Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dal Caruurtiisii Hagradey - 16 June iyo Soomaaliland.

16 June, waa maalinta adduunyadu u aqoonsatey in loo dabbaaldego oo la xuso caruurta Afrika. Caruurta dalkeenuna waxa ay kow ka tahay caruurtaa maanta la xusayo. Sababta u weyn ee maalintan loo cayimey maaha in la dabbaaldego mana aha in caruurta laga farxiyo. Hadafka maalintan loo cayimeyba marka horeba caruurta maaha. Waxa maalintan loogu tala galay in la dareensiiyo hoggaamiyayaasha umadaha ay khuseyso iyo dadka waaweyn iyo inta taladu ka go’do, duruufaha heysta caruurta dalalkooda iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Waxan ka mid ahaa dadkii Hargeisa ka bilaabey dabbaldegga xuska maalintan caruurta Afrika 16kii June 1992. Berigaasi sheekadu waxa ay ku wareegeysey nabadda. Maantase, halkaasi waa la iskala soo gudbey oo waxa muhiim ah in caruurteena la barbar dhigo kuwa qeyrkood ah ee ay meel wax ka soo wada bilaabeen 1991kii iyo xiliyadii la midka ahaa, sida Ruanda, iyo Bosnia iyo kuwa kale ee la midka ah oo markaa la isweydiiyo qeyrkeen intee ayaa inaga horeysa intee ayaa inaga danbeysa iyo sidee ayaa waxa inaga dhiman an u dhameys tiri karnaa.
Dalalka qaar ay Somaliland kow ka tahay taariikhdan qalad ayay ka fahmeen. Waxa ay xuskeeda soo bandhigaan xaflado loo qabto caruurta khudbadana laga jeediyo iyo woxoogaa yar oo maalin dagaal ah oo caruurta ku jirta xeryaha agoomaha la siiyo sida adhi loo qalo ama hadiyado. Taa lafteedu mey xumaateen haddii intii ka badneyd ee muhiimka aheyd la qabanayo. Waxay aheyn in la soo bandhigo qorshihii halkaa ay iminka wax marayaan kor loogaga sii qaadi lahaa ee umadda rajada lagu gelin lahaa. Balse, xaalad u baahan siyaasado la dejiyo iyo mustaqbal laga taliyaa, xal u noqo meyso xaflado la qabtaa.
Waxay aheyd in marka ay sannadguuradani soo gasho, in la soo bandhigo wixii horumar ahaa ee la sameeyey lana sheego siyaasadaha cusub iyo barnaamijyada la qorsheeyey ee ku aadan higsiga mustaqbal wanaagsan ee caruurta loo sameeynayo. Maalintani waxa ay mudneyd inan xisaabtanno oo aynu isweydiino, kal hore illaa maanta maxaa caruurta loo kordhiyey ha noqoto caafimaadkooda, waxbarashadooda, farxadooda, daryeelka xuquuqdooda guud iyo ta uugu muhiimsan oo ah, abuurista mustaqbal wanaagsan oo ay qeyrkood kula tartamaan. Waxa muhiim ahayd, in la isweydiiyo dhibaatooyinka hortaagan koritaanka iyo horumarka caruurta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa. Xiligaa anu dabbaaldegga ka sameyneyney dalka ee 1992 gii caruurtii dhalatey maanta waa 23 jir. Kuwaasi iyo kuwii dabadood dhasheyba, waana jiilka uugu badan ee maanta sida maqiiqa ah badaha waaweyn iskugu tuuraya iyaga oo raadinaya nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo ay naftooda iyo ta ehelkoodba wax uuga tari karaan. Waxa ayaan darro weyn ah in dhalinyaradaasi ay u badanyihiin qaar jaamacado dhameystey, kuwo meel dhexe kaga tegey, iyo ciyaala iskuul. Dhalinta maanta tahriibeysa kuma jiraan reer miyigu, kumana jiraan kuwa aan wax baran ee suuqa ka xammaasha. Kuwa tahriibayaa waa intii wax baratey ee wax ka ogaatey waxa caalamka lagu kala ka socda, ee markaa barbar dhigtey nolosha ay ku jiraan oo markaa niyad jabay. Waxa ka mida, kuwa wax bartay ee Facebook iyo email iyo internet kala xidhiidhaya kuwii hore ee dhoofey oo dabadeed hiyi kacay.
Nasiib darooyinkaa inagu dhacaya waa aqoontii iyo xoogii dhisi lahaa dalka oo inaga tahriibaya. Waxa ka sii daran, sida aynaan barnaami uugu sameysan caruurta manta soo koreysa iyo mustaqbalkooda. Caruurteena dugsiyada dhigataa qiyaastii waa inta u dhexeysa 250,000 ilaa 300,000. Haddii ad soomaaliland mujtamaceedda yareyso oo ad ka soo qaaddo inu dadkeenu yahay 4 malyuun oo qof, oo ad tidhaa 50% waa 18 jir iyo wax ka yar qiyaastii, waxa kuu soo baxaya in caruurtii ay aheyd iney iminka tacliin helaan ay noqon karaan 2 malyuun oo caruur ah. Haddii an ka soo qaadno in 300,000 ay nasiib u heleen iney waxbarasho helaan, waxa kuu soo baxaya in 1,700,000 caruur ihi aaney waxbarasho heysan. Caruurtaasi badankoodu waa caruurta reer miyiga ah, waa kuwa reeraha faqiirka ah ka dhashay, waa kuwa hooyooyinka keli ihi koriyaan ee agoomaha, waa kuwa abaayaashii reerihii ka tegeen ee hooyooyinku la daalaa dhacayaan, waa kuwa naafada ah ee aan dhaqankeenu dhiirigelin iney waxbartaan, waa kuwa waalidkood waalanyahay ama ee cidiba ku tabcin, waa caruurta dayacan ee darbi jiifka ah iyo qaar badan oo kale oo kuwan la duruuf ah.
Oo miyeynaan odhan karin intan an sheegney ee tacliin la’aantu ku dhacdey waaba intii dawladnimada u baahneyd ee ay aheydba in dawladdu u shaqeyso. Inteenan magaalooyinka ku nool ee ay manta dawladnimadu u shaqeysaa maba nihin kuwii ay aheyd iney shaqeyso. Dawladnimadu waxa ay aheyd iney u adeegto intaa taagta daran caruurtooda. Nasiib darro, maaha oo keliya inaaney caruurtii jilicsaneyd adeeg helin, balse waxa xanuun badan oo wax laga damqado ah, sida aaney inoogu bilowneyn ee waxaniba aanu dhibaato inoogu heyn ee aynaan u laheyn qorshe wax loogu qabto caruurtaa 1,700,000 tiradoodu gaadheyso ee ilaahey inaga iyo dawladnimadeena hoos dhigey.
Waxa an habeen dhaweyd daawadey dood dhex martey rag siyaasiyiin ah oo ka socda Dawladda, Mucaaradka iyo Guurtida. Rag an asxaabnahay ayaa doodaa ku jirey. Habeenkii an doodaa dhageystey hurdadu wey iga tagtey. Waxa walaac i geliyey sida siyaasad ahaan aynu u anbaney iyo qaladaadka an manta geleyno sida ay u soo dabran doonaan caruurteena. Waxa inaga lumey garashadii mudnaanta ee loo waajihi lahaa sida ay arimuhu u kala horeeyaan. Waa dhab oo dood siyaasadeed ayay aheyd oo koley hadalku siyaasad ayuu u badanayaa. Balse siyaasadda iyo waxa laga hadlayey iska dhaaf heer qarane, xataa uumey qalmeyn heer degmo. Markan doodaa  dhageysanayey waxa an anigu iska soo qaadey muwaadin caadi ah oo dalka ku nool oo rajo ka sugaya hoggaamiyayashaa siyaasadeed. Waxa an iska dhigayey macalin, ama dilaal ama shaqaale dawladeed oo caruur korsanaya ama nin reer miyi ama gabadh jaadley ah oo bacad fadhida iyo wax la mida. Waxan isku dayay bal inaan maqlo wax i anfaca ama caruurteyda anfaca in doodaa lagu sheego. Wax muwaadin caadi ah anfaca ama rajo geliya marna kamaan maqal raggaa doodaayey. Waxan isweydiiyey mustaqbalka caruurtiina ma raggaasaa ka talinaya oo ad rajo ka qabtaan. Halkii doodad la iska weydiin lahaa boqolaalka caruur ah ee badaha ku dhamaadey ee maalin kasta tacsidooda loo fadhiyo ama la isweydiin lahaa maxaa la qabtey iyo maxaa loo qabtaa 1,700,000 ee caruurta ah ee aan tacliinta fursadda u helin, waxa doodoodii ku soo ururtay afar wasiir oo isku reer ah ayaad tihiin iyo cashuurtaan dadka ka qaadi jirney maanu kordhin. Ma raggaasaa qorsheyn kara mustaqbalka caruurteena 10 sanadood dabadeed. Faqashta aynu dhaliili jirney haddii ay joogto raggaa doodaya jeelka ayay wada dhigi laheyd. Balse inaga qeyru mas’uulnimo ayaynu caadiba ka dhiganey. Dad caruurtoodii dayacantahay oo ay aheyd iney isweydiiyaan oo ay isku xujeeyaan maxaad u qabatey iyo adigaba maxaa ku barnaamij ah eed u heysaa, ayuunbaa noqdey afar nin oo bidaar leh oo karfeedh isku heysta. Haddaaney dadkii ay u talinayeen mustaqbalkooda dhisin, maxay isku qabsan. Sannad kasta waxa jaamacado ka soo baxa ardey gaadheysa toban kun. Shaqooyinka ad maqasho ee soo baxaana kama badna dhowr boqol. Dhalinyarada intooda kale xagey tegeyaan. Mase joogsanayaan haddaad dhalinyaradaa shaqada la’ ku tidhaa tahriibku uu xunyaha ee dalka fadhiya adiga og kan ad la hadleyso laftiisa inaanad waxbana u heyn wax uu nafta ku sasabana aan u sheegeyn. Dal haddaad maqasho waxa tiir u ah dadkiisa, aqoonta umaddiisa iyo qorshihiisa uu ku waajahayo mustaqbalka. Dalku maaha wax qoraanka ku qoran oo sidaasuun u taagnaanaya. Dalku haddaanu tiirar adag ku taagneyn uu burburayaa, wuxuu doono marmarsiyuhu ha noqdee. Soomaaliland waxa ay ku taagantahay tiirar aaney ku jirin dhalinyarteeda iyo caruurteedu. Waa tiirar baraf ah. Qofkii tiir ka dhigtay siyaad Baraf, waxa u sugaaba waa inta ay cadceedu u soo baxeyso.
Maxaa xal ah:Waxan oo dhibaato ah oo heysta caruurteena iyo dhalinyaradeena waxa ka mas’uul ah dawladnimadeena. Ama ha noqoto dawladda manta joogta, ama ha noqdeen kuwii hore e. Waa dhab oo dawladduu 2 malyuun oo caruur ah maanta iskuulo uuma wada furi karto. Waa dhab oo dawladdu 10 kun oo dhalinyaro ah oo jaamacado ka soo baxey sanad kasta shaqo ma wada siin karto. Labadaa midkoodna dawladdu ma yeeli karto, dawlad yeeshaana caalamka ma jirto.
Aqal haddii ad geleyso albaabka ayaa laga galaa. Dawladdu waa albaabkii arimaha noocaas ah laga geli lahaa. Dawladda ayay aheyd iney iney daraasad sameyso oo ay siyaasad cad dejiso, ka bacdina soo bandhigto istaraatejiyaddii siyaasadda lagu hirgelin lahaa. Hirgelinteeda waxa iska leh mujtamaca oo dhan, ha noqdeen wasaaradaha dawladda, ha noqdeen ganacsanatada, ha noqdeen waalidka, ha noqdeen deeq bixiyayaasha iyo hey’adsaha caalamiga. Waxani maaha wax addunka ku cusub, balse waa wax dalkastaa la kulmey oo uu xal u heley. Balse waxa u baahantahay in laga shaqeeyo. Umadahaa ka baxay waxay heleen hoggaamiyayaal siyaasadeed oo aragti dheer oo caruurtooda qorshe u sameeyey iyagoo   adeegsanaya aqoonta dadkooda. Khudbado madhan oo siyaasi jeediyo oo yidhaa dalkaa nimcaa fadhida, iyo tahriibku uu xunyahay ee hala joojiyo iyo caruurtu oo madaxdii beri, waxay u eegtahay riyo. Riyana run ma noqoto haddaan laga rumeyn.


Bile – Aqoonta U Adeegta Noloshabileaqoontaiyonolosha@gmail.com

· ifraax on June 16 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired