Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiyada Mucaaradka oo Qaadacay Go’aanka Guurtida iyo Xubno ka Tirsan WADANI oo la Xiray,

Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa Qaadacay go’aankii golaha Guurtiddu u kordhiyeen xukuumadda iyo golaha Wakiiladda, kuwaas oo ku tilmaamay sharci daro, isla markaana sheegay in aanay aqbali doonin sannadka iyo 10-ka bilood ee loo kordhiyay.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa isagu sheegay in xukuumaddu awood ciidan dul dhigtay xafiisyaddii ay ku leeyihiin guud ahan Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa xusay in dhamaan xarumaha waaweynaa ee ay ku leeyihiin Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo ciidanka amnigu la wareegay, isla markaana warbaahintii loo diiday inay sawiraan.

Sidoo kale, waxa uu Cirro sheegay in afartameeyo masuul oo ay ku jiraan gudoomiyeyaashii gobolada ee xisbiga WADANI xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo iskugu jira garabkii dhalinyarada, haweenka iyo masuuliyiinta xisbiga qaarkood.

Cirro ayaa tilmaamay in aanay aqbali doonin muddo kordhinta ka badan mudaddii Guddida Doorashooyinku u qabteen inay dalka doorasho ka dhacdo oo ku beegan kowda june 2016-ka.

“Aqbali mayno muddo ka badan tii guddida Doorashooyinku soo saareen, maalintii dhowaydna ee aan saxeexi waayeyna waxaan garanayey inay tan soo watan, waxa kale oo nasiib daro ah in ciidankii kala duwanaa ee dalka la iskugu geeyo xarumihii xafiisyadda ee goboladda, xaruntii dhexe ee xisbiga ee Hargeysa ciidan baa la wareegay masuuliyiintiina xidh xidhey, xafiiskii Berbera, Laascaanood, Burco iyo Ceerigaababa ciidan baa la wareegay”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka hadlayey xoog uu sheegay in lagula wareegay xafiisyadooddii.

Gudoomiye Cirro waxa uu warbaahinta u akhriyey xubnaha siyaasiyiinta ah ee xisbigoodda, waxaana kala yihiin magacyadoodu sidan:

01. Cali Cilmi GeelLe (Hogaanka Sare Xisbiga WADDANI)
02. Ifrax Cumar Xasan (Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee heer Qaran)
03. Xasan Xuseen Codyare (Xoghayaha ilaalinta Hantida Qaranka ee Xisbiga WADDANI)
04. Mustafe Maxamuud Qodax ( Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI)
05. Mahad Xaaji Faarax ( Xoghayaha Gobolka Maroojijeex ee Xisbiga WADDANI)
06. Hassan Ahmed Muuse Goodaad ( Xoghayaha Xanaanada Xoolaha)
07. Maryan Maxamuud Diriir (Xogeyaha Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
08. Maxamed Sidiq Dhame ((Afhayaanka Garabka Dhaliyarada ee Xeer qaran)
09. Amaal Yuusuf Cabdi indha cad(Afhayaanka Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
10. Jamaal Hure (Gudoomiyihii Hore Gobolka Dadmadheedh
11. Deeq Xirsi Canbuur (Gudida Fulinta Xisbiga WADDANI)
12. Amina jirde (Hogeyaha Waacyigaliinta iyo Gobalka Marodi jeex)
13. Mawlid muuse (gudoomiye kuxigeenka Gobalka Maroodi Jeex)
14. Ahmed Jaamac ( Xogeyaha Wacyi Galiinta Dagmada Ahmed (Dhagaax)
15. Maxamed Foore(Gud Degmada Maxamuud Haybe)
16. C/rahmaan Maxamed Rooble (Cabdi Six)
17. Hassan Ahmed c/llaahi Caateeye (Hassan Aar)
18. Sulekha Xiisa Cabdillahi
19. Sahra Salaax Cawad
20. Maryan Cismaan Faarax
21. Saynab Cawad Diiriye
22. Sahra Sakariye Cabdomuuse

GOBOLKA SAAXIL;

1. Cali Axmed Kooshin (Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Xaaskiisa)
2. Faysal Cumar (Xubin Gudiida Sare Gobolka Saaxil (Berbera)
3. Cawil Birdaasar (Xubin Gudiida Sare Gobolka Saaxil (Berbera)
4. Cabdillahi Salaah (Wash Man) Xafiiska Gobolka Saaxil
5. (3) Dhalinyaro ah (Heer Gobol)
6. (2) Dumar) ah (Heer Gobol)

GOBOLKA SOOL;

1. Cabdi Yusuf Ismaaciil ( Gudoomiyaha Gobolka Sool)

DEGMADA BUUHOODLE;

1. Fu’aad Muxamuud Mixile ( Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle)

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna si adag uga soo horjeestay go’aanka guurtidda ee mudadda sanad iyo tobanka bilood ah, waxaanu madaxweynaha ka codsaday inuu arrintaasi ogolaan, isla markaana ceeb ku tahay inuu raali noqdo arrin dalka lagu khalkhalgalinayo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in siyaasadda iskaga baxayo haddii aanu madaxweynuhu degreeto uu ku burinayo go’aankaasi Guurtidda soo saari waayo.

“Maalin madow ayey Somaliland u tahay waa maalin murugo, guurtiddu magacii Somaliland way dileen oo waxay noqdeen inamo yaryar oo aabayaashood ka dhexgalay jagadda, haddii taladayadii diideen waxaanu anaguna ku noqonay wakhtigii guddida Doorashooyinku cayimeen ee kowda June,2016 wax ka badan ma ogolin”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabbe.

Waxaanu intaas ku daray “haddii wadatashi ogolaan waayey oo digreeto madaxweynuhu kaga noqon waayo go’aanka Guurtidda waxa la iskugu iman shir beeleed si dalka loo badbaadiyo, dawladan mid inaga saari karta maaha wakhtigan lagu jiro, madaxweynaha ayey imika kubaddi la taallaa, anagu odayaashan maanu dooran oo way iska dhax dhaxleen”.

Sidoo kale, guddoomiye Waraabe wuxuu guddoomiyaha xisbiga WADANI kula taliyey inuu iskaga dego gudoomiyenimada golaha Wakiilada, maadaama oo ay ceeb ku tahay buu yidhi in dawlad uu ka tirsan yahay ku mudaharaado.

“Taariikhda lama arag gudoomiye xisbiga mucaarad oo afhayeen u noqda golaha Wakiilada, golaha Wakiiilada waxa madax ka noqda nin dhex dhexaad ah oo xisbiyada u dhex ah, isagoo dawlada kamid ah hadana inuu yidhaahdo mudaharaad baan dhigayaa ceeb bay isaga ku tahay, xeerarkii doorashadda samayn waayaana ceebay ku tahay, waxaas oo eedda isagay ku dhacaysa, dalka nin waliba dantiisa ayuu wata, siyaasadda Somaliland waan ka baxaya haddii madaxweynuhu go’aan ka soo saari waayo waxaasi golaha Guurtiddu xar-xariiqeen”.

Dhinaca kale, dadweyne ka cadhaysan korodhsiimadda uu golaha Guurtiddu u sameeyey xukuumadda ayaa ka dhacay gobolka Togdheer, kuwaas oo taageersana baaqii ka soo yeedhay xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegay taageerayaasha xisbiga WADANI wadooyinkii dhagaxaan ku xidheen, isla markaana Taayiro ku gubeen, kuwaas sheegay inay taageersan yihiin dhowaaqii ka soo yeedhay hogaankoodda, isla markaana diidan yihiin muddo kordhin ka badan wakhtigii Guddida Doorashooyinku soo saareen.

Sidoo kale, magaaladda Hargeysa ayaa iyaduna ciidan badan lagu soo daadiyey, kuwaas ka hor tagayey wixii mudaharaadyo ah, iyagoo goobaha looga baqayo inay mudaharad ka dhacaan ama la iskugu yimaado ciidanku saakaba sii joogeen si aan la iskugu soo bixin.

Dhinaca kale, madax dhaqameedka gobolka Maroodi jeex ayaa taageeray go’aanka golaha Guurtidda, waxaanay amaan usoo jeediyeen mudada ay ugu kordhiyeen xukuumadda.

Sidoo kale, in ka badan sodan xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiiladda, isla markaana ka soo jeedda xisbiga KULMIYE ayaa taageeray go’aanka Guurtidda, isla markaana gudoomiyaha golaha Wakiiladda usoo jeediyey in aanu dalka khalkhalgalin, isla markaana aqballo go’aanka Guurtidda.

 

· ifraax on May 12 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>