Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kulan lagu Taageerayay Suxufiga Liibaan Diiriye/Ilyaas Macow.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa isagu yimid kulan ay ku taageerayaan Ilyas Macow oo loo yaqaan Liban Diriye oo muddo badan degenaa gobolka Minnesota kana mid ahaa bahda saxaafada, kasoo ay lasoo daristay xaalad dhibaato oo ka haysata xaga sharciga dagaanashaha dalkan Maraykanka iyo Canada tasoo waliba u sii dheertahay xaalad caafimaad oo haysataa suxufiga Libaan Diiriye loona yaqaan Ilyaas Macow.

Idaacada ugu way gobolka Minnesota MPR (Minnesota Public Radio) ayaa ka diyaarisay barnaamij ay uga hadlaysay dhibaatada Ilyaas iyo xaaladiisa, iyadoo la doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya oo nabadgalyadeedu wanaagsaneen ,kadib markii aan maqalanay ayaan ku baraarugnay dhibaatada haysata waxaana isagu nimi kulankaan waxaa sidaa yiri Inj. Jabril Afyare .

Sh. C/raxmaan Shariif oo ah Imaamka Masjidka Darul Hijra ee MPLS ayaa ka sheekeeyay in Ilyaas uu aad uga qaybqaatay wacyigelinta Jaaliyadda, isagoo ahaa nin mar walba u heelan danta guud, Wuxuu sheekhu intaas raaciyay in Ilyaas iyo Warbaahinta Mogudishu Times ay wax badan Jaaliyadda Minnesota kala qaybgaleen isagoo xusay arimaha xawaaladaha, dabkii ka dhacay masjidka Darul Hijra,arimaha Dhalinyarada.

201571363572361266596813211144412_10207164571015391_5080008551872986549_n.jpg

201571363572361275677048411692715_10207164561135144_1840645937302684965_n.jpg

201571363572361300567030611695843_10207164576295523_5558546965861440890_n.jpg

201571363572361321287382811695458_10207164561815161_4945164196063438704_n.jpg

201571363572361384355406311698576_10207164566295273_1023065710697652273_n.jpg

201571363572361425715386111700866_10207164579295598_4134814720977778745_n.jpg

201571363572361452142523811737803_10207164561655157_7595716440597537218_n.jpg

201571363572361588327784711737971_10207164563015191_8963860181868819506_n.jpg

201571363572361667778879311738026_10207164563175195_252389006285676225_n.jpg

201571363572361694362852511738032_10207164560495128_1374641632220917528_n.jpg



Mid ka mida dhalinyaradda Booliiska ka ah magaalada Minneapolis Cabdiwahab Cali ayaa isagana ka shakeeyay waxqabadkii Ilyas isagoo xusay in wuu aad u taageeri jiray Jaaliyadda Soomaalida Minnesota xag walba waxuuna ka hadlay dhawr dhacdo sida wuu dhalinyarada uga sameen jiray barnaamijyo kala duwan , isagoo ka caawin jiray laamaha amniga marka ay fariimaha u dirayaan Soomaalida dagan Gobolkan.
Waxuu naga caawin jiray in jaaliyadda aan gaarsiino fariimaha sida marka qabanayno tartamada isboortiga waxuu noo sameen jiray sawiro tayo leh oo ilaa hada suran xafiiska Booliiska ee magaalada iyo waliba gurigayga ayuu yiri Cali oo ka mida Booliska Minneapolis.

Kulan kaan oo ahaa sidaan sheegay mid dhaqaale loogu ururi naayay Ilyaas Macow oo hada ku sugan Magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa ah mid jaaliyadu is faraysay in loogu yabooho dhaqaale tasoo ka caawin karta in wuu helo garyaqaan u dooda kana baajin doona in dib loogu celiyo Soomaaliya .

Waxaa goobta laga sheegay iyadoo horena ay sheegtay Idaacada MPR in ilyaas wuu fariimo hanjabaado ah wuu ka helay ururka Al Shabaab looguna sheegay in la dilaayo markuu Soomaaliya ku soo noqdo isagoo kasoo barnaamijiyo lid ku ah Alshabaab ka soo saari jiray warbaahintuu tafatiraha ka ahaa Mogudishutimes waxuuna ka sameeyay barnaamijyo maqal iyo muqaal ah wuu uga hadlaayo waxyeelooyinka ururkaas.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay xubo badan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota; iyagoo ALLE ugu baryay in Liban Diriye oo loo yaqaan Ilyaas Macow uu dhibta ka dul-qaado xubnahii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ah; Cadar Axmed Kaahin, Ugaas Yuusuf, Sh.Cabdicasiis Sugule, Maxamud Mas-cadde, Saalax Bare, Saciido Shaciye, Ubah Bixi iyo Qaar ka mida Qoyska dhibbanaha.

 

Hargeysa Online

Minneapolis, MN

· ifraax on July 13 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>