Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shir balla adhan oo uga qabsoom ay caasimada dalka Ingiriiska ee London jaalliyadda Daa,uud Ismaciil (Ciidagale )

   Bismillaahi Arramanirraxeem. Shacabka reer Somaliland ee  sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


 

Waxaa shir uga qabsoomay jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska caasimaddiisa London dabayaaqadii bishii saddexaad ee sannadkan aynu ku jirno 2015,shirkaas oo dabasocday shirar hore magacooduna yahay BARKHADLE oo si meeqaam sare ah ay u soo abaabushay guddida beesha gaarahaan garabka haweenka, waxaanay beeshu kaga wada tashanaysay arrimo badan oo khuseeya beesha iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland guudahaan, waxaana ka dib aayado Qur,aana oo shirka lagu furay hadallo dhaxalgal ah ka soo jeediyey masuuliyiin iyo xubno fara badan waxaana ka mid ahaa,guddoomiye ku xigeenka guddida beesha mudane Mustafe Cabdlahi Ismaaciil oo ka hadlay qiimaha uu leeyahay in ay beeshu kulamada badiso, Guddoomiyadda garabka haweenka marwo Amina Xashi Guled,marwo Sahra Ismaaciil , Ex,Mayor Kii Hargaysa Cabdi Cabdilaahi Mooge, Guddoomiyihii hore mudane Abokor Maxamed Ismaciil,iyo masuuliyiin ka socday ururrda beesha kana mid ahaayeen Ururka dalladda guud ee Gaaroodi, Ururka Haldoor, Hablaha Gaaroodi ,ururka dhallinyarada beesha Ciidagale ,ururka Gacanqabad oo dhammaantood ku nuuxnuuxsaday hadallo shirku u khushuucay iyo qiimaha ay leeday midnimadu, masuuliyiinta iyo xubnaha ka hadlay shirka  waxaa ka mid ahaa;Cabdulqadir Cali Baraar,Xasan Macalin oo ka warbixiyey xaaladda dalka hooyo oo dhowaan ka soo laabtay,Adan Ismaciil Cubuli,Ismaciil Axmed Xaawo,Faysal Haadaame,Jacfar Ismaaciil Botan,Layla Baalcadde iyo masuuliyiin iyo xubno fara badan oo kale waxaanay isku wada raaceen muhiimdda ay leeday in lala shaqeeyo guddida beesha, guddiduna la shaqayso ama wada xidhiidhiso ururrada beesha, jaalliyadaha qurbjoogga beesha dhammaan iyo guudahaan beesha qaybaheeda kala duwan.

 

 


Madashaasi waxay ku soo gebagebawday jawi deggen oo qurux badan laga dheehanayey waxaana laysla qaatay qodobbada hoos ku bayaansan;

 

cidjsm.jpg

cidjsm2.jpg

cidjsm3.jpg

  1. In si mug leh loo wada ilaaliyo dalka Somaliland, meelna looga soo wada jeedo nabadgelyadiisa,lagana digtoonaado wixii qallooc ama dhibaato u keeni kara.
  2. Beeshu lahaato xidhiidh dhow iyo iska warhayn joogto ah il gaarana ku wada hayso wixii midnimadeeda wax yeeli kara kana dhawrsoonaato,mashaariicda deegaanka ka socotana la dardar geliyo oo loo hagar baxo,sida waddada Cad,Dhakhtarka Sallaxlay iyo midka Qoolbulalle iyo dugsiyada waxbarashada deegaanka.
  3. In ay beesha Daa,uud Ismaaciil ee Ciidagale beelaha reer Somaliland xidhiidh walaaltinnimo la lahaato qarannimda dalkana si buuxda loo wada ilaaliyo, wixii furfur u keenayana laga feejignaado gacan birana lagu wada qabto.
  4. Ka dib markii maammulka hadda gacanta ku dalka ay qiimayn waayeen beesha oo ay kula kaceen in ay duudsiyaan sadka ay beeshu dalka ku leeday iyada oo waliba beeshu gun dhig u tahay dalka, kaas oo aanay beeshu qaadan karin kana mid yihiin,xil ka qaadis joogto ah oo markii horeba meel aan qiima lahayn lagu gudbay, masuuliyiinta sida hawsha yar loo eryey waxaa ka mid ahaa; 1.Maareeyayaashii wakaaladda korontadaMudane Sabce,Mudane Wali Axmed Xaawo,2.wasiirkii caafimaadka Dr Xuseen Xoog,3.Taliyihii geeriyooday Allaah waxaanu uga baryeyna in uu u naxariista jannada fardawsana ka waraabiyo ee ciidanka qaranka aagga bari marxuum Indho balac,4.taliyihii ciidanka badda Admiral Axmed Aw Cisman.  Beeshu waxay go,aansatay in ay kalsoonidii kala noqoto maammulka wakhtigiisu gabaabsiga yahay.
  5. In ay beeshu shir guud qabsato intaa aanu sannadkani dhammaan laguna qabto magaalada Aw Barkhadle magciisuna ahaado Barkhadle, si loo helo guddi guud oo horumarineed oo beeshu u dhantay oo hoggamisa lana shaqaysa madaxdhaqameedka beesha,loona hoggaansamo gudida qabanqaabada ee Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir hawl geliyey,si looga maarmo guddi aan ka turjumin rabitaanka beesha ee suldaanku hore u kala diray 35 xubnoob ahayd ayse ka dhaqdhaaaqayeen 4 xubnood,annaga uga mahadcelinayna muddadii ay xilka soo hayeen ee ay kaga dhammayd 28/6/2013.
  6. In diiwaangelinta madaniga ah si buuxda looga wada qayb qaato si ay muwaadinka ugu sugnaato xaqa uu dalka ku leeyahay.
  7. Gobolka Gaaroodi ee magaalo madaxdiisu tahay Sallaxlay loo magacaabo gobolnimadii uu hore u ahaan jiray markii mustacmarkii dawladda ingiriisku dalka ka talaynaysay.
  8. Lagu  riixo maammulka ku dhaggan dalka in ay doorasho ka qabsoonto dalka xor oo xalaal ah.
  9. la badiyo cabsida الله Swt intii aan aqoon u lahayni barato qur,aanka kariimka ah iyo sunnada rasuuka Muxammed scw lana ducaysto.

 
Go,aanadan waxaa soo wada saaray.
Jaalliyadaha qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale)

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK

  1. Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Mahad Cabdi Xaji Good===Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen======xubin.
  7. Adan Farax Geedi=====Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
Garabka haweenka.
  1. Amina Xaashi Guuleed======== Guddoomiye garabka haweenka.
  2. Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.
  3. Hodan Sulda Rashiid======xubin.
  4. Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.
  5. Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
  6. Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
  7. Nuura ciise omaar ======xubin
Guddida marjaca ama musdambeedka.
  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.
  8. Faysal hadaame

 
  • Jaaliyadaha Reer North America.
  • Jaalliyadda reer Australia
  • Jaalliyadaha beesha ee waddamada Carabta.
  • Jaalliyadda reer Germany
  • Jaalliyadaha beesha ee waddamada scandinavian-ka
  • Iyo dalalka  iyo wadamo kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin.
Dhammaan waxaanu mar labad Go,aanadan waxaa soo wada saaray jaalliyadahan kor ku xusan.Taageero  buuxdanay la garab taagan gudidan waxgaradka beeshu u dooratay in ay noqdaan gudi qabanqaabo ee Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdullaahi u guddoomiyey una igmaday.

 
Gudida qaban qabada shirweynaha Ciidagale ee uu ansixiyey suldaanka guud  ee 
beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan c/ qaadir Suldan Cabdlahi 
Magacyada Gudida
1. Jiifcaaqil Xuseen Xasan Cali warabe 
2. Caaqil Xasan Badmaax Maygaag
 
3.Jiifcaaqil Aabi xasan Caqil yare 
4. Caaqil Xasan Ibrahim Xuseen
5. Caaqil Maxamed Weerar Cismaan
6. Caaqil khadar Maxamed Axmed 
7. Caaqil Cali Maxamed xuseen 
8. Caaqil Cali Axmed Cabdlahi 
9. Caaqil Nuur Muxumed xirsi 
10.Jiifcaaqil Mustafe Yusuf Gaaxnuug 
11. Jiifcaaqil liiban Maxamed Cabdi
Fiiro gaara
Waxaa si gaara sharaf iyo maamuus mudan hablaha shirka soo qabanqaabiyey ee garabka guddida beesha.waxaa kale mudnaan xooggan leh ururrada shirka ka soo qayb galay xilkana iska soo saaray iyo dhammaan xubnaha beesha ee wakhtooda qaaliga ah soo geliyey,waxaa kale oo sharaf mudan cidda aan wakhtogoodu u saamixin.
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha beesha badhtamaha,
bariga iyo koonfurta Hargaysa
Deeq Cabdi Digale
· ifraax on April 06 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired