Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maayarka Caasimada Hargeysa oo Digniin u diray Golaha Deegaanka Balaygubadle.

Maayarka caasimadda  Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa dib u bilaabay dhismaha waddada halbawlaha ah oo ka bilaabanta isgoyska Jigjiga-yar ilaa kaantaroolka galbeedka.

Maayir Solteco oo hadal ka jeediyey bilowga hawl lagu dhammaystirayo jidka weyn ee hormara madaxtooyada shalay, waxa uu yidhi; “Waxa aannu bilownay waddada kontonka sanno lagu socon lahaa, waana waddada hormarta madaxtooyada, qaybta aanu bilaabayno waa qaybtii ka bilaabmaysay goollada Jigjiga-yar ilaa kaantaroolka galbeedna socon doonta, waxaanan leeyahay dadweynaha waa inay bixiyaan cashuurta, ta labaadna ka qaybqaataan horumarka caasimadda.”

Waxa kaloo uu xusay in waddada dhismaheedu ku xigi doono jidka hadda la bilaabay ay tahay waddada madaarka, waxaannu yidhi; “Waddadan aannu bilaabnay waa qaybtii ka hadhsanayd waddadiii hore ee madaxtooyada hormaraysay ee ka soo bilaabanta kaantaroolka bari ee Halleeya ilaa isgoyska Jigjiga-yar, taasoo dadweynaha mara aad ugu raaxaystay, isla markaana ah waddo cimrigeedu dheer tahay, waxaanay waddadani noqonaysaa ilaa Buurta kala jeexan oo 4km oo sanadkii hore ka hadhay ah, taasoo muddo toddobaada ku dhammaanaysa, waxana ku xigi doona waddada madaarka oo iyana ka bilaabmi doonto Saldhigga Dhexe ilaa madaarka, waxaanan leeyahay dadka waddooyinka hortooda yaal waa inay ka sii guuraan sida ugu dhaqsaha badan.”

Maayirka caasimadda, ayaa sidoo kale kormeeray waddo cusub oo ka baxda xaafadda Siinaay, u gudbi doonta xaafadaha Masallaha, kuna xidhmi doonta xadka u dhexeeya Hargeysa iyo Gobolka Awdal, isla markaana ku sii xidhimi doonta jidka taga magaalada Balligubadle.

Maayar Cabdiraxmaan Solteco, ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed-dhagax ee inay ka qaybqaataan dhismayaasha waddooyinka, iskana bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee lagu leeyahay, kana codsaday inay tartan la galaan degmooyinka kale ee caasimadda, isagoo digniin u diray maamulka Golaha Degaanka ee degmada Balli-gubadle.

“Waddadan way sii socon doontaa, waxaanan leeyahay reer Axmed-dhagax yaan la idinka badin ee la tartama degmooyinka kale, waana inaad kaalinta kowaad iyo labaad ee xagga cashuur-bixinta ku tartantaan.

Halkan aynu taaganahay dhulka galbeed ka xiga ilaa madarasadda ilaa dayrkaa Ilma Cismaan Geelle inta u dhexeysa seesaskii afka la isku saaray wax waddooyin ah oo loo dhexmari karaana ma jiraan. Maanta (shalay) laga bilaabo dhulkaasi wuu xayiran yahay, dadkii lahaana waa inay si dhaqso ah u yimaaddaan si waddooyin looga saaro, si looga hagaajiyo qorshahoodii hore, waddooyinkiina looga banneeyo. Degaanka Mitirka meel ka sokeysa oo Balligubadle qorsheyn karaan ama cashuur ka qaadi karaan ma jirto. Waxaan leeyahay maamulka degmada Balli-gubadle xad baa inoo dhexeeya, maamul waliba xadkiisa ha ku ekaado.”

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogax) oo ka mid ah Golaha Degaanka caasimada, ayaa isaguna digniin u diray dad uu sheegay inay lacag ku urursadaan dhismaha waddooyinka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan. Aad baan ugu faraxanay waddooyinka caasimadda ka socda ee ay wadddo dawladda hoose, waxa jira dad qurbaha lacag kaga gurta waddooyin ayaannu ka samaynay caasimadda, waxaan leeyahay dadkaasi waddooyinka waxa shaqo ku leh dawladda hoose, cid kaligeed waddo iska samaysaa ma jirto, wixiii ay ku kaabayaan dawladda hoose waa la ogol yahay,  laakiin maaha inay dadka lacag kaga urursadaan waddooyin baanu samaynaya, dadkaas waxaan u digayaa arrintaas, sidoo kale dadka qaar baa sheegtay in biriishka Cawaale Jidhoon oo ay ku baxayso lix boqol oo kun oo dollar ($600,000), taas oo dawladda hoose waddo, waxaaan leeyahay dadka noocaas ku dhaqmayaa ha ka waantoobaan.

Hargeysa Online.

· abdi on March 10 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired