Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dallada SSE way soo dhaweyneysaa Go’aanka wadajirka ah ee Xisbiyada Qaranka.

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub, waxay baaqan  ku boogaadinayaan, kuna taageerayaan go'aanka ama qaraarka ay saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda Somaliland ka gaadheen khilaafka ka dhashay mudo kordhinta iyo wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinku.

Boogaadin

Dallada SSE waxay boogaadinaysaa ama hambalyaynaysaa cid kasta oo wakhti iyo hawl gelisay sidii heshiis wada jir ah looga gaadhi lahaa is-maandhaafka iyo khilaafka ka dhashay arrinkan. Si gaara ayay Dalladu ugu mahadnaqaysaa mas'uuliyiinta iyo Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran ee Somaliland. Sidoo kale waxay Dalladu boogaadinaysaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo door ka ciyaaray xalinta khilaafkan. 

Sida aad la socotaan Dallada SSE, waxay hore uga soo saartay tallooyin ay la wadaagtay xukuumadda Soomaliland iyo saddexda Xisbi Qaran, kuwaasoo ujeeddooyinkoodu ahaa in la gaadho xal iyo isfahan arrinkan laga yeesho.

Aragti  

Dallada SSE heshiiskan ama go'aanka sida wada jirka ah loo gaadhay waxay u aragtaa:

  • Go'aan sawir fiican ka bixinaya sida Somaliland diyaarka ugu tahay in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-haddal, is-dhageysi iyo is qancin.
  • Go'aan muujinayana mas'uuliyad, isla markaana adkaynaya isku duubnida iyo midnimada Somaliland.
  • Go’aan la inagu ixtiraamo, si cadna u muujinaya sida loogu adagyahay shicib iyo xukuumadba madaxbannanidda iyo aayo-ka-talinta Somaliland.
  • Go’aan muujinayaa lexojeclada iyo kalgacalka loo hayo danta dalka iyo dadka reer Somaliland.
  • Go'aan ay soo dhoweeyeen dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ee jecel nabada iyo Horumarka Somaliland.

 

Guurtida

Dalladu iyadoo fahamsan dareenka Shir-guddoonka Golaha Guurtida oo ka muujiyey in go'aankii ay gaadheen wax laga badelay, waxay Guurtida u haysaa karaamo iyo abaal ku wajahan doorka weyn ee ay ku lahayd halka ay Somaliland maanta marayso. Waxa aanu si milgo ku jiro u rajaynaynaa in qoddobada lagu heshiiyay Guurtidu fulintooda hoggaan ka noqdaan. Guurtidu waxay ku suntantay ilaalinta iyo dhowrida nabada Somaliland, heshiiskan la gaadhayna waa mid himiladiisu tahay ilaalinta xasiloonida iyo nabada Somaliland.

Talooyin:

  1. Dallada SSE waxay rajaynaysaa in la tixgeliyo oo la ixtiraamo heeshiiskan la gaadhay oo ka kooban 4 qoddob, fulintiisana si wada jir ah loogu dhaqmo, gaar ahaana ixtiraamida wakhtiga ay doorashooyinku dhacayaan oo ah bisha Diisambar 2016.
  2. Dallada SSE waxay u soo jeedineysaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay si habsamiya ah ugu hawl galaan fulinta wixii  qabyo ka ah hawlaha doorashooyinka Madaxweynaha iyo ta Wakiilada inta ka horreysa Bisha Diisambar 2016 hadii Ilaahay yidhaahdo.
  3. Dallada SSE si gaara ayay xukuumadda iyo labada Gole ee Baarlamaanka  uga codsanaynaa inay si nidaamsan oo firfircoon u dhameeyaan Xeerkii Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo wixii kale ee xeerarka kale ee doorashooyinka ku shuqul leh ka dhiman, kuna sargooyaan hawlahaas jadawlka doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku u dejisay.
  4. In si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta iyo dhammeytirka diiwaangelinta codbixiyaasha oo haddii ayny ku guuleysanno fududeynasa qabashada doorashooyinka dambe.
  5. In xibiyadda qaranku ay sii xoojiyaan wax wada qabsigooda iyo wada shaqeyntooda Kommishanka si ay tartan xor iyo xalaal ay ugu galaan doorashooyinka,
  6. In laga faa'iideysto khibrada iyo khilaafaadka ka dhashay doorashooyinka dib inooga dhacay oo dib loo eego sida loo xallilidoona  haddiiba dib-u-dhac doorasha dambe  inala soo gudboonadaan. Waa nasiib daro in ilaa 2002kii aynu mar kasta ku muranno muddo kordhis.
  7. In la ixtiraamo Dastuurka iyo xeeraka inoo dejisan, isla markaana la adkeeyo wada-shaqeynta dhammaan qaybaha sida gaarka ah ay ugu dhaxeyso hawlaha qabashada doorashooyinka Somaliland.
  8. Aan marnaba la hilmaamin in xamil iyo dulqaad loo yeesho hawlaha iyo khilaafaadka ka dhasha qabashada doorashooyinka.

 

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga Fulinta ee Dallada SSE

· ifraax on June 01 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired