Waxaa habeenkii xalay 1/3/2015 shir ku yeeshay guddida horumarinta beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) ee jaalliyada deggen dalka Ingiriiska, shirkaas oo ay kaga wada hadlaysay sida qallafsan iyo hagardaamooyinka ay kula kacdo xukuudda lagu aaminay masiirka shacabka reer Somaliland oo aan marnaba loo adkaysan karin ahna dhibaatooyin is dabajoog ah oo beesha wehel ay uga dhigtay si gaarana u bar tilmaansatay, waxaanay soo jiitamayeen intii ay maammulka dalka gacanta ku haysay ,waxaana ka mid ah ahaana dhacdooyin badan aanse wax ka tilmaano;
Dil badheedha ah, waxaa dhawr goor dhacday dil loo gaystay dad shacab ah oo beesha ahaa, waxaana u dambeeyey dadka ay ciidamada ammaanku xabbadda u adeegsadeen Tiyatarka magalada Hargaysa oo cusbataallada eheladoodu ku dabiibayaan iyo wiilkii dhallinyarada ahaa ee isaga oo kubbad ciyaaraya xabbada ciidamada ammaanku la beegsadeen una geeriyooday iyo kuwa kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin,xukuumada hadda dalka ku amar ku taaglaysa waxay xalaashatay dhiigga muslimiinta ee Allah subxaana wa tacaala karaameeyey,xaqdarro lagu daadiyana aanay bannaanayn.
Barakicinta, xukuumadu waxay barakicisay dad danyar ahaa una adeegsatay ciidanka qaranka ee inuu dalka difaaco ay ahayd oo dadkii ay cadawga kaga gudbanaan lahaayeen cadaw u noqday, waxaana ka mid ahaa,dadkii laga raray madaarka Hargaysa ee ka durugsanaa,dadkii xoogga lagaga muquuniyey dhulka Masallaha dadkaas oo meel loo qorsheeyey aanay jirin , isku daygii xidhidda banka Qoolcaday si loo barakiciyo xoola dhaqatada xoolohooda loo cidhib tirro.
Saamiga dawladda,beesha waxay xukuumaddu ka ilaalisay saamiga ay xaqa ugu leeday dalka, waxay si fudud xilka uga xayuubisaa kuwo marka horeba xil muuqda aanay u dhiibin,xukuumaddu si buuxda ayey u duudsiday saamigii ay beeshu dalka ku lahayd.
Dhallinyarada,maamulka dalka ku amar ku taagleeyaa waxay si gaara u sii bartilmaansadeen jiilka soo kacaya gaarahaan kuwa ka soo jeeda beesha,waxay kula kaceen waxyaabo aan loo adkaysan karin waxaana ka mid ah; dil ,iyo in ay dalka ka ururiyaan una gudbiyaan jeelasha iyo meelo aan la garanayn ujeeduna ay tahay wiiqid quwadda beesha,dhallintaas oo ay ka habboonayd in la mashquuliyo loona abuuro shaqooyin dalka u dan ah,garoommo kubbadda ay ku ciyaraan oo aan xaqooda loogu diidin beesha ay ka soo jeedaan, waana in loona arko in ay yihiin dhallinta mustaqbalka dalka wax ku soo kordhin karta,si ay uga badbadaan dhibka, walwalka iyo walbahaarka ku kallifay tahriibka.
Mashruuca waddada cad, mashruucaas waxaa loo qorsheeyey dhaqaale dhan $4.500,000 afar milyan iyo shan boqol oo kun oo doollar waddadu waxay maraysa 50% qaddarka lacageed ee ku baxay
$2.250,000 laba milyan iyo laba boqol iyo konton kun,dawladdu waxay bixisay oo ku magacaabantay $700,000 inta kale oo ah $1.800,000 waxaa iska kaashaday beesha iyo dad muxsiniin ah dalkana u damqanaya, cashuurta dalka soo gasha $45 waxay ka soo xarootaa deegaanka beeshu degto waxna kuma soo celiso, ugumana qabato.
Haddaba ka dib markii qurbajoogga beesha Daa,uud (Ciidagale) ay daraasad ku sameeyeen arrimaha is barkan ee isugu jira dil,gardarro badheedha ah,barakicin beesha ay bartilmaansadeen iyo duudsi saamiga dalka, waxay isku raaceen qodobbada soo socda.
- In ay beelaha ku midoobay jamhuuriyadda Somaliland ilaahsdaan midnimdadooda baaqanna aanu wax saamayn ah ku lahayn gaarahaan beesha bariga magaalada Burco,kuna wajahanyahay oo keliya cidda dalka maamulkiisa majaraha ka duday ee xukuumadda.
- Shacabka reer in ay ilaashadaan nabadgelyadooda cidna aanay ku hallayn kana digtoonadaan in ay ay xukuumaddu iska hor keento iyada daneheeda leexsan ku ilaashanaysa.
- Qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaaciil waxay isku raaceen in ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda gabbalkeedu sii dhacayo.
- Waxaanu ku raacsannay ururrada dhallinyarada sida ururka Horseed,ururka dhallinyarada beesha Ciidagale iyo ururka Qalinka Daa,uud ee ku baaqay in beeshu kalsoonida kala noqoto maamulka hiirtaanyada shacabka reer Somaliland ku reebay.
- In aanay xubnaha tirada yar ee sheegta in ay yihiin gudida beesha ee Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir kala diray aanay metelin magaca beeshana ku hadli karin annaga oo ku maamuusayna intii ay xilka soo hayeen kagana ekayd 28/6/2013.
- In ay beeshu shir ay daneheeda iyo danta guud ee dalka kaga arrinsanayso yelato.