiga mucaaridka ahi la yeeshaa xidhiidh dhaw oo joogto ah dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo beesha caalamkaba ; waana in xisbiga mucaaridka ahi noqdaa mid ku qasbi karra xukuumadda jirta sidii ay ugu dhaqmi lahayd sharciyadda iyo dastuurka dalka u yaala. se ayaan darro xisbiyadda dalka ka jira hanaankooda macaamil  iyo siyaasadooda xidhiidhka bulshaddu waa mid aad u liidata , Tusaale ahaan waxaan xasuusta muddo haatan  laga joogo dhawr bilood  mar labada musharax ee madaxweyne iyo madaxweyane ku xigeen isaga ah xisbiga mucaaridka ah ee UCID  si ay usoo  indho indheeyaan xaaladda ay ku suganyahiin shacbigoogu  ay  bas ka mid ah ku magaaladda Hargeysa ka baxa  la raaceen shacabka kuna dhex waraysteen,  se waxaan leeyahay hanaanka ka warhayneed iyo u kuur gallidda xaaladda bulshada wadankiina ku nooli maaha mid u baahan  afar minute oo bas la raaco oo fiidyow layska soo duube.  se waa  mid intaasi ka balaadhan ee la kaalaya nidaam hufan oo sameeya  bandhigyo iyo goobo aad kulla kulantaan dadkiina.   Sidoo kale mucaarad isku sheega hadda dalka ka jiraa isaga ayaa ah sababta koowaad ee dib u dhaca doorashadda keenaysa , sababta oo ah wali sidaan hore kusoo sheegnay maynaan arag mucaarid quwad leh oo xukuumadda muquuniya amaba leh astaan mucaaridnimo. Sidaasi aawadeed haddiiba la rabo in doorasho qabsoonto waa in mucaaridku quwad yeeshaa.Dhanka kale dalka waxa berri iyo galbeedba kaga furan colaado tiro yar oo damintooda iyo soo afjaritaankooduba u baahan yihiin nidaam cadaali ah oo hufan, hase ahaate xukuumadda hadda  jirta waxa ay ku dadaalaysaa sidii colaadahaasi usii hurri lahaayeen ee ummadda  reer Somaliland ee kala duwani  ukala dheeraan lahaayeen tanina sababta ugu weyn ee ka danbaysa  waxay tahay sidii xukuumaddu kursigeega usii xajisan lahayd doorashadduna dib ugu dhici lahayd.  Sidaasi aawadeed xukuumadda waxaan ugu baaqaynaa inay nidaamka  hanaan nabad galyo ee wadanka ka jira u isticmaalin mid lagu waxyeeleeye qabsoomidda doorashadda, se xukuumaddu waa inay ku dadaashaa sidii dad iyo dal isu mid ah oo is ogol u beeri lahayd.
Intaasi kadib waxaan dhamaanba xukuumadda iyo ummadda reer somalilandba ugu baaqayaa inay  u guntadaan  habsami u qabsoomidda doorashadda cidii doontaaba haku guulaysatee, sababta oo ah doorasho qabsoontaa waxay inoo leedahay:In dhamaanba bulshaweynta baladhan ee dalka ku nooli helaan fursad ay ku doortaan ciday rabaan, tanina waxay kor u qaadaysaa is aaminaada dalka ka jirta.In  madaxweynaha qaranka oo ah masuulka ugu sareeya dalka kani noqdo qof qawl leh oo ummadda tusaale wacan u horseeda, taariikhdana gala kadib marka uu fuliyo qawlkiisii ahaa “yaan hal maalin laygu darin marka muddo xilleedkaygu dhamaado”.In wadamadda jaarka inala ah iyo beesha caalamkuba kalsooni dheeraad ahi kusii abuuranto wada macaamil siyaasadeedna ina dhexmaro . Hadda waxaa jirta in xidhiidhka dublumaasiyadeed ee wadankeenu wadamadda jaarka la leeyahay hoos u dhacay, tusaale ahaan waxa qaylo dhaani kasoo yeedhaysaa xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo DJIBOUTI , waxa dhanka kale tiroba dhawr jeer ah hore loo xidhay xuduudka inoo dhaxeeya EHTOPIA. Sidaasi aawadeed doorashadda oo dib u dhacdaa waxay sii xumaynayaa xidhiidhadan siyaasadeed( political tie).In aynu ka fogaanno saamaynta baaxadda leh ee ay inagu yeelan karto haddiiba ay inaga hor qabsoonto doorashadda madaxtinimadda soomaliyi, taasi oo inbadan oo ka mid ah bulsho weynta caalamku danaynayaan.In deeq bixiyaasha  iyo guddiyadda farsamo ee inaga caawiya doorashaddu sawir fiican inaga bixiyaan.
Gabo gaboHaddaba doorashadda oo dib u dhacdaa waxay noqon doontaa boog madaw oo kusoo biirta rajadeena sii jiritaan, sidaasi aawadeed haddaan ahay muwaadin reer Somaliland ah cidii doontaaba haka guulaysato doorashadee waxa noo dan ahi waa In doorashaddu xilligeega ku dhacdo, kamana yeeli doono cid kasta oo qarankani sumcadiisa ku ciyaarysaa inay siday doonaan ugu galgashaan milgaha wadankayga, noqonna mayso ciidaydu bar lagu dibira dhacsado. se wadanka anagaa leh, yeelan doona, ujoogna, unna jirri doona , mana ah in xisbiyadda mucaaradka ahi ku hanjabaan haddii doorasho dhici waydo midnimadda Somaliland baan khal khal gallin doonaa.
Somaliland waa wadan jiritaankiisi loo soo halgamay,Sii joogitaankeeda anaga ayaa u halgmayna.

 

W/Q: MOHAMED CABDILAAHI BIIHIADDIS-ABABA, ETHOPIA.MEDICAL STUDENT AND POLITICAL OBSERVER.

· ifraax on March 05 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>