Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

''Dallada SSE waxay dhiirigelinaysaa in wada-tashi wada jir ah laga yeesho muddo kordhinta.

SSE waa dallad kulmisa Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qaaradda Yurub, kuwaasoo daneeya danta dalka iyo dadka reer Somaliland.

Dallada SSE iyadoo markii horreba walaac ka qabtay in khilaaf iyo dib u dhac ka dhasho Doorashada ayaa waxa ay bishii Febraayo 25keedii la xidhiidheen Gudidda Doorashooyinka Qaranka (GDQ) ee Somaliland.  Xidhiidhkaas oo ujeedadiisu aheyd in Dalladu ay la dareen wadaagto Komishanka wer-werka ay ka qabaan dib u dhac ku yimaada doorashada iyo weliba cawaaqibka iyo khilaafka ka dhalan kara. Dalladu talo wadaaga ay la samaysay Komishanka Qaranka ayaa ku salaysnaa in wada tashi lala sameeyo Axsaabta Qaranka haddii ay jiraan duruufo wax ka badelaya wakhtigii loo qabtey doorashada, taasoo Dalladu ay ka hortageysay khilaaf soo kala dhex-gala Golayaasha Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku (GDQ) waxay Dallada SSE u soo jawaabeen isla bishii February 26-keedii iyagoo markaas ku war-galiyay inay hawshaas ku jiraan dhawaana soo afjarayaan. Waxa kale oo ay Dallada uga mahadceliyeen sida wadaniyaddu ku dheehantahay eey ay ula soo xidhiidheen Komishanka iyo weliba tallada iyo dareenka ay la wadaageen.

Qoondeyntii Komishanka ee Doorashooyinka

Sida aynu la socono Komishanka Qaranka ayaa 21kii Abriil qoondeeyay in Doorashada la qaban karo bisha Juun ee sannadka 2016. Walow dib-u-dhac lagu sameeyo Doorasho aanay sideedaba u wanaagsanayan habsami socodka nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland, haddana saddexda Xisbi Qaran iyo daneeyayaasha kaleba way soo dhoweeyeen oo may soo ifbixin wax khilaafaad ama iska-hor-imaad ah. Dallada SSE lafteedu way soo dhoweysay tallaabadan Komishanku soo fudeydiyay, waxaana loo arkayay mid ku salaysnaa talo-wadaag.

Muddo kordhinta lagu dhawaaqey.

 Muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Guurtidu bishan May 11keedii ayaa ah mid wakhti ahaan dhan 22 bilood. Dallada SSE waxay muddo kordhintan u aragtaa mid aan marnaba caawinaynin hanaanka dimuqraadiyadeed iyo nidaamka furfuran ee aynu qaadanayn isla markaana wax u dhimaysa Dastuurka iyo shuruucda inoo dejisan.

Waa arrin ay ka dhasheen khilaafkii iyo iska hor-imaadkii ay Dallada SSE ka digeysay ee laga qabay dareenka taban. Waa tallaabo keentay in la kala istgaago mawqifyo aad u kala fog isla markaana ay ka dhasheen in mas’uuliyiinta Qaranku ay warbaahinta isku mariyaan haddalo aan u wanaagsanayn anshaxa iyo hufnaanta loo baahanyahay in lagu wada dhaqmo. Muddo kordhintani waa mid sidoo kale inagu soo jeedisay indhaha caalamka, gaar ahaana kuwa si gaara u daneeya Somaliland.

Talo-soo jeedin

-Ugu horreyn Dalladu waxay dhammaan Golayaasha iyo Asxaabta Qarankaba si karaamo ku jirto uga codsanayaan in si wada jir ah xal loogu raadiyo khilaafka ka dhashay arrinkan isla markaana aanu dhinacna kelidii go’aan keli ah u qaadan.

- Si gaara oo ay xushmadi ku jirto ayay Dallada Madaxweynaha uga codsanayaan in aanu meel marin arrinka khilaafkiisu taaganyahay.

Taageero

Dallada SSE waxay si buuxda u taageersantahay Baaqa wada-tashi ee uu Madaxwene-ku-xigeenka Somaliland ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso Doorashadu. Waa talo soo jeedin aad loogu baahanyahay wakhtigan xaadirka, maadaama ay inala soo daristey khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahneyn.

Wada tashiga noocani waa qaabka keliya ee si toosa oo wada jira looga arrinsan karo xalka looga gudbiyo khilaafka ku geedaaman dhinacyda ku tartamaya doorashada. Somaliland dhaqan wada-haddal iyo mid Isfahan ayay halkaa ku soo gaadhey, waxaanan rajaynaynaa in laga faa’iideysto fursada uu soo bandhigey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdillahi Ismaaciil bisha May 20keeda.

Guul iyo gobanimo ayaanu idiin rajaynaynaa,


Alle ayaa mahad leh,

Guddida fulinta SSE.

· ifraax on May 15 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>