Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kulan dhexmaray Soomaalida iyo Hay’adaha Socdaalka iyo Amniga Mareykanka.

Kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota iyo Laamaha Socdaalka iyo Ammaanka ee Dalka Mareykanka ayaa shalay ka dhacay Magaaladda Minneapolis, Waxaana looga hadlay Dhibaatada Bulshada Soomaaliyeed ah ka haysata bixista iyo soo galitaanka Dalka Mareykanka.

 

Shirkan waxaan si wada jir ah u soo qaban-qaabiyay Hey’dda amniga dudaha ee Homeland Security, Hey’adda ammaanka Gaadiidka ee TSA iyo hey’adda xuquuqda iyo xorriyadda dadweynaha ee Civil Rights and Civil Liberties oo kaashanayay Ururka Soomaaliyeed ee Isuroon.

Ku xigeenka Madaxa Hay’adda Xaafiiska Xuquuqda Dadweynaha, Kimberly Walton ayaa sheegtay inay cabashooyin badan oo soo gaaray kaddib ay go’aansadeen inay sameeyaan barnaajim lagu fududeynayo socdaalka kaas oo la yiraahdo Redress, si loo saxo magacyada isku eg.

“Dadka Soomaaliyeed Cabasho badan ayaa naga soo gaartay, Waxaanan diyaar u nahay in aan dhageysanno, isla markaana Xallino Caqabadaha ka haysta Dhinaca Socdaalka, mana dhici doonto in lagu xadgudbo qof safar ah oo aan wax dambi ah galin” ayay tiri Kimberly Walton oo raacisay.

“Illaa iyo hadda waxaa magacayadooda nadiifiyay dad gaaraya laba boqol oo kun oo qof, kuwaas oo lagu qaldamay, 98% dadka safarkooda laga hakiyo waa lagu qaldamay, laakiin qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ka cawdo dhibka haysata, kaddibna laga saaro liiska la daawado, waana sababta keentay inaan qalabkeena u soo qaadano Minnesota dadkana la dul qaadno culeyska heysta,”

Waxay sheegtay in laba Milyan oo qofood ay maalintii ku dhex safraan garoomada dalka Mareykanka, isla markaana qof kasta uu xaq u leeyahay in ammaankiisa iyo gaadiidka uu ku safrayo la ilaaliyo. “Sanadkii la soo dhaafay hey’adaha ammaanka ee gaadiidka iyo garoomada waxay qabteen 2,200 oo Qoryo iyo hub kale isugu jira iyo 181,000 oo ah wax-yaabaha ay Mamnuuca tahay in lala Safro, Taasina Waxay ku Tusinaynaa in ay Hay’adaha ammaanka ee 444 garoon ay hayaan shaqo xoog leh” ayay Kimberly sheegtay.

Hay’adda TSA ayaa sheegtay inaysan sameyn wax mida kala sooc ah, ama aysan gooni u faquuqin qoomiyadda Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay marayaan sharciga dalka, isla markaana ay baarayaan qof kasta oo garoonka ka soo dega ama ka baxaya.

Maadaama lagu jiro xilligii Xajka, waxay dadka xujeyda ah ee soo noqonaya ugu baaqeen inay biyaha zam-zamka ee ay xajka kala soo laabanayaan ay ku soo ritaan boorsooyinka waaweyn.

“Waxaan ka xunahay, kana tacsiyeynaa dhibaatadii ka dhacday Xajka ee dadka badan ku dhinteen, hase ahaatee xujeyda dalka ku soo noqoneysa waxaan ka codsaneynaa inaysan biyaha Zam-zamka gacanta ku soo qaadan” ayuu yiri sarkaan u hadlay hey’adda maamusha amniga gaadiidka ee TSA.

C/risaaq Faarax oo ka tisan wasaradda amniga gudaha ee Homeland Security oo ka mid ahaa wafdigii soo gaaray magaaladda Minneapolis ayaa xusay in dhibaata isku ekaanshaha magacyada aysan ku gooni aheyn dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in taas looga bixi karo in qof kastaahi isticmaalo barnaajimka dib u sixista ee Redress.

Fartuun Weli oo ah madaxa hey’adda Isuroon oo gacan ka geysatay qabsoomida kulankan ayaa sheegtay in kulmada nuucan oo kale ah ay muhiin, maadaama dadka Soomaaliyeed aysan ku jiri Karin cabsi, isla markaana ay u baahan yihiin qaabab ay magacyadooda ku xaqiijiyaan inaysan ku jirin dadka ka caagan safarka iyo socdaalka.

Intii uu socday shirka ayaa hey’adaha ammaanka waxay caawiyeen dad badan oo sheegay inay dhib kala kulmaan xilliyada ay garoonka ka baxayaan ama ka soo degayaan, iyagoo hadda kaddib si fudud ku mari doona.

HargeysaOnline.Net

· abdi on September 14 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired