Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Ka Hadlay Dacwado La Yaab Leh.

Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland, ayaa sheegay inay dhammeeyeen dacwado muddo dheer soo jiitamayay oo Maxakamadda sare horyaalay. Dacwadahan ayaa qaarkood lagu dhammeeyay dhaar.

 

Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in bulshada Somaliland khalad ka fahansan tahay maxakamaddaha oo u taagan caddaaladda iyo difaacidda xaqa, islamarkaana u arkeen meel dacwada gashaa aanay dhammaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dacwad muddo saddex sannadood ah ka socotay maxakamaddaha dalka oo ku saabsan guri ku yaala Hargeysa, iskuna haysteen laba qoys haatan dhammaatay kadib markii labada dhinac maxakamadda ka ogolaadeen in guddi gaar ah oo Odayaal iyo xildhibaanno ahi hawshooda galaan, haddana guddidii dhammaysay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in habka noocan ah intii bisha Ramadaan lagu jiray ay ku dhammeeyeen kiisas adag oo qaarkood dil ahaayeen, kuwaas oo dhinacyadu ku kala baxeen dhaar ama in si gaar ah loo xalliyo

“Waxaan maanta saxaafadda ugu yeedhay inaan sheego inay muuqato in dadkeenii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 Sanno, 16 Sanno, 18 Sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo? Madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo, waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aanu Kiisaskaas u xallinay in lagu fakaro” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa soo bandhigay arrin la yaab leh “Waxa kale oo la yaab leh oo aan idiin sheegayaa, dacwado Maxakamadda sare ku jira ama maxakamaddaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa Jiilkii is haystay ee Dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, Jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwada sii amba qaaday ay sariir yaal yihiin ama ay dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayay ba aan garanayna ay hadda wadaan” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxa uu bulshada u sharaxay waajibka Maxakamaddaha “Maxakamaduhu waxay u taagan yihiin inay sharciga ku taagnaadaan, inay xaqa difaacaan oo Caddaaladda raacaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland.

Guddoomiyaha Maxakamadda sare oo muddo kooban xilkaasi hayay ayaa laga filayaa inuu isbedelo dhanka caddaaladda ee Maxakamaddaha ku talaabsado islamarkaana soo celiyo kalsoonida bulshadu ku qabi karto hanaanka garsoorka oo hadda cabasho balaadhani ka jirto

HargeysaOnline.Net

· ifraax on July 12 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>