Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Baaq cambaarayn ku tumasho xuquuqda shaqaalaha oo ay soo saareen guddida beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale)

Bismillaahi Arramanirraxeem. Shacabka reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Amal Qaybdiid Guure  waa Inan Ciidagale ah, waxa ay ka shaqaysaa waraaradda caafimaadka , gaar ahaan Hargeisa Nursing School. Waxa ay ahayd Maamule ku –xigeenkii Hargeisa Nursing School.  Ka dib is bedel ku yimi maamulka Schoolka , Amal waxaa loo magacaabay Maamulaha Hargeisa Nursing School, iyada oo bedeshay maamulihii hore ee iskuulkaas oo hayb ahaan ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse. ka dib culays kaga yimid beesha ay ka soo jeedo gabadha la bedelay waxaa isla maalin ka dib lagu dirqiyey wasiirka xaglo toosiye  in uu Amal ka daba magacaabo Gabadh kale oo Sacad Muuse ah oo layidhaa Nimco Mursal Xuseen, iyada oo aan wax ogaysiisa iyo wergelin midna aan la siin Amal.

Magacaabista khasabka iyo afgembiga ku timi ee Inanta Sacad Muuse loo Magaacabay Gudoomiyaha Hargeisa Nursing School, waxaa Guddoomiye ku xigeen looga dhigay Inan kale oo Ciidagale ah oo Layidhaahdo Roda Maxamed Jaaquur.  Roda waxaa la magaaacabay  9 Aug. 2015  Sida ku cad warqadan ka soo baxday Xafiiska wasiirka caafimaadka Dr.Salebaan Ciise Xagla-toosiye ee la socota warbixintan.
Arrintu halkaas kuma ay dhammaane, waxaa markiiba xagle toosiye u tagay Xil Nacnac,Axmed Xuseen Caydiid – Wasiirka Cadaaladda iyo Sheikh Khaliil – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xilalna ka haya Dawladda(u fiirso labada xil DIINTA iyo CADADDAALADA) Seddexdan Nin ayaa waxa ay u socdaan in beesha ay ka soo jeedaan la siiyo Guddomiye ku xigeednka Hargeisa Nursing School. Mar Labaad ayaa xagle-toosiye ku dhiiraday in inantii  Ciidagale ee iyana uu u magaacabay guddoomiye ku xigeenka uu hadana ka soo dabo magacaabo nin Arab ah , ninkaas oo isna weliba inantii aflagaado kula kacay oo ku yidhi ” Ciidagale wax hakuu qabto”.  Ninkan af lagaadda gaystay ayaa isna la amagacabay 31 Aug. 2015. Sida ku cad warqadan ka soo baxaday Xafiiska wasiirka caafimaadka Dr.Salebaan Ciise Xagla-toosiye  ee iyana la socota warbixintan.
Hadaba waxaa xusid Mudan in aanu ninkii arab weli Booskii aanu la wereegin. Iyada oo xafladda  xil-wereejintu ay dhici lahayd 11-oct- 2015 .taas oo aan qabsoomin wali.
Haddaba ka jaalliyad ahaan waxaa ah wax aan la qaadan karin arrimahan sida foosha xun u socda ee maamulka dawladdu kula kacayaan shacabka walaaha ah ee aan waxba kala lahayn oo ay madaxda dawladdu ka amar qaadanayaan madax aanay habboonayn in ay soo faragaliyaan iyaga oo adeegsanaya qaab qabiilaysan iyo isu awood sheegasho ,halka masuulka looga baahanayahay in uu go,aanka uu qaato kaga dhabeeyo oo aanu sharafta iskaga qaadin guddoon jilicsan oo cid waliba beddeli karto.
Beesha Daa,uud Ismaaciil(Cidagale) waa ka nadiif ah wax is daba marin iyo kala riixid beelaha reer Somaliland ee dalka wada leh,waxaanu cid kasta oo arrimahan oo kale ku kacda uga digayna in aanay ku tuman xuquuqda shaqaalaha,una eegin qabiil laguna tixgeliyo aqoonta iyo xirfadda shaqsigu leeyahay,waliba dumarka si gaara loo ilaaliyo ee aan la isku dhufan hana la ogaado fidnooyinka dumarka ka kacaa in aanay damin.
Waxaanu u soo jeedinayna shacabka reer Somaliland in ay ilaashadaan nabadda qarannimadana ka horraysiyaan qabiilka qabiilka dib loodhigo haddii qarannimo la waayo qabiil jiri maayo, waa in lagu wada tashada waddaninnimo loona hiiliyaa waddaniga dulman oo aan qabiil loo eegin waa in dhan looga soo wada jeedaa ka wax dulmiyaya
Waxaanu tageero buuxda la garba taagannay ururka la dagaallanka qabyaaladda ee uu hor moodka u yahay wasiirkii hore mudane Cabdkariim Axmaed Mooge oo ka gilgilshay heerka qarriban ee ay gaadhsiiyeen maamuka dalka taladiisa lagu aaminay.
Jaalliyaddau waxay isla qaadatay qodobbadan.
  1. In arrinta qallacan degdeg wax looga qabto.
  2. Haddii aan la dhayalsado wixii ka yimaada in ay leeday dawladdu.
  3. in ay ka digtoonaato dawladda wakhtigeedu gabaabsiga yahay dhibaataynta shacabka soo doortay foolxumana aanay xilka ku dhammaysan iskuna dayaan in aanay shacabka reer somaliland ka fallaagoobin.
 
 

Baaqan waxaa soo saaray.

Jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale)

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK
  1. Deeq Cabdi Digale======= Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil==Guddoomiye ku xigeen.
  3. Cabdkariim Jamac Dagaal===Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge==xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar===xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen======xubin.
  7. Adan Farax Geedi=====Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed==xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed=xubin.
Garabka haweenka.
  1. Amina Xaashi Guuleed======== Guddoomiye garabka haweenka.
  2. Sahra Ismacil Xasan====== Khasnajiyad.
  3. Hodan Sulda Rashiid======xubin.
  4. Fosiya Cisman Cawaale=====xubin.
  5. Ifrax Maxamed Baaruud====xubin.
  6. Fardawsa Adan Koodbuur==xubin.
  7. Nuura ciise omaar ======xubin
Guddida marjaca ama musdambeedka.
  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.

 

 

 

· xaaji on October 30 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>